= Maxamed Siyaad Barre ayaa Wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay inaadeerkii Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo Buluqbuluq lagu xaman jiray. Buluqbuluq wuxuu ahaa nin shakhsi ahaan iyo aqoon ahaanba liita oo aan beer beryey kala goynayn. Maadaama oo kursiga lagu siiyey qabyaalad, wuxuu ka arradnaa luuqadaha waaweyn ee madaxda adduunka lagula hadlo. Wuxuu jajabsan jiray Af Talyaaniga. Wuxuu ku mashquulsanaan jiray daawashada dharkiisa iyo jidhkiisa.
Warbaahintii xilligaasi ee dibbadda ayaa ugu yeedhi jirtay” Wasiirka xaragada iyo xigmad la’aanta.” Maxamed Siyaad oo booqasho ku jooga dalka Sucuudiga waxa hareerihiisa soo fadhiistay ilma Boqor Cabdicasiis. Markaasuu yidhi ” Iimaanka laga qaad Soomaalidu Buluqbuluq oo aan naf lahayn ayey igu haystaane bal may arkaan kuwan isku dhaldhalay kursiga.”
= Sidaasi oo kale ayuu Xasan Sheekh Wasiirka arrimaha dibadda ugu dhiibay inaadeerkii Fiqi. Waa isku mid Buluquluq. Waxa aad loola yaabbay dhawaan ayuu shirkii dalalka Islaamka kaga qaybgalay dalka Gaambiya. Maadaama oo uu jaahil ka yahay luuqadaha Ingiriisiga iyo Carabida, waxa turjumaan ahaan loo raaciyey Yuusuf Garaad iyo Foosiya Yuusuf X. Aadan.
Waxa la yidhi” meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido.” Shalay wuxuu soo saaray go’aan waalli ah oo uu ku xidhay xafiiskii siyaasadda ee Qaramada midoobay ee Soomaaliya. Hadda waa kuwa mushaharka siiya. Isla markiiba wuu ka noqday markii ay ceebi ka raacday.