Guusha Kulmiye iyo Madaxweyne Biixi waxa ay ku jirtaa laba qodob. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Inuu dhammeeyo saxeexa heshiiska Soomaalilaan iyo Itoobiya, oo ictiraafkiina ku xigo. Qoddobkani wuxuu kaalinta ugu weyn ka galayaa in madaxweynaha ictiraaf keenaa ay adkaan doonto in kursiga lagaga adkaado.

= Inuu dib gacanta ugu dhigo guud ahaan gobolka Sool, oo uu weliba xadka soo taabto. Qoddobkani wuxuu mihiimad weyn u yahay waa in meesha laga saaro, inay xisbiyada mucaaradku ku ololeeyaan in xukuumaddu lumisay gobolkii Sool, oo aan dalka lagu aamini karin.

= Labadaa qoddob markay meesha ka baxaan, waxa ay saaxadda siyaasaddu u salaxnaanaysaa Xisbiga Kulmiye. Xisbiga Waddani, waxa isna saaran shaambad weyn oo ololaha lagu karbaashi karo. Kaasi oo ah inay taageerayaashiisu buurta Gacan Libaax ku laayeen askartii dalka ammaankiisa lagu dhaariyey iyo inay ka horyimaadeen ciidanka madaniga ah ee deegaannadooda difaacaya, ee weliba ciidanka qaranka ka caawinaaya deegaanka.