Dhalinyarada Sawirka La Gasha Madaxda Somaliya (WQ: Maxamed Boosh)

Bishii October 2011 , ayaan markii ugu horeysay cagta dhigay magaalada Muqdisho aad u burbursan , isla markaana hoy u ahayd barakacayaal ay saamaysay abaar ay ku geeriyoodeen boqolaal kun sannadkaasi.

Waxa meel walba ka muuqday burbur, iyada oo bilo uun ka hor magaalada laga saaray Al-Shabaab oo inteeda badan gacanta ku haysay illaa 2008 .

Waxa aan ka qaybgalayay shir ku saabsanaa xoriyatul qawlka , wakhtigaasi oo suxufiyiin badan la dilay kuwo kalena wajahayeen khatarta kaga imanaysay Islaamiyiinta .

Dadka ka soo jeeda deegaanada baxsan gobolka Banaadir ee Muqdisho ku sugnaa tiradoodu aad bay u yarayd , maadaama oo ka guureen 1991-kii oo ay meesha ka baxday dawladdii dhexe ee Soomaaliya .

Dad aanay tiradoodu badnayn ka soo jeeda Somaliland, ayaanu kulanay ,kuwaasoo ku noolaa cabsi , waxa ay walaac ka qabeen xaaladooda amaan , inkastoo ay kala sinaayeen dadka u dhashay magaalada .

Mar kale ayaan magaalada ku soo laabtay bishii May 2012 aniga oo ka imi magaalada Kampala ee dalka , qaar ka mida raggii aanu is aragnay sannad ka hor waxa ay ku dhinteen qaraxyo dhacay .

Laakiin markan waxa Xamar yimi dad badan oo ka soo jeeda deegaanada kale , waxa loo diyaargaroobayey doorashadii madaxtinimada oo ahayd tii ugu horeysay ee ka dhacda gudaha Soomaaliya illaa 1991.

Reer Waqooyiga tiradoodu ma badnayn , waa laga war hayey qof walba oo ka yimaada Somaliland waana la soo dhaweyn jiray , dadka magaalada joogay oo badnaa dhalinyaro waxa ay ahaayeen kuwo isku xidhan .

Dhawr jeer oo aan safaro shaqo ku tagay Muqdisho , mararka qaarna aan deganaa sannado , waxa aan arki jiray dhalinyaro intooda badani Hargeysa ka timi oo shaqo raadis ah .

Waxa ay la kulmaan madaxda sare ee dawladda oo u ballan qaada shaqooyin , una muujiya rejo wanaagsan oo mustaqbalka ah ,laakiin dib uma arkaan madaxdii ay la kulmeen .

Villa Somalia , waxa iigu dambaysay 2016 mar Telefiishanka HCTV wareysi la yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud wakhtigaa ahaa Madaxweynaha Soomaaliya .

Intii aan Madaxtooyada ku sugnaa waxa la i tusay buug ay qoreen dhalinyaro reer Somaliland ah oo lagu amaanay xukuumadii markaa jirtay . Waxa aan filayaa in uu ahaa kii ugu horeeyay ee madaxda dawladda Soomaaliya dhalinyarada Somaliland u hibayso.

Illaa intii xukunka ay la wareegtay dawladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo , waxa sii badanayaa dhalinyarada lagu qaabilo Villa Somalia , kuwaasoo laga codsado in ay dawladda ka taageeraan baraha bulshada .
Hase ahaatee qaarkood oo aan la kulmay, waxa ay ii sheegeen in aan la fulin ballan qaadyadii loo sameeyay , waxaana ay dantu ku khasabtay in ay dulsaar ku noqdaan dhalinyaro kale oo shaqaysa . Halka kuwo kalena ay la nool yihiin dad ay isbarteen oo magaalada u dhashay .