20-ka Febraury: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne! Q.8aad (WQ: Maxamed Baashe Xaaji Xasan)

Sannad Guuradii 1-aad

Sannad guuradii 1aad ee ka soo wareegatey gadoodkayagii ardayeed ee 20-kii Febraury 1983 xuskeedii oo Axad ku beegnaa waxa aan ka mid ahaa koox arday ah oo la xidhay. Waa markii noloshayda ugu horreysey ee la i xidho abidkay, mase noqon markii u dambeysay. 2017 ayaa isla maalintan 20-ka Febraury isla Hargeysa xabsiga la iigu taxaabay.

Labada jeer ba xuquuqdii fekerka iyo xorriyadda muwaaddinku waxa ay gashay cagta hoosteeda. Berigaas hore  maamulayaashii dugsiyada ayaa halkii aannu ku xidhnayn na loogu keenay. maamulihii dugsigaygii aan u beddeshey markaas ee Gacan Libaax oo aan sannad ku jirey, Muuse Madoobe, ayaa aniga iyo dhawr arday oo kale naqwo ahaan noo la baxay oo naga sii daayey askartii aannu u xidhnayn.

Muuse madoobe oo reer Boorame ahaa dhowaan ayaan Hargeysa kula kulmay. maalintaas Maamule kastaa dhawr arday oo uu weji yaqaanney ama ay si kale isugu xidhnaayeen ayuu ka naqaystay maxaabiistii. Aniga iyo Muuse Madoobe wax aan arday iyo maamulihiis ahayn nagama ay dhaxayn. Keli ah waxa uu Muuse ogaa in aan ka mid ahay ardayda ugu waxbarashada jecel muddadii aan dugsiga ka tirsanaa.

Ardayda xidhxidhnayd intoodii badnayd waxa loo dhaadhiciyey jeelka Mandheera, iyada oo xidhnaanta iyo sii dayntu ku xidhnayd indho-garad iyo hadba sida hanti loo bixiyo. Ardaygii cid loo soo galagalaysto ama adduun laga bixiyo loo waayaa xabsiga ayuu ku abaadi jirey. Inta badan se lama waayi jirin in cid uun la isku maro oo loo waayo-sheegto, si ardaydaas xidhnayd loo soo daayo.

Sannad guuradaas 1aad ee ka soo wareegtey gadoodkii ardayeed ee Hargeysi waxa ay la timid wacdaro cusub. Muddadii sannadka ahayd wax badan baa is beddeley. Haddii sannadkii hore ardaydu isku calool fayoobaayeen sannadkan cusub caloolo bukay sitaan oo isla feedho fadhiyaan. Sannadkaas gudihiisa waxa kala haydhan ama kala lun iyo is diiddooyin ku yimaaddeen hadafyadoodii ay wada lahaayeen sannad ka hor markii dhagaxtuurku bilaabmayey.

Haddii dib u dhaca waxbarasheed, macallimiin la’aanta iyo duruus hungowgii jirey laga wada sheekaysan jirey sannad hortii, hadda dhabarka ayaa la isu jeediyaa oo sida beelaha qabaa’ilka ee colloobaa aanay dabka u kala qaadan, ayaanay ardayduna qalmaanta u kala qaadan! Waaba la kala siqayaa baqdin ahaan oo laba isku calool furan maahaane cidiba waxba isma waydiiso.

Arday cusub oo lagu baadisooco in ay baasaasiin u yihiin Dhabar-jebinta “ciidamadii sirdoonka”, ayaa fasallada badidooda soo tuurmey oo lagu soo gurayey, lagan a soo daldalayey xeryaha qaxootiga. Indhaha ayaa wax la isugu sheegaa ama la isku dilaa markii la doono huruuf ahaan. Faq iyo guux dareen hoose leh oo aan dugsiyada iyo ardayda dhexdooda lagu aqoon, ayaa dhinac walba kaa salaamayey oo ka soo jaah iyo dhafoorro ballaadhnaa. Sidan maanta oo kale ayaa la is hayb toydey oo intii isku qolo guud ahi ba is guraneysey. Wiswis iyo welwel baa maankayga saaqay. Neecaw dellegan baa fasallada noogu soo gashay oo urteeda sillooni na jiidhay. Urtaas doorsoon ayaa Hargeysa, mar kale 30 sano ku dhowaad ka dib, maanta laga uriyaa oo meel walba kaa saaqaysa xafiis, dugsi, maqaaxi iyo bakhaar ba.

 

la soco qaybta 9aad, HAI.