Faallo: buugga “How to Stop Worrying And Start Living” (WQ: Dr Jama SahaL)

Mawjadaha iyo Dabaylaha Ayaa Badnaaxnimada Dhabta Ah Keenta.

Nietzche qaacidada uu u sameeyey qofka heerka sare ah waa “Kali ah in uusan u dulqaadan culaysyada lagama maarmaanka ah balse uu sidoo kale jeclaado“.
In badan markii aan sii darso dad badan oo guulo gaaray, waxa aan sii ogaadaa oo yaqiinsadaa in in badan oo kamid ahi ay guul gaareen ayaga oo dhibaatooyin adag ay haysteen, balse culayskaasi uu ka dhigay qofka ay yahiin hadda iyo heerka ay gaareenba. : “ William James ayaa oranaya: “Itaal darrideenna ayaa si lama filaan ah u noqota mid ina caawisa.”

Haa oo aad ayaa ay ugu dhawdahay in la dhaho, Milton awooddiisa gabay waxa ay ka dhalatay awood-darradiisii indho la`aanta ahayad sidoo kalena Beethoven muusikada ugu fiican in uu sameeyo, waxa uu ku gaaray dhego la`aanta.
Waxqabadkeedii cajiibka ahaa ee Helen Keller waxaa maangal ah in ay keeneen indho la`aanteeda iyo dhago la`aanteeda.
Haddii Tchaikovsky uusan niyad-jabin oo uusan ku dhawaan in uu is daldalo taas oo ka imaanaysay guurkiisii dhibaatada ku noqday, haddii aan noloshiisu qarracan aysan soo marin, waxa ay u dhawdahay in uusan awood u heleen in uu qoro gabayadiisii layaabka lahaa.
Haddii Dostoevsky iyo Tolstoy aysan noloshu silcin, waligood awood uma heleen in ay ay qoraan sheekooyinkooda aan gaboobin.

Maalinta Darwin uu Ingiriiska ku dhalanayo, ilmo kale ayaa asna ku dhashay cariish yar oo ku dhexyaalla duurka Kentucky. Asagana waxaa caawiyey jidgooyooyinkii hasytay. Magaciisu waa Abraham Lincoln. Haddii uu ka dhalan lahaa qoys sare, kana qalin beddalan lahaa jaamacadda Harvard, nolol guur fiican ahna uu ku noolaan lahaa, dhabtii waligiis ma uusan yeesheen awoodda uu ku yiri erayadiisii goob-dagaaleedkii Gettsberg, mana allifeen gabaygiisii uu kaga hadlay tartiinkiisii labaad ee doorashada. Sidoo kalena kama aysan hareen erayada aadka u quruxda badan ee oranaya “Xaasidnimo cidna ha u qaadin, kaalmadaadana cid walba u samee.”
Harry Emerson Fosdick ayaa buuggiisa “The Power to See It Through” ku oranaya; “ Waxaa jirta maahmaah dadka Iskaandinayfiyaanku( Scandinavian) adeegsadaan taas oo oranaysa “Dabaysha waqooyi ayaa abuurtay dagaalyahanadii caan baxay ee Vikings “.
Xaggee ka keenay fikirka ah in nolol xasillooni iyo farxad ah, oo aan lahayn wax dhib ah, istireexna lagu jiiro , ayaa dadka guul iyo wanaag gaarsiin karta? Dhabtii dadka nafsaddooda ka xun sidaas ayaa ay ahaanayaan xataa haddii barkimo ay dul jiifaan, balse sooyaalka markii la eego dadka dhabta ah iyo farxaddu waa ay soo martay dad dhibaatooyin badan oo kala duwan lahaa, xumaan, wanaag, isku mid, balse waa markii dhammaantood ay xilalkooda ay guteen. Mar labaad ayaa aan kuugu celin. “Dabaysha waqooyi ayaa abuurtay dagaalyahanadii caan baxay ee Vikings”.
Kasoo qaad in aad aad niyad-jabtay illaa aad dareentay in aadan haysan wax rajo ah oo dhibta ku haysataayi ay dheef ku beddalmi karto. Haddaba labo sababood ayaa aan ku siinayaa kuwaas oo kuu caddaynaya sababta aad ugu baahantahay in aad mar kale isku daydid oo adan quusan.

Sababta koowaad: Waa aad ku guulaysan kartaa.

Sababta labaad: Xataa haddii aynaan guulaysan, kali ah isku-dayga aynu samaynay ee doonnay in aan naaquskeennii awood u beddalno ayaa keenaya in aan horay kali ah eegtid ee aadan dib u u jeensanin; fakaradahaagii xumaa ayaa kuwo wanaagsan kuugu beddalmayaan; tabar waxtar leh ayaa ku galaysa kadibna sidaas ayaa aad ku foogganaan(mashquulsanaan) illaa aad waqtiba u waydid in aad ku calaacashid ama ka walwashid waxii dhacay iyo waxii la soo dhaafay oodhan.
Hadda kahor Ole Bull oo ku caan ah qalabka muusikada ayaa bandhig ku samaynayay magaalada Paris, waxaa dhakhso u go`ay go`ay mid kamid ah afartii xarig ee qalabkii uu garaacayay ee violinka. Sidaas oo ay tahay ayaa Ole Bull sii waday xafladdii asaga oo adeegsanaya saddexdii soo hartay. “Noloshu sidaas ayay ku macaantahay, adiga oo bandhig samaynaya oo haddana xarig kaa go`ay balse aadan u joojin ee aad saddexda kale ku dhammaysid.”
Taasi ma aha nolol oo kali ah. Nolol waa ay ka badantahay. Waa guul nolosha laga gaaray.
Haddii aan awood u heli karayo waxa aan jeclaan lahaan in aan erayadaan William Bolitho ku qoro dhagax dahabeed kadibna aan suro dugsi kasta . Ereyada oranaya
“ Waxa ugu muhiimsan nolosha ma aha in aad dheeftaada kordhin kartid. Nacas kasta ayaa sidaas samayn kara. Waxa ugu muhiimsani waa in aad khasaarahaaga dheef(faa`iido) u beddali kartid. Taas ayaa caqli u baahan; taas ayaana kala saarta ninka caqliga leh iyo doqonka.”
Haddaba si aan u yeelanno qaab-feker farxad iyo xasillooni inoo keeni karaya, aynu wax samayno;
Qaanuunka 6aad : Marka adiga oo gaajaysan aad liin-dhanaan heshid, cabitaan-liimeed ka samayso.

Xigasho buugga: How to Stop Worrying And Start Living. Dale Carnegie
Tarjumiddii Dr Jama Sahal.