12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado Qaybtii 6aad (WQ: Mubarak Hadi)

Qodobka 8-aad ee keena in wax akhrisku kugu adkaado waxa weeye, in uu hab-billowgu kaa khaldan yahay. Waxaan horay usoo tilmaannay in wax akhrisku caado yahay, caadaduna samaysankeedu adag yahay muddooyinka hore. Marar badan waxa dhacda qofku isagoon wax akhrisku weli caado u noqon in uu isku qaado buug ka fil-wayn oo uu fahamkiisuba ku adag yahay. Marar kale waxa dhacda in qofku judhiiba ku billaawo buug 400 ama 500 oo bog ah. Arrintaasi waxay qofka ku keenaysaa in culayskii samaysashada caadada wax akhriska ka haysatay ay ugu sii darsanto culayska fahmidda buuggii ka heerka sarreeyay ama ay dhammayntiisu ku adkayd. Taasina waxay keenaysaa in ay qofka ku adkaato in uu wax akhriska joogteeyo, hadduu wax akhriska joogtayn waayana caadadii wax akhrisku u samaysmi waydo, aakhirkana waxay ku qasbaysaa in uu dib usoo bilaabo caadadii.

Xal: Inta aad caadada wax akhriska ka qabatimayso (60 ka cisho ee ugu horreeya), isku day in aad akhriso:

1. Buugaag ka hadlaya mawaadiic aad xiisaynayso.

2. Buug mowduuca uu ka hadlayo aad wax ka fahmayso. Ha akhrin buug fahamkiisu kugu adag yahay si kastoo uu u qiimo badan yahay.

3. Ha akhrin buu 250 bog xaashiyihiisu ka badan hyihiin. Waxaan u jeedaa, akhri buug kooban oo aad si fudud u dhammayn karayso.

La soco qaybta 7-aad.

Sii wadaag (Share) ๐Ÿ™‚

Qore: Mubarak Hadi

Y O U T U B E: https://www.youtube.com/user/5486147/videosโ€ฆ

I N S T A G R A M: https://www.instagram.com/mubaarak_hadi/