Maxaad ka taqaan , Sooyaalkii nololeed ee Shahiid Sayid Qudub? Qormada1aad (WQ: Cabdiraxmaan Barre)

Magaciisu waa : Shahiid Sayid Qudub Ibraahim Xasan Shaadili. Wuxuu dhashay October 09 , 1906. Qoys ixtiraama culimada oo nolol dhexdhexaad ah ku nool buu ka dhashay. Ubadkooda , ixtiraamka culimada ayay ku barbaarinjireen.

Dabadeed dugsi h/dhexe ayuu ka galay tuul tuulada Muushaa , xifdiga Quraanka kariimka ahna afar sanno ku xifdiyey , isaga oo akhristay caruurnimadiisii in badan oo kutubta xadiiska ah iyo culuumta diinta , sidoo kale kutubta Suugaanta (adabka) ayuu jaadadkeeda kala duwan bartay. Wax akhriska si aad ah ayuu u jeclaa , wuxuuna aad uga helijiray qaabka Quraanku u kala dhigdhiganyahay , iskuguna xidhanyahay.

Markii uu ahaa 13 jir , sannadkuna ahaa 1919 ayay bilaabantay Towraddii lagaga soo horjeeday gumaystaha Ingiriiska , oo qabsaday dalkaasi , sannaddii 1882.

Sayid wuu ka qaybqaatay arrintaas , waayo , wuxuu ahaa mid aad ujecel waddankiisa , waalidkiibaana ku ababiyey waddan-jacaylka, waalidkiina ragga kacdoonnada gobanimodoonka hoggaaminaya ayuu ka mid ahaaba , kana tirsanaa ‘xisbigii waddaniyadda’ ee uu aasaasay hoggaamiye Mustafe Kaamil , sannaddii 1906.

Maqaallo heer caalamiya , asluub iyo aftahannimo ku dheehantahay oo dhiirrigalin ah , ayuu qorijiray Sayid Qudub ,isaga oo ku xoojinaaya gobannimo-u-dirirka dalkiisa hooyo.

Sannadkii 1922 , Sayid, wuxuu u ambabaxay dhankaas iyo Qaahira , kuna biiray dugsi la yidhaa (Tajhiisiya daarul culuum). Sida magaca ka muuqatana , dugsigu wuxuu ahaa mid loogu talagalay u-carbinta ardeyda kulliyadda Daar al-culuum sidii ay u dhigan lahaayeen.

Shahiid Sayid wuu ku guulaystay dhammaystirka dugisigii , sannadkii 1933 ayuu si rasmi ah ugu wareegay kulliyaddii. Isaga oo hore u ahaa nin akhriska , suugaanta iyo qoraalladaba ku fiican , wuxuu ku guulaystay in uu noqdo qoraa maqaalladiisa iyo gabayadiisuba kusoo baxaan wargaysyada Masar oo dhan.

La soco….