MIyaad cabbirtay heerkulka qabyaaladdaada?
Qabyaaladdu waa cudur uu qabo qof wal oo Soomaali ahi, waxase lagu kala duwan yahay heerka cudurkaasi qof walba u gaadhsiisan yahay.
Dadka qaarkood xanuunku waxa uu u saameeyey si buuxda: caqligooda, caaddifaddooda iyo rumayntoodaba, waxa uu gaadhay 100%, heer la kala sooci kari waayo qabyaaladda lafteeda iyo qofkan ay huwantahay ama isagu huwan- qaar barahan bulshada inala adeegsada ayaa ka mid ah oo aan garanayaa.
Dadka qaarkoodna waxa laga yaabaa in ay saameynta qabyaaladdu ku leedahay ay gaadhsiisantahay 1%, haddana uu intaa dagaal kula jiro sidii uu uga bogsan lahaa oo uu 0% uga dhigi lahaa- waan garanayaa akhyaar heerkaa taagan Alle ha dhowree.
Bulshada inteeda badanina labadaas ayay u dhexeysaa, mid badsaday iyo mid yaraystayba, waxase lagu kala duwanyahay dareensanaanta xanuunka iyo la tacaaliddiisa.
Dadka qaar qabyaaladdu heer kasta oo ay saameyn ugu leedahay nafahooda, waxa ay dareensanyihiin in waxani cuduryahay, waxaanay ku dadaalayaan ama ugu yaraan ku fekerayaan sidii ay cudurkan saameyntiisa u yareyn lahaayeen.
Dadkan waxa si sahlan u saameeya hadba mawjadda socota, taasoo xoojisa ama yareysa oo hoos u dhigta heerkulka cudurkan ee jidhkooda.
Waxa jira dad iyagu cudurkan caafimaad u arka oo kobcintiisa ku hawllan, isla markaan u xusulduuban sidii ay dadka ugu tallaali lahaayeen, kuwani waa vitus sidayaal, in ay dawoobaanna hirar baa ka sokeeya.
Kuwan danbe oo kaa aynnu kor ku sheegnay ee boqollaha ahi ugu muuq weynyahay, fekerkooda iyo fahamkooduba waa qabyaalad, haddii kaa ay qabyaaladduba 1% u joogtaa uu cid ku yidhaahdo: โWalaal ilaahay ka cabso oo dulmiga iska daaโ, kan boqollaha ah iyo kooxdiisu waxa ay moodayaan in uu qabyaalad uga jeedo wacdiga Alle,, waa haddii kan wax wacdiyayaa uu yahay qabiil aan ahayn qabyaaladiistaha boqolku u buuxsamay.
Fal kasta oo ka soo fula qof aan iyaga ahayni โfahamkooda- waa qabyaalad iyaga lagu fogeynayo.
Dulmiga qabyaaladda lagu galay, qabyaalad laguma daweyn karo, kan qabyaaladda lagu dulmiyey ee caddaaladda ku doonaya qabyaaladdu maalinta ay fursaddu u saamaxdo qabyaaladdii uu wax ku soo dhacsaday ayuun buu wax ku dulmin doonaa.
Suuraggal ma aha in cudurkan si sahlan looga gudbo, oo heerar badan ayaa ka horreeya daweyntiisa, ugu horreeyn waa in loo aqoonsado in qabyaaladdu cudur tahay, qofkuna cid kale intaanu u gudbin uu naftiisa kula tacaalo ka daweynta cudurkaas, waa in aan qabyaaladda dawo lagu raadin ee dawo loo raadiyo.
Qabyaaladda maanta Soomaaliland heerkulkeedu halkii ugu sarreysay gaadhay, waa tii kursiga lagaga kiciyey Riyaale ee la sigu bahaystay, iyadii ayuun baa hoos u qaraxday- intaasi waa xaqiiqo qadhaadh.
Waxa ugu habboon ee qabyaaladda lagu daweyn karaa waa diinta ummaddani rumaysantahay ee Islaamka oo dhaqangelinteeda la xoojiyo, caddaaladdeeda wax lagu qaybsado, walaaleynteedana la xaqiijiyo.