Muuse Galaal Cali IHN, 1920-1980 (WQ: Sayid Axmed)

Buugga aan sawirkiisa halkan ku ladhay waxa i siiyey aabbahay IHN, Maxamed Yuusuf Dhegey 2006. Buugga waxa ku saxeexan Ibraahin Xaaji Xasan oo ku magacdheeraa (Baroofka) IHN. Waxa uu ahaa nin aad wax u akhriya, inta badanna ururiya taariikhda, dhaqanka iyo hiddaha soomaalida. Ibraahin IHN ayaa siiyey aabbahay, oo aqoon fiicani ka dhexaysay Xaaji Muuse Galaal, gaar ahaan kontomaadkii oo uu Maxamed Yuusuf Dhegey ahaa Post Masterka Degmada Sheekh. Xilligaas ayaa uu Muuse Galaal ahaa maamulaha waxbarashada dadka waaweyn.

Qofka taariikhdaa dheer leh, ee aqoontiisuna dhisnayd ayaa aad mooddaa in taariikhdii isaga la dhimatay. Waxa laga hayaa waa magaciisii, dabcan waa ay jiraan wixii uu ka tegay, ee uu qoray. Waxa habboon in Dib loo daabaco, oo waa dhaxal Qaran ee loo hawlgalo. Buuggan waxa ku jira 26 qoraa oo Afrikaan ah. Waxa waraysatay idaacadda VOA, wixii qoran baa hadha. Kollay idaacadda VOA waa laga helayaa codkii oo kaydsan. Waxa ila habboon in loo bixiyo goob dhaqanka ku lugleh sida Miyuusiyamka laga bilaabay Hargeysa ama goob kale oo ku habboon.

Ugama jeedo magac qudh ah, ee waa in taariikhdii iyo halgankiisii yaallaan goobta. Si wax logo barto, looguna dhiirrado in halgankaa halkiisii laga sii wado.

Sayid Axmed

Muuse Galaal Cali IHN, 1920-1980

Image may contain: text

Image may contain: one or more people and text