Beentu run ma noqon karto! (Dr-Abdulqani Beder)

Beentu run ma noqon karto !

Soomaali inta taariikhdeeda la hayo qabaaโ€™il col ah ayey ahayd, wax kaleba ma ahae Soomaalida maanta la yaqaanno lafteeda ayaa la sheegay in ay dagaal iyo dhulballaadhsi ku banneysteen dhulkan ay hadda sheegtaan oo ay quruumo hore oo deganaam jiray ka kiciyeen.
Weligood Soomaalidu ma helin nidaam abaabula oo hankooda gaadhsiiya meel ka sarraysa qabiilka, waxa keliya ee la xusi karaa waa muddadii xorriyadda gumaystaha laga soo ceshanayey soo uraysay iyo sannado kooban oo ka danbeeyey, waxa raaci kara oo keliya dhawrkii sannadood ee ugu horreeyey Kacaankii 1969 intii aanu qabyaaladdii uu aasay dib u soo fadhannin/faagannin.
Qabyaaladdu intii ay xumaanta lagu maxaafsado u muuqatay ayaa la qaatay, ee imika waxa ay ku sii socotaa in shaadh kale oo aan xumaan ku astaysnayn la huwiyo, sidaasna qudhunkeedii lagu sii walaaqdo, dhammaan nidaam siyaasadeedyada la sameystay: Wax ku qaybsiga 4.5, xisbiyada badan iyo dawlad goboleedyada iyo weliba nidaamka fadaraha ah ee Federaalku waa kuwo ku salaysan qabyaalad shaadhadh dawladeed iyo xisbiyo sharci ku taagan loo geliyey.
Soomaaliya qaybaheeda kala duwan oo dhan waxa dib loo abaabulay bulshadii iyada oo la raacayo hab qabyaalad ku dhisan oo basasha hoos loo fadhayo, ilaa heerarka dawladaha hoose ee degmooyinku waa kuwo ku dhisan habqaybsi qabiil oo tartanno loo galay, sidaas oo kale shaqaalaha dawladda iyo hayโ€™adaha raacsan ayaa sidaa lagu qaybsaday.
Ismari waaga iyo muranka u dhexeeya dawlad goboleedyada Soomaaliya iyo dawladda dhexe ee Fedaraalku waa mid qabyaalad salka ku haya, muranka u dhexeeya maqaamka caasimadda Muqdisho/gobolka Banaadir iyo dawladda dhexe waa mid sidaas oo kale qabiilaysan, dhammaan dawlad goboleedyadu qabyaalad bay ku dhismeen in ay ku burburaanna halis bay u yihiin.
Maanta qaylada ugu badan ee ka taagan Soomaaliland halisna ku ah sii jiritaankeedu, waa mid laga dhaxlay nidaamyada xisbiyada badan oo la sheegay in hannaanka dimuqraadiyadda casriga ah laga qaatay, hase yeeshee waxa ay isu rogtay buntirsi qabiil, waxaana fursad loo helay soo faadhidda utumooyin hore oo qabaaโ€™ilka dhex maray.
Taa macnaheedu waxa weeye haddii cidi u malaynaysay in nidaamka xisbiyada badan ee la sameystay lagaga gudbayo hannaankii hayb ku qaybsiga ku dhisnaa beentaasi run noqon wayday, oo waxa dhab ahaan si xawli ah oo weliba aan xishood lahayn dib loogu laabtay sebenkii Guba iyo halkii qabiilku taagnaa.
Waa lagama maarmaan in qof kasta oo xilkas ahi fahmo in ay qabyaaladdu tahay dulmi iyo eex oo aan deegaan rays leh lagu gaadhi karin, isla markaana tii wax lagu dulmiyey aan caddaalad lagu xaqiijin karin.
Qabyaaladdu waxa ay ugu horreysaa agabka dulmiga iyo kala qaybinta bulshada loo adeegsado, isla agabkii sidaas ahaa looma isticmaali karo caddaalad abuurid iyo mideynta bulshada !
Beeni run ma noqoto si kasta oo loola jeclaado, dulmigana laguma badhaadho si kasta oo loogu doodo, kaadi laguma dahaaro qaadan karo si kasta oo loo badsado.

Qabyaaladeynta kuwa ka cabanaya iyo kuwa doonaya in ay ku cadgoostaan ba ha ogaadaan in ay qabyaaladdu CUDURTAHAY, cudurkuna aanu DAWO NOQON KARIN.

โ€ข Cadaawii ii fekeray
โ€ข Markuu cudurkayga helay
โ€ข Intuu caag iigu shubay
โ€ข Ma yidhi waa caafimaad
โ€ข Cabboo orodoo qudhqudhi
โ€ข Cakuye caqligaygi mee ?

Dr-Abdulqani Beder