Fardo la isku hayo, maxaa la isaga faani (WQ: Abokor Maxamuud)

In kasto uu jiro Covid-19 iyo fididsu iyo waxyeeladiisu dhawac iyo dhimashad lihi ,haddan waa muhiim Doodah iyo arrahdoodu in la wadaago , si kasto lagu wadaagi karra la yeelo . Raggu siyaasad Mucaaradka yo Muxaafidku ha is arko meelaha xafladaha uun ayey hadalka iskagga tuuran,e.

Waxan ku talin lahaa ragga ha loo goleeyo oo gole-joog ha loo noqdo. Sidda oo kale ha loo dooro labba wariye-yaal ah oo hadal wadaajinta iyo su,aalo curinta yaqaan aadna ugu hodan ah oo doodaa xidhiidhiye ka noqda.

Da,yarta, dhalinyarada iyo ummaddunna ay ka qayb-gasho si ay uga qayb gashoba , isunna dhegaysato ragga isu muuq muuqda ,Doodah iyo aragtiyaha wax ku oolka ay soo bandhigaan taas oo ay bud-dhigeedu yahay sidda wax looga qabtay ama ay aheyd in wax loo qabto xaladaha gaarka ah ee hadda dalkeenna iyo ummadeenuba ku jira sidii looga sama-tobixin laha. Doodan iyo wadaageedu waa karitaanka iyo kobcinta dawladnimadda iyo garaadka , Waayo-aragnimadeed Ummaddaha guud ahaaneed.

Waa kuwo loo bahan yahay mar walb in la helo Gole-soo joogsiga iyo ka tiraabida caqabada waaqiciga ee jira ee dhaqaale siyaaseed caafimaad ,waxbarsho iyo xal u helida caqabada fara bada ee nolasheen dul hoganaaya iyo korinta bulsheedba garaadkeeda. Aad iyo aad ayaan u dhiiri-gelinayaa Doodaha foolka foolka ah iyo wadaagooda wax ku oolka ah oo dhex mara Haldoorka Hogaanka Xisbiyadda iyo kuw madax banaan ba .

Abokor Mohamud : Waxan ahay , Qoraa Arimaha Bushada iyo falan-qeeye siyaasada  Geeska afrika iyo Adduunka ba waxanad igal soo xidhiidh karta emailkeyga oo ah (abokor_14@live.co.uk) .