Hay’adda Shaqaalaha waxay go’aamo ka soo saartay ilaalinta badqabka Caafimaad ee Shaqaalaha Dawladda

 

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, ayaa ku war-gelisay madaxda laamaha kala duwan ee dawladda in si loo yareeyo faafista cudurka Covid19 ee dalka dib -ugu-soo laba-kacleyeyey, qorshe loo sameeyo habka shaqada ee xafiisyada iyo nidaamka ay shaqaaluhu u shaqaynayaan, iyadoo Hay’addu fartay masuuliyiinta in la xadiddo shaqaalaha ka howlgelaya goobaha shaqada, lana fasaxo dadka laga maarmi karo ee guryaha ku soo shaqayn kara.
Sidaasina waxa lagu sheegay Qoraal 22-kii bishan March 2021  uu soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe oo Salaasada maanta si rasmi ah loo baahiyey, taasoo lagu socodsiiyey dhamaan Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha iyo xarumaha Dawladda, Ciwaanna looga dhigay xoojinta badqabka shaqaalaha dawladda ee goobaha shaqada guud ahaan marxaladan.
Wareegtadan guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladdu soo saaray oo sidoo kale Ogaysiin lagu siiyey Madaxweynaha, madaxda Hay’addaha kale ee dawliga ah iyo guddida heer Qaran ee xakamaynta cudurka COVID19, oo nuqul kamida  Wargeyska Dawan helay, ayaa masuuliyiinta tooska loogu socodsiiyey waxa lagu faray in ay dhaqan-geliyaan afar qodob oo ay Hay’addu u dejisay xakamaynta faafista cudurka Covid19.
Wareegtada Guddoomiyaha ayaa lagu yidhi sidan:
“Sidaas la socotaan waxaa iminka inagu soo laba kacleeyey safmarka cudurka Covid19 oo khatar nafeed iyo geeri koobsaday, iyadoo taas  maanka aan ku hayno Ahmiyada badqabka caafimaad ee shaqaalaha u leeyihiin Qaranka ayaa waajib ku ah Hayada Shaqaalaha Dawlada inay dareen u yeelato una fekerto iyadoo kaashanaysa masuuliyiinta wasaaradaha iyo Hayadaha Dawlada ee ay ka hawl galaan.
 Sababtaa awgeed, waxaan halkan idinku wargelinayaa:
1. In shaqaalaha u nugul safmarka ee ay ku jiraan kuwa da’doodu weyn tahay, kuwa la nool xannuunada iyo kuwa aanu caafimaadkoodu wanaagsanyn laga fasaxo goobaha shaqada oo ay guryahooda ku soo shaqeeyaan ilaa war dambe iyo talo aan ka helayno Wasaaradda Caafimaadka.
2. in Shaqaalaha  xil iyo masuuliyad muhiim ah aan hayn ee  looga maarmi karo shaqada iyo shaqaale hoosaadka iyagana laga maarmi karo aad ku wargelisaan inay guryahooda joogaan muddo laba bilooda, waxaana wasaarad kasta iyo Hay’ad kastaa u eegaysaa baahideeda inta shaqaale ay fasaxayso.
3. In Shaqaalaha guud ahaaan lagu amro inay soo xidhaan daboolka Wajiga  (Face Mask), lana soo celiyo faraxalkii iyo dhamaan talaabooyinkii ka hortagga, si loo xoojiyo badqabka iyo xaqiijinta caafimaadka shaqaalaha iyo dadka loo adeegayo, loogana qayb-qaato yaraynta faafista safmarka Covid19.
4. in wixii agab iyo qalab caafimaad ah loo fududdeeyo, lana siiyo ahmiyad gaar ah in loo soo iibiyo si joogto ah, looguna isticmaalo goobaha shaqada.
Gebgebadii Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu waxa uu wareegtada ku xusay bogaadin uu u jeediyey masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Dawladda oo uu sheegay in ay hore uga qaybqaateen xakamaynta cudurkan, xilligii dalka uu ka dilaacay.
“waxaanu rajjeynaynaa in aad howshaas xil weyn iska saartaan, iyadoo aanu idinku amaanayno inaad horeba xil weyn isaga saarteen oo run ahaan wax weyn ka taray hoos u dhigista faafista safmarka”ayuu ku yidhi Farxaan Aadan Haybe Wargeetada uu soo saaray.
Shaqaalaha Dawladda ee ka howlgala xarumaha adeegyada badan bixiya ee ay dadka badani sida maalinlaha ah u soo booqdaan, ayaa kamida meelaha lagu tilmaami karo safka hore ee halista ugu jira cudurka Covid19.
Geesta kale, qaar kamida xarumaha dawladda ee magaalada Hargeysa, ayaa la adkeeyey gelistooda bulshada  maalmihii u dambeeyey, si loo yareeyo booqashada aan daruuriga ahayn.
Xigasho: Wargeysa Dawan.