Taariikhdu waa dhaxalka iyo dhigaalka dhabta ah ee bulsho leedahay, waa shay ay ka tageen Guurti iyo waxgarad ay ummaddi leedahay,Taariikhdu waa shay meel la dhigo laguna ilaaliyo sida beedka, hoygeeda iyo hugeeduna waxa uu yahay Qalin iyo Warqad lagu qoro laguna xafido.
Taariikhdu waxa ay ku tustaa, kuuna tilmaanta meeshaad ka timi iyo meeshaad u socoto, Taariikhdu waxa ay ku xasuusisaa waayahii wanaagsanaa iyo kuwii xumaa ee aad soo martay, waxa ay cashar kaaga noqotaa in aadan dib ugu laaban wixii aad hore usoo martay, Taariikhdu waxa ay kaa saxdaa qalad aad hore u gashay, waxayna kugu dhiirisaa wanaag aad hore u fashay.
Taariikhdu waa muraayad la iska daawado la iskana arko, waxa ay kaa hagaajisaa wixii aad foolxumo soo lahayd iyo waxa aad hadda leedahay, Tariikhu waa waxa aad tahay adigu iyo waxa aad noqon doonto mustaqbalka iyo waxa aad uga tagi doonto kuwa kaa danbeeya.
Taariikhdu waxa ay kuu ilaalisaa luqada iyo hadalka aad leedahay ee aad dunida kale kaga duwan tahay, sida darteed haddii aan Tariikhda la qorin waxaa lumaya oo aan dib loo arkaynin hadalkii iyo odhaahyada aynu Dadka kale kaga duwan nahay, taasi oo aakhirka inna dhaxalsiinaysa in aynu qaadano oo ku hadalno luqado ajanabi oo aynaan lahayn sida iminkaba jirta.
Taariikhda haddaad qori waydo oo aad meel ku xafidi waydo way kaa tagaysaa kuuna joogi mayso, hadhawna waxa aad ku khasban tahay in aan qaadato oo aad Taariikh ka dhigato Taariikh ay ummaddo kale qorteen meelna ku xafiteen waana mida maanta ina haysata.
Taariikhdu waa huga iyo dharka aad xidhan taha,Taariikhdu waa sumad aad isku garato adugu qofka aad tahay, Taariikhdu waa waxa uu Awoowyaashaa ahaayeen, adiga iyo Aabahaana aad tihiin isla markaana ay noqon donaan haddii loo qoro kuwa yaryar ee kaa danbeeya.

Tariikhu waa waxa aynu isku garano, dadkana iskaga soocano,Taariikhdu waa waxa aynu isu nahay iyo waxa aynu waligeen isu ahaan doono haddii aanay inoo qornaanina waxa lumayaa in aynu garano waxa aynu isu nahay, taasi oo haddii ay dhacdo keeni doonto in aanu wax isu noqono cid anaan awal waxba isku ahayn, taasina maanta ayay muuqataa.
Taariikhu waa magaca ummaddi ay leedahay ee ay kaga duwan tahay ummadda kale, Taariikhdu waa shay aan la mala awaali karin isla markana aan la samayn karin,Taariikhdu waa dhacdooyin dhab ah oo soo dhacay , sidaa awgeed Taariikhdu marnaba ma aqbasho mala awaalka iyo ku tidhi ku teenka.
Taariikhdu waxa ay kuu sheegtaa kuuna tilmaanta wixii aad lahaan jirtay dhar iyo dhuuniba, Taariikhdu waxa ay kuu ilaalisaa in aan lagaa majara habaabin dhaqankii iyo sooyaalkii aad lahayd isla markaana aad kaga duwanayd dadyawgii kale.
Taariikhdaada oo aad taqaanaa waxa ay qayb wayn ka qadataa in aad garanayso waxa aad soo ahaan jirtay wakhtiyo hore, taariikhdaada oo aad barataa waxa ay ku bartaa ummad kasta taariikhdeeda kadibna waxa aad ogaataa kuwa aad isku taariikhda tihiin.
Soomaalidu waxa ay leedahay Taariikho aad u facwayn, isla markaana ah Taariikho ay ka muuqdaan dhaqamadii iyo kaalintii aynu kaga jiray dadyawga adduunka gaar ahaan Geeska afrika.
Taariikh Soomaaliyeed oo isku duuban oo si wada jir ah u qorani waxa ay ila tahay in aanay jirin, balse waxa jira oo aad u badan Taariikho si gaar gaar ah uga turjumaaya Qabiilkasta oo Soomaaliyeed wixii uu dhaqan iyo caado u lahaa.
Soomaalidu may lahayn luqad ay wax ku qorto ama ay ku xafidato wixii ka horeeyay Kacaankii, taasina waxa ay dhaxalsiisay in la waayo Taariikh sugan oo Soomaali u qoran, iyada oo laga soo xiganaayo Awoowyaasheen.
Hees uu curiyey Abwaan Xasan Ganay ayaa waxa ka mid ahaa midhaheeda:
Waqtigu wuu sunsumayaa
Midna waa la sugayaa
Soo jire ma noole’e
Qarni waliba wuu socon
Safna wuu ka daba dhalan
Hadba kooda sarakaca
Waxa sahayda uga taga
Kii horee sagootiyey
Soomaalida haddii aad doonayso in aad si kooban wax uga ogaato Tariikhaheeda ay lahayd waxa aad ka helaysaa Gabayada, Maahmahyada iyo Halku dhigyada ay sameeyeen murtiyaqaanadii Soomaaliyeed, iyada oo caynkaasa ayaa haddana ma jirto Taariikh isku duuban oo la odhan karo waxa lahayd ummaddii Soomaaliyeed oo maanta meel ku qorani.
Taariikhda Soomaalida waxa markasta si fiican uga dheex muuqanaya oo anad marnaba ka dhex waayey, nimcoolayda Illaahay inagu manaystay ee ay ka mid yihiin Geela, Adhiga iyo Lo’da. Gabay iyo geeraar kasta oo aynu leenahayna waa ay adag tahay in saddexdaa laga dhex waayo hal ku dhigyada Soomaalida gaar ahaan Geela iyo Adhiga
Hees kale oo uu lahaa Xasan Ganey ayaa waxa ku soo hadal qabsanayey nimcoolayda ay Soomaalidu leedahay waxaan ka mid ahaa midhaheeda:
Dhulku saacu wada gaadh
Waanu kala sed roonyee
Meel idaha seel u leh
Riyahana salool u leh
Oo geela saar u leh
Dhibta kale ee maanta jirta waxa ay tahay haddiiba maanta la is yidhaahdo wax ka qora Taariikhda ummadda Soomaaliyeed waxa kaa hor imanaya in aad hesho wax badan oo Tariikhtii fiicnayd ee Soomaaliyeed, sababta oo ah waxaa laga yabaa in qaabka Qabyaalada iyo kala qaybsanaanta jirta awgeed ay keento in aanba laguba heshiin qaabka iyo dhigaalka Taariikhda ummadda Soomaaliyeed.
Tariikh kasta oo ay ummaddi leedahay waxa ay ka turjumtaa lagana dheehdaa ummaddaasi dhaqankeeda, qaabkay u noolaayeen, geesinimadoodii, waxyabahii ay dhaqan jireen ee ay caadada u lahaayeen, dagaaladii iyo dirirtii ay soo galeen, dagaaladay ku adkaadeen iyo kuwii lagaga adkaaday intuba waxa ay noqonayaan wax Taariikhda laga helo.
Haddaba maanta waxa aad u adag in ummadda Soomaaliyeed ay isku raacdo in ay isku si u wada aragto Taariikh uu nin aqoonyahan ahi uu diyaariyay, tusaale ahaan soddonkii sanno ee u danbeeyay qoomiyada Soomaalidu meelkasta oo ay joogto waxa ay gashay Taariikh cusub oo ah dhinaca Qabaa’ilka iyo dagaalo sokeeye.
Madamaa wakhtiga hadda lagu jiro la heli karo aaladihii wax lagu qoraayey isla markaana la odhan karo Soomaalidu waxa ay leedahay Aqoonyahano fara badan oo wax qori kara, haddana haddii aan maanta lays yidhaa wax ha laga qoro Taariikhdii lasoo maray sannadihii u danbeeyay waxa laga yaabaa in aanay dadku isku si u wada arag Taariikhdaasi, iyada oo laga yaabo in qaarna dhibsadaan qaarna ay ku farxaan.
Inkastoo ay maanta jiraan dad badan oo aqoonyahan ah oo isuna xilqaamay in ay intii taagtooda ah ay wax qoraan, balse haddana marka aad u dhabo gasho waxaasi la qoraayo waxa aad dareemaysaa in aanay wada awoodin in ay si xeel dheer wax uga qoraan Taariikhda Soomaalida sababta oo ah dhinaca dhaqaalaha iyo awooda oo aan u saamaxayn in ay soo dabacaan bugaag badan oo dadka waxtara.
Dhibta kale ee jirtaa waxa ay tahay in dadka Soomaalidu ay u badan yihiin dad aan waxna qorin waxana akhrin, haddana inta yar oo wax akhridaa lafteedu waxa ay u badan yihiin kuwo aan xiisayn ama aan jeclayn in ay wax akhriyaan, taasna waxaa ugu wacan ayaan isleeyahay Soomaalidu waa Qoom sida runta ay ku yar tahay xadaarada iyo waxbarashadu, sidaas awgeed qofka Soomaaligii in uu saacado kooban wax akhriyo waxa uu ka jecel yahay in uu saacado badan uu TV daawado kuna madadaasho.
Si kastaba ha ahaatee waxa fiican in si xeel dheer looga fikiro sidii wax looga qori lahaa loona ilaalin lahaa dhaqankii iyo hidihii aynu lahayn ee aynu Awowyadeen ka dhaxalnay, haddii aynu ilaalin wayno oo aynu dayacnana waxa aad ogaataan in sida haddaba muuqata aynu raaci doono, qaadana doono dhaqamo iyo cadooyin ay leeyihiin dad kale oo Taariikhdooda iyo hidahooda ilaashaday kadibna qortay.
Qoraalkaygan kooban waxa aan kusoo gaba’gabaynayaa odhaahdii Heestii Xasan Ganey:
Taariikhda yaa dhiga
Dhidibkeedu waa kuma
Dhug u yeesha maansada
Hiddihiina dhaaban
Murtidiina dhuuxa ah
Suugaanta dhumucda leh
Hibadiina dhaladka ah
Dhaxalkiina weeyee
Dhawrta idinkaa lee
Sidoo kale waxa qoraaladayda aan qoray ka akhrisan kartaan ciwaanadan hoosta ku qoran:
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar