Geeridii Baashe Yuusuf Cadde: Guudmar Ku Saabsan Sooyaalkiisa, Tacsidii Bulshada iyo Gelbiskii Aaskiisa Q.2aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Marka laga yimaaddo ehelka oo mar walba goobjoog ka noqda aaska qofka geeriyooda, waxa xidhiidhadii qofka, xurmadii loo hayay iyo sida xaqa looga yimi looga tiiraanyooday laga dheehdaa hadba wadarta markaas xaadirka ah. Marxuun Baashe Yuusuf Cadde waxa yimi dad buux-dhaafiyay gegadii bannaanka ahayd iyo goobtiisii rasmiga ahayd.

Waxa aaska iyo ducada ka soo qaybgalay dadweyne fara badan, madax-dhaqameed, saxafiyiin, ganacsato, siyaasiyiin, culimo iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada, kuwaas oo dhammaan ka marag furay dabeecaddii, dadnimadii iyo doorkii marxuunka.

Waxa aan ka xusi karaa:

Injineer Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha UCID

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) Wasiirka Waxbarashada

Muuse Ibraahin Selef Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda

Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa

Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimadda Guud ee Wasaaradda Macdanta

Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdikariin Yuusuf Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada

Cabdicasiis Maxamed Jaamac Guddoomiyaha Dalladda SONYO

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee UCID

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Lataliyaha Madaxweynaha Ee Doorashooyinka

Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka

Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar

Xuseen Cabdi Cawil (Foodcadde) Guddoomiyaha Waxbarashada Bariga Maroodijeex

Ganacsade Khadar Maxamuud Jaamac (Khadar Beyle)

Ganacsade Ismaaciil Cabdi Xasan Star Group

Sheekh Axmed Cabdillaahi Aadan (Shabcaan)

Dadka intii soo gaadhi weydayna waxa ay soo dawiyeen farriimo dhiillo iyo tacsi ah. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa boggiisa Facebook ku baahiyay dhambaalkan:

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo qarankaba geerida naxdina leh ee ku timid Rabbi ha u naxariistee Marxuum Ex-Xildhibaan Baashe Yuusuf Cadde oo xalay ku geeriyooday 09/02/2020, magaalada Hargeysa.

Ilaahay Marxuumka su’aasha ha u fududeeyo, dambigiisana ha dhaafo, jannatul Firdowsana ha ugu deeqo. Aamiin

Ma koobi karno taararkii xambaarsanaa tacsida. Mar haddii se madaxdii qaranka mid yimi iyo mid farriin soo dirayba ay dareenka geerida innala wadaageen, waxa aynu ogaan karnaa in uu nin culusi galbaday. Looma kala hadhin qaybaha bulshada. Qormadan iyo tii horna waa muuqaal aan daawaadsiinayo intii aan nasiibka u helin inay kobtaas joogaan ee waayaha dunida u joogay meel kale ama hawli xannibtay. Weli se ma taaban, tilmaanna kama bixin taariikhdii Marxuun Baashe Yuusuf Cadde.

Waxa aynu Eebbe ka baryaynnaa in uu u aqbalo ducadaas uursamida ah ee loo hanneeyay, loo huray, gacmahana Weyne loogu hoorsaday. Waa qayb ka mid ah wanaaggiisii qofnimo. Muuqbaahiyeyaashaha e gegada soo gaadhay ayaa qaar ka mid ah ka-qayb-gelayaasha aaska ka duubay weedho duco, sagootin iyo Alle-bari ah. Dhammaantood waxa ay ka marag-fureen sidii ay ugu midaysnaayeen tognaantii iyo tayadii shakhsiyeed ee marxuunka.

Waxa aan qormada dambe ku soo tebin doonaa guudmar ku saabsaan sooyaalkiisii qofeed, xaaladihii kala dambeeyay ee noloshiisa, waayihiisii siyaasadda, xilligii ganacsadaha uu ahaa iyo inta aan ka tebin karo xog lagu aqoonsado.

Si aydaan qoraalka ugu daalin ayaan dhan dhan kale inoo wareejinayaa. Muuqaal ayaan idinku xawilayaa.Halkan Youtube ayaad ka daawan ka daawan kartaa qaar ka mid ah weedhihii aaska laga yidhi

https://www.youtube.com/watch?v=qcn7EzZMT8A