20-ka Febraury: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne! Q.2aad (WQ: Maxamed Baashe Xaaji Xasan)

“Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima

Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaa

Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaal”.

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc), 1968, AHN.

Caafimaadkii

Hargeysa waxa ku yaalley cusbitaal keli ah oo ahaa dhisme duug ah oo laga dhaxlay gumeysigii Britayn ee geyigaas xukumi jirey. Cusbitaalku ma lahayn laydh ama koronto. Marka haweeney foolanaysa la keeno waxa iftiin u ahaan jirey indhaha gaadhigii keenay oo inta albaabka la soo hortaago oo la istaadho la shidi jirey!

Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha adeegga qaabbilsan ee cusbitaalkaas guud waxa ka badnaa bisaaska u soo hoyda ee isugu soo habar-wacday nadaafad darrada iyo dayaca rugtaas muhiimka ah ka jirey. Goob caafimaad waxa uu uga ekaa cusbitaalku qubuuro beri hore abaadey. Burco, Berbera, Boorame, Laascaanood ama Ceerigaabo iyo meelaha kaleba hoos bay Hargeysa ka sii xigeen.

Waxa aad moodaysey in gobolkaba lagala dagaalamayey horumar oo dhan, loona sadqaynayey oo lagu sooryeynayey dib u dhac oo dhan. Maanta cusbitaalkaas xaaladdiisu waa isla sidii iyo si aan la aqbali karin marka aad ku dhereriso 30 sano ku dhowaad oo Somaliland yagleelayd, iyada oo cusbitaalka iyo halka dalka looga taliyaa isku jiraan 100 tallaabo ayay dadku cusbitaalkaas ugu dhimanayaan ogsajiin la’aan. Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaa!

Dhaqaale iyo Horumarkii

Dhaqaalaha caasimadda labaad ee Hargeysa ayaa sii ragaadayey oo curyaannimo sii gelayey sida kii waddankuba u sii hagaasayey ee godka arxan darrada iyo hoogga ugu sii siqayey. Ganacsigii suuqa xorta ahi muddaba wuu ka laallaa Hargeysa oo ahaan jirtey xarun baayacalmushteri oo dadkeeduna khibrad iyo hoodaba u leeyihiin hawadinta hawlaha ganacsiga. LC-yo dad gaar ah u xuurtaysan oo lagu naasnuujiyo ayaa gaaggixiyey ibihii irmaanaa ee dhaqaalaha iyo ganacsiga. Waxa is taagey koritaankii  iyo kobocii magaalada Hargeysa iyo kii waddankaba. Waxa hoos u dhac ku yimi daryeelkii iyo dayactirkii waddooyinka, biyaha ama laydhka oo habeenna la waayo, habeennana saacado go’an meelaha qaar ka bidhiiqa. Weli talo ma saalloona. Waxa aan xusuustay waddooyinka wada xorfadda iyo bohosha ah ee Hargeysada maanta iyo biyo la’aanteeda!

Hoos u dhacaas oo si xawli ah isu soo tarayey maalin kasta sannadihii u dambeeyey, waxa uu toosiyey oo kiciyey, dabna ku oogey dareenkii dadka, gaar ahaan waxa ka gilgishey garashadii aqoonleyda iyo waxgaradka reer Hargeysa. Waxa arrimahaasi kulmiyeen koox dhallinyaro ah oo ka mid ah macallimiintii, dhakhaatiirtii, shaqaalihii iyo baayacalmushterigii magaalada. Kuwa maanta joogaa tolow ma sardhadii baa la fogaatey, mise waxa maankooda galay nuxurka maahmaahda ‘indho ribix arkayaa rixin ma arkaan’!

Waxa ay daraasayeen inta dhibaatadu hoos u qodan tahay iyo sida ugu sahlan ee xalkeeda loo furdaamin karo. Waxa ay ka badin waayeen oo go’aansadeen in ay si “iskaa wax u qabso” ah ay ugu adeegaan dadkooda qanjabararku ku yuurursaday. Waxa ay la xidhiidheen maalqabeenkii magaalada intii Hargeysa ku sugnayd iyo intii ka haajirtey ee meelo kale ku noolayd ba. Waxa kale oo ay la xidhiidheen maamulkii dawladda ee gobolka.

Dhega-nuglaan iyo jajabnaan ayay cid kasta kala kulmeen in ay ka helaan marka laga reebo dawladdii dalka maamulaysey oo ku gacmo saydhay, kuna eedaysay in kooxdaas dhallinyarada ah ay ka dambeeyaan oo ku adeeganayaan wax ay ugu yeedheen ‘quwado shisheeye’! Halkaas waxa ka soo if-baxay weji-gabaxii ugu weynaa ee waxgaradkii Hargeysa iyo maamulkii Muqdisho. Waxa wiiqmay oo xar galay udub-dhexaadka kalsoonidii la bakhti afuufayey ee shacabka Gobolka iyo dawladda, waxana hungoobey hankii u heellanaa “iskaa wax u qabsiga”!

Arrintaasi waxa ay soo dedejisay in dabayaaqadii sannadkii 1981-kii xabsiga loo taxaabo dhallinyaradaas oo lagu eedaynayo inay duminayeen qarankii ay doonayeen in ay dhisaan. Ficiladaas samadawdarnimo waxa ay sababtay kacdoonkii ardaydu hagayeen ee Hargeysa ka dhacay bishii Febarweri 20-keedii illaa 23-keedii ee sannadkii 1982 maalintii Sabti ee maxkamadda la keenayey dhallinyaradaas xidhxidhnayd ee UFFO.

Cadaadiska shucuubta la saaro waxa ka dhasha nolol. Cabbudhinta iyo xadhiggu waxa ay horseedaan gilgilasho. ‘Nolol aan u dirirnee ; darxumooyin nagu fala’. Baahidu waa hooyada daahfurka/ikhtiraaca.

La soco qaybta 3aad, HAI.