Markii ay xoogaysateen dhaqdhaqaaqii gobonimo doonka ahaa, ayuu ingiriisku damcay inuu indhaha dadka ka jeediyo gobonimodoonka. Ka dib wuxuu badhsaabkii ingiriiska ee wakhtigaasi oo la odhan jiray T.O Pike soo bandhigay qorshe lagu soo xulanyo xubno gole wadatashi. Wuxuu weydiistay golihii la tashiga inay soo gubiyaan liiska lix xubnood oo ay isku raacsan yihiin xubnaha goluhu.
Golaha la tashigu waxa ay soo xuleen 24 xubnood oo loo gudbiyey badhasaabka. Waxa ay tixgelinta siinayeen qabaa’il kasta degmadu u badan yahay. Waxay badhsaabka talo ugu sheegeen inuu kala dhexbaxo lixda xubnood liiska. Wakhtigan lix degmo ayey Somaliland ahayd oo kala ahaa: Hargaysa, Burco, Ceerigaabo, Boorama iyo Berbera.
Lixdii xubnood ee liiska laga soo xulay
waxay noqdeen:
- Cabdalle Xaaji Faarax………………………..Laascaanood
- Jirde Xuseen………………………………………Hargaysa
- Axmed Xaaji Cabdilaahi……………………..Burco
- Jaamac Muxumad……………………………..Boorama
- Maykal Maryaano…………………………….Ceerigaabo
- Xaaji Yuusuf Iimaan…………………………..Berbera
Badhasaabka Ingiriisku waxa kale oo soo magacaabay xubno ka tirsan Maxmiyadda.
Xubnihii Maxmiyadda ka tirsan:
- I.R. Stebbing………………………….xoghayaha Guud
- F.D. Robert……………………………Xeer ilaalinta Guud
- G.C. Lawarence…………………….Xoghayaha Lacagta
Badhsaabku waxa kale oo uu wasaaradaha ka soo magacaabay xubnahan:
- P. Carrel………………………. Madaxa arrimaha soomaaliyeed
- J.M. Watson………………….madaxa hawlaha caafimaadka
- E&Wilders……………………..agaasimaha hawlaha Guud
- P.H. Badan……………………. Ku/simaha agaasimaha waxbarashada
Kacdoonkii ka horyimid Golahan
Shacabkii iyo qaar ka mid ah xisbiyadii gobonimodoonka ahaa ayaa ku kiciyey duufaano kacdoon. Waxay abaabuleen shacabkii, aqoonyahannadii iyo culimadii. Waxaanay ku dhaliileen golahan arrimahan hoose:
ü In golahani haysanin kalsoonidii shacabka Somaliland, oo badhasaabku soo magacaabay.
ü In golahani isugu jiraan soomaali iyo ingiriis, markaa awooda laga haysto soomaalida, oo ingiriisku wax u yeedhinayo
ü In golahani yahay hangool gumaysigu ku ugaadhsanayo
ü In golahan aan loo dhamayn, qabaa’ilkii qaar ka maqan yihiin.
Markii kacdoonkii joogsan waayey ayuu badhsaabkii magacaabay xubno kale, oo kala ahaa:
ü P.O. Donogh…………………………ingiriis
ü Nile Thomas………………………..igiriis
ü Em. Wilson………………………… igiriis
ü Maykal Maryaano…………….Soomaali
ü Maxamuud Axmed Cali…….Soomaali
Labadii guddi oo isku jirta ayaa socdaal ku maray lixdii degmo ee Somaliland wakhtigaasi ka koobnayd. Waxay kulano is-dabjoog ah la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada. Sida dhaliyarada, haweenka, ururad shaqaalaha IWM. Golahan waxay qorshe ka dhigteen sidii doorasho baarlamaan ay uga dhici lahayd Somaliland. Badhasaabku markii uu ka baaraan degay tallooyinkii guddida wuxuu ansixiyey qodob badan:
- In golaha lagu daro 12 xubnood laga soo kala doorto lixda degmo
- In dhulka Somaliland loo qaybiyo 13 goobood oo doorasho, oo loo qaybiyo laba qaybood, oo kala ahaa: (a) qayb lagu soo dooranayo qarsoodi oo ay ka mid ahaayeen magaalooyinka waaweyn. (b) qaybta labaad waxa lagu dooranayo gacan tag. Waxa kale oo la qorsheeyey in dadweynaha ka qayb gelaya goobaha ay doorashadu ka dhacayso la diwaangeliyo wakhtiga doorashada ka horaysa. Wakhtiga doorashada waxay ahayd Maarij 1959-kii.
Golihii labaad ee lagu soo doortay, waxay ahaayeen:
v Rashiid Suldaan C/laahi……………..Hargaysa
v Maxamed Xuseen Buux………………Hargaysa
v Xirsi Madadaal………………………..Hargaysa
v Maykal Maryaano……………………..Ceerigaabo
v Xaaji Cumar Hoori……………………Ceerigaabo
v Cabdale Xaaji Faarax………………….Laascaanood
v Xaaji Cilmi Samatar…………………..Laascaanood
v Axmed X. C/aahi …………………….Burco
v Xaaji Faarax Cabdi……………………Burco
v Cali Cige Jaamac……………………….Burco
v Axmed Sh. Maxamed………………….Berbera
v Haybe Cilmi Cawad…………………..Berbera
v Muuse Axmed………………………….Saylac
v C/laahi Cali…………………………….Boorama
Xisbigii SNL wuuu qaadacay doorashadan, kamanuu qaybgelin. Xisbiyada ka qaybgalay waxay ahaayeen:
- 7 waxa laga soo doortay NUF
- 4 waxa laga soo doortay SYL
- 1 waxa laga soo doortay liis madax banana.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somaliland
Tix-raac:
Cali Jaamac Qalinle…………………..Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed(2009)