Gurigii ku yaalay wadada aakhiro loo maro (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

Adduunkan aynu ku noolnahay waxa uu IIlaahay csw ugu talagalay in aadanaha uu abuurtay ay maran laba marxaladood oo kala ah nolol iyo geeri, nolol kastana waxa ay ku dhamaata geeri, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahda haddii ay geeriyo ku dayso ma gabow baan ku dayn.

Qofkasta oo inaga mida oo geeriyi haleesho, kana guura gurigiisa adduunka waxa hoy iyo guri u noqota Xabaasha amma Qabriga, waana mid aan sinaba loo seegayn, Illaahayna csw uu inoogu bushaareeyay in nafkastaa ay dhadhamin doonto geerida iyo xabaasha.

Akhristayaal magaalo ka mida magalooyinka ay Soomaalidu degto, waxa jiray qoys daganaa magalada badhtankeeda, kuwaasi oo uu guri fiicana uga dhisnaa, balse gurigii uu noqday mid ku yaala suuqa badhtankiisa, sidasaas darteedna ay ad-kaatay in carruur lagu koriyo gurigaasi, maadaama uu ku yaalo meel aad dadka iyo baabuurtu ay ku badan yihiin.

Reerkii waxa ay ku tashadeen in ay gurigii isaga ahaa iibiyan, kadibna ay guri kale ka iibsadaan meel magalada ay dagan yihiin darafkeeda ah, si carruurta iyo dhammaan reerkuba ay u helaan dhul waasica oo ay ku raxaystaan.

Waxa ay gurigii ay daganaayeen u direen niman dilaaliina, kuwaasi oo ay ka codsadeen in gurigoodan ay hadda ka guurayaan sida ugu dhakhsaha badan loogu soo iibiyo, isla markana loo raadiyo guri kale oo ay lacagta ay ku iibiyaan ay ku iibsadaan.

Nimankii dilaaliinta ahaa maadaama uu gurigani ay hadda ka guurayaan uu ku yaalo meel aad u munaasaba waxa ay marrkiiba gurigii u heleen iib iyo lacag fiican, mar labaadka waxa ay reerkii usoo heleen nimankii dilaaliinta ahaa gurigii ay iibsan lahaayeen oo ku yaala meel magalada darafkeeda ah aadna u hawo fiican.

Ayaamo ka bacdi reerkii dhammaan waxa uu u guuray gurigii cusbaa ee ay iibsadeen, runtii waa guri aad u fiican kana waasacsan gurigii yaraa ee ay kasoo gureen, waa guri si aad u qurux badan loo dhisay iyo qaab casri ah oo magaalada oo dhan ku cusub.

Maalin maalmaha ka mida ayaa reerkii oo gurigiisii iska jooga isla markana ay tahay xiligii qadada, dhammaan reerkii uu dhamina uu miiska ku wada qadaynaayo, ayaa waxa daaqada guriga laga maqlay dhawaaq dad, kuwaasi oo ku celcelinaaya kalmada Tawxiidka ah ee:

“Laa’ilaaha illa’laah Muxamadow Rasululaah, hadaa xaqu-laah xaqu daa’imulaah.”

Ereyadaasi Tawxiidka ah oo badana Soomaalidu ay isticmaasho xiliga qabuuraha ama xaabalaha cid loo sii wado.

Markii reerkii ay maqleen dhawaqaasi aan kala joogsiga lahayn, ayaa sida iska caadadaa carruurtii yaryarayd ayaa waxa ay kusoo yaceen dhinaca daqada guriga si u bal u eegaan dadkan faraha badan ee meesha maraaya, kadibna waxa ay arkeen carruurtii in guriga hortiisa wadada ah la marinaayo Mayd amma qof geeriyooday oo xabaalaha loo wado.

Maadaama ay carruurta iyo dhammaan waalidka reerkuba ay yihiin dad muslima, waxa uun loo arkay amaba ay tahayba in Maydka halka la marinaayo loo wado xabalaha oo aan ka ag fogayn goobta uu gurigani ku yaalo.

Maalintii labaad isla sacadii aya hadana reerkii isaga oo u fadhiya wakhtigii qadada ayaa hadana waxa ay si lama filaana u maqleen isla kalmadahii Tawxiidka aha ee ay shalayna maqlayeen mid la mida ama kabasii xaamasadaysan oo aad kor loogu dhawaaqaayo Tawxiidka.

Reerkii halmar ayay is-eegeen kadibna haddii shalay ay carruurtu daaqada guriga inta ay soo fuleen ay eegeen cida wadada maraysa, hadda waxa soo kacday Hooyadii guriga, kadibna waxa ay aragtay baabuurta aadka u faraha badan ee galbinaya Maydka lagu wado xabaalaha, balse inta ay daqadii guriga xidhay ayay tidhi iyada oo la hadlaysa ninkeedii:

โ€œWaxa wadada maraya Mayd xabaalaha loo wado.โ€

Allah haw naxariisto ayaa marqudha lawada yidhi.

Isla habeenkii oo sacadu ay tahay 12 habeenimo,reerkii oo dhammi uu wada seexday, ayaa waxa markaliya sasay ama salalay qofba sida uu u yaqaano carruurtii guriga jiiftay, kadibna waxa ay dhammaan kusoo wada-yaceen qolkii ay jiifeen aabahood iyo hooyadood, kadibna waalidkii waxa ay is waydiyeen waxa carruurta xiligan soo toosiyay.

Daqiiqado yar ka bacdi waxa aabihii iyo hooyadii ay maqleen kalmadii Tawxiidka ee ay shalay ilaa doraadba dhagahoodu maqlayeen, aabihii guriga ayaa soo kacay, kadibna waxa uu furay daaqada guriga waxa uu arkay tiraba laba mayd oo xabaalaha ama qabriga loosii wado, kuwaasi oo ay galbinayaan baabuur aad u fara badan.

Reerkii habeenkaasi waxa uu u ahaa soo jeed iyo hurdo la’aan, marwadii guriga ayaa waxa ay ninkeedu ku tidhi:

โ€œWaar nimankii guriga inoo iibiyay waxa ay ina dajiyeen wadadii loo maraayay aakhiro, balse waa in aynu nimankii doono oo ay inaga raraan jidkan ama wadadan loo maraayo Aakhiro.โ€

Aabihii gurigu maadaama uu ahaa nin degan isla markana fahamsan in aanu qofna adduunkan ku waarayn, qofkastaana uu ku arooraayo qabriga iyo guriga aakhiro, ayaa isaga oo u caqli celinaya xaaskisii waxa uu ku yidhi:

โ€œWaxba inaga xumaan mayaan, dadkan meesha marayana aakhiro ayaynu ku xasuusanaynaa markaa isdaji xaajiyo.โ€

Saaxibayaal arrintu sidii la moodayay may noqon, odaygii guriga lahaa iyo xaaskisina waxa ay ku sigteen in arrimahan meesha ka dhacaya in ay isku af-dhafaan, guriga iyo hortiisina waxa uu noqotay wadada kaliya ee dadkuba u maro xabaalaha.

Waxay arrintii sidii ahaataba, carruurtii gurigu waxa ay noqdeen kuwo hadh iyo habeen saaran daqada guriga, iyaga oo eegaya Maydadka iyo dadka geeriyooday ee xabaalaha loo wado ee aan kala joog-siga-lahayn,caruurtii waxa kasoo hadhay hadalka ah “alla aabow hadana waa qaar kale”taaso abihii iyo hoyadii ku abuurtay warwar dheerada.

Wadadii guriga hor’maraysay waxa ay noqotay mid aan jaanisba lahayn waxaana la xaqiiqsaday in gurugani goobtan uu ku yaala ay tahay afaafka kaliya ee loo maro marka xabalaha lagu socdo.

Wax ay arintii sidaas ahataba abihii guriga waxa soo food saaray culays badan oo uu u adkaysan wayay oo kaga yimi dhinaca caruurta iyo hoyadood,isaga laftiisu waxa uu dareemay culays farabadan gaar ahan xiliga habeenkii .

Reerkii waxa ay ku tashadeen in ay Gurigii iibiyaan kana guraan waxa ay u yeedheen dilalintii Gurugan u iibisay, canaan iyo cadho kula dhac dabadeed waxa ay ka codsadeen in gurigan ay soo iibiyaan guri kalan ay ugu badalaan.

Nimankii dilaaliinta ahaa arrintii waa ay u hawl-galeen kadibna reerkii waxa ay u iibiyeen guri kale, kaasi oo ku yaala meel aad uga durugsan gurigoodi hore ee ay uga soo gureen in uu noqday wadada xabalaha loo maro.

Reerkii waxa ay soo dageen gurigii cusbaa, waxaanay soo maca-salameeyeen gurigii hore ee ay kasoo gureen, gurigan cusub ee ay hada yimaadeen waa guri isaga laftiisu aad u wayn aadna u quruxbadan.

Akhristayaal maalintii uu reerku guriga soo dagey ayaa waxa magaaladii ay degaanaayeen ka da’ay Roob aad u laxaad wayn oo dhamaan magaalada waddooyinkeedi oo dhan kala wada xidhay.

Waa xili habeenimo ah saacadu waxa ay ku beegan tahay 8 sideedi habeenimo, qoyskii oo dhami waxa ay ku jiraan gurigoodi gaar ahaan waxa ay markaasi daawanayaan TV guriga u yaala, waxa ay ka sheekaysanayaan gurigii ay ku jireen iyo sababtii ay uga soo guureen, wax ay Illaahay ku mahadinayaan gurigan ay hada u soo guureen iyo sida uu u quruxda badan yahay.

Iyada oo arrintu ay sidaasi tahay, ayaa waxa si kadisa ah dhammaan reerkii dhagahooda ugu soo duulay kalmadii ahayd:

โ€œHaadaa xaqulaah xaqu da’imu-laah, taasi oo astaan iyo calamad lagu garto u ahayd in meesha la marinaayi Mayd loo sii sido xabaalaha.โ€

Dhagaha ayaa la wada taagay, waxa la is-yidhi malaha waa TV-ga dhawaqa aad maqlaysaan, kadibna waa la bakhtiiyay, haddana dhawaqii ay dhagahoodu maqlayeen waxa uu noqdoy mid marba marka ka danbaysa soo kordhaaya.

Sidii caadada ahayd carruurtii ayaa daqadii guriga ku cararay kuna orday. kadibna waxa ay markiiba isha ku dhufteen tiraba wax ay u fahmeen in uu in uu yahay dad badan oo qabriyada loo sii sido, kuwaasi oo ay galbinayaan baabuur aan tan iyo waabariga aan kala joogsanayn fara-badnidooda.

Carruurtii markii ay arkeen ayay waxa ay mar wada yidhaadeen:

โ€œAlla aaboy iyo hoyooy hadana way inaga daba yimaadeen.โ€

Odaygii iyo islaantii ayaa degdeg u soo kacay kadibna waxa ay eegeen waxa ay carruurtu sheegayaan waxaanay indhaooda ku arkeen wax aanay filayn.

Akhristow hada mushkilada meesha ka jirta waxa ay tahay, madama uu magalaada ka da’aayo roob aad u fara-badani , dhammaan wadooyinkii magalaaduna ay kala wada xidhmeen, taasi ayaa waxa ay sababtay in reerkani gurigii hore ee ay kasoo guureen wadadii hormaraysay ay xidhantay roobkuna uu goyay, kadibna waxa khasab noqotay in wadadan hada xabaalaha loo maro.

Dhammaan reerkii waxa ay noqdeen marlabaad kuwo ka niyad jaba arrintan daba socota, safarkii dadkan aakhiro loo galbinayaa waxa uu noqday mid si isdaba joog ah gurigan hortiisa u mara maadaama aanay jirin wado kale oo ay gaadiidku u maraan xabaalaha.

Reerkii waxa ay u noqotay habeen oo dhan soo jeed, waxa cadho iyo ciil badan loo qaaday nimankii dilaaliinta ahaa, kuwaasi oo loo arkay in iyagu ay masuul ka yihiin waxan dhacaaya.

Aabihii guriga waxa soo foodsaartay culays sidii markii hore kaga yimi carruurtii iyo hooyadood, kuwaasi oo mar labaad ka codsaday in gurigan laga raro loona raro meelkale oo aan u dhawayn xabaalo.

Aabihii gurigu markan dhammaan carruurtii iyo hooyadood gashaanka ayuu u daruuray, waxa uu u sheegay in xabaalaha iyo ka ag dhawaantooda ay tahay wax Aakhiro lagu xasuusto.

Waxa kale oo uu u sheegay carruurtisii in dadkan badan ee maalinkasta xabaalaha iyo qabriyada loo wada ay yihiin kuwo shalaytoole nolaa, taas aawadeedna waxa uu ku dardaaray carruurtisii iyo hooyadood in ay iska dayaan in ay karahsadaan dadkan safarka ugu jira gurigoodii Aakhiro, maadaama aynu inaguna nahay kuwo ku daba-jira.

Waxa kale oo uu carruurtisii ku waaniyay in midkasta oo iyaga ka mida ahi maalin maalmaha ka mid ah qabriga ama xabaalaha la gayn doono cid ka bad-baadaysaana aanay jirin.

Waxa kale oo uu ku booriyay carruurtii iyo hooyadood in ay tahay arrintani mid iyaga lagu imtixaanayo waxna lagu tusaayo, sida awgeed aanay ahayn in aynu kibir iyo isla wayni marba guri aynu u guuro.

Intaasi wixii ka danbeeyay reerkii waxa khasab ku noqotay in ay gurigoodan iska aminaan, dadkan Muslimiinta ah ee qabriyadooda loo sii wadana marka ay arkaan ay u duceeyaan, iyaguna ay noqdaan kuwo ku cibra qaata.

Akhristayaal ha ilaabina geeriga, qabrigu malahan saaxib, ehel, tol iyo qaraabo toona, waxa kaliya oo qabriga ciqaabkiisa aan kaga badbaadaynaa waa cibaado suuban iyo camal wanaagsan oo Illaahay aktiisa raali laga yahay.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar.

Qareen Khadar Ibraahim Aar