Guudmarka Buugga “A Women of Firsts” ee ay qortay Dr. Edna Aadan Ismaaciil (WQ: Khadar Maxamed Muxumed)

Buugga Edna Aadan Ismaaciil ay ka qortay taariikh nololeedkeeda ee la yidhaahdo “A Women of Firsts: The Midwife Who Built a Hospital and Changed the World”, waxa aan akhriyey isla bishii August ee sanadkan ee uu soo baxay. In kasta oo markii lagu soo bandhigayey London buugga anna aan London joogay, haddana fursad umaan helin in aan ka qayb galo. Waxaanse u mahadnaqayaa Khalid J. Qodax oo buugga ii hadyeeyey mar aan ku booqday Bristol.

Haddaba habeen dhawayd ayaan Hargeysa kaga qayb galay bandhig buugga mar labaad loo sameeyey. In kasta oo ay xafalladu ahayd mid bilan, hadana waxa aan yar saluugay qaabka ay buugga uga falceliyeen afartii qof ee buugga soo akhriyey, oo malahayga in kasta oo ay ahaayeen shakhsiyaad misaan leh, hadana aan buugga xaqiisii siin. Arrintan ayaa igu dhalisay in aan buugga ka falceliyo, in kasta oo aanay gorfayn iga ahayn.

Buuggan qoraalkiisa Edna waxa ku weheliya Wendy Holden iyo Lee Cassanelli oo ah dadka ugu caansan cilmi baadhista Soomaalida. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 17 cutub. Buugga qaabka loo qoray farshaxanimadiisu waa mid cajiib ah, waana buug haddii aad akhriskiisa bilowdo ay adagtahay sida aad u joojiso.

Waynu isla wada qirsannahay in qof Edna oo kale ah aan taariikhdiisa buug iyo laba toona lagu soo koobi karin. Waxa kale oo aan qirayaa in qof kasta oo u haysta in uu Edna si fiican u yaqaan marka uu buugga akhriyo uu garwaaqsan doono in uu wax yar ka yaqaannay. Dhowrkan qodob ayaan si gaar ah isku dul taagi lahaa oo xiiso gaar ah aniga ii lahaa:

• Waxa aan aad ugu bogay sida ay Edna buugga ugu soo koobtay waayihii nololeed ee aabaheed Aadan Dhakhtar oo nolosheeda saamayn wayn ku lahaa. Aabaheed waxa uu ahaa dadka fara ku tiriska ah ee noloshooda u hibeeyey bulshada. Waxa uu ahaa dhakhtarkii keli ahaa ee Soomaali ahaa ee Somaliland ka shaqaynayey ee qualified ahaa xilligii uu Ingiriisku joogay. Edna buugga dhexdiisa aabaheed aad ayey ugu weyneysay, waxaanan aaminsanahay in uu intaa iyo in ka badanba xaq u leeyahay. Runtii markii ay taariikhdu maraysay geeridiisa anigu waan ilmeeyey, waayo waxa ay bulshadu lumisay halyey qaran. Weliba waxa murugo lahayd in uu Muqdisho ku geeriyooday oo dadkii uu jeclaa badankoodu, oo ay Edna ka mid ahayd, aanay fursad u helin in ay aaskiisa ka qayb galaan.

• Waayaha iyo halganka waxbarasho ee Edna ayaa isna qiso taxane ah oo xiisaheeda leh. Waxa ay ka bilaabmaysaa Jabuuti oo ay ku qaadatay 1946-52. Markii ay soo dhamaysatay waxa ay macalimad ka noqotay dugsigii hablaha ee Burco 1953. Sannadkii ku xigayna (1954) deeq waxbarasho ayey ka heshay Ingiriiska. Edna Ingiriiska ayey ku qaadatay ilaa 1961 oo ay dalka dib ugu soo laabatay, waxaana ay baranaysay kalkaaliso iyo umuliso. Waayo badan ayaa ka soo maray Ingiriiska iyo waxbarashadii waxaana ay duruusta ku jirtaa dhiirrigelin u tahay da’yarta oo dhan gabdho iyo wiilalba. Runtii kama xiiso goynaysid Edna iyo waayihii dugsiyada, jaamacadaha iyo cisbitaallada ay ka shaqyn jirtay.

• Xidhiidhka Edna iyo Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa isna buugga xiiso gaar ah u yeelay. Qisada kulankoodii u horreeyey ayaa cajiib ah iyaduna. Muddo ayey kala maqnaayeen mar dambena way is guursadeen. Haddana way kala tageen labo sanno kadib oo waxa ay iyaduna ku biirtay UN iyada oo shaqadeedii u horreysay ka bilowday Liibiya. Kadib ayey haddana Cigaal isku soo noqdeen markii uu Raysal Wasaaraha noqday. Waxaana haddana kala kaxeeyey xadhigii dheeraa ee uu Cigaal galay markii ay dalka askartu la wareegtay. Edna Cigaal kadib waxa ay guurstay Axmed Xuseen Bulbul iyo Xasan-Kayd oo ay labadaba noloshii ay wada qaateen ay buugga ku faahfaahisay. Xasan Kayd waxaabay ula guurtay Cummaan oo uu safiir ka ahaa.

• Buugga qodobka ugu muhiimsan ee malaha aad is odhanayso nuxurkiisu wuu ku wareegayaa waa gudniina fircooniga ah iyo dagaalka ay Edna la gashay oo bilowday 1976.

• Dhaliisha keli ah ee Edna la siin karo malahayga waa in ay arrimo dhaqanka Soomaalida la dedo ay si cad oo qaawan buugga ugu qortay, ha noqoto wax iyada nolosheeda khuseeya ama wax guud ahaan bulshada khuseeyee.

Buugga lama soo koobi karo qiimihiisa runtii. Waxa aan idinku dhiirrigelinayaa in aad akhridaan.

Mahadsanidin