Sababtii uu isku casilay Wasiirkii ugu horeeyay ee Beeraha Somaliya (WQ: Yaasiin Suubiye)

Ka dib midawgii 1960 waxaa dawladii u horaysay u magacawday Wasiirkii Beeraha Axmed Kayse oo ka mid ahaa xubnihii xoriyadii Somaliland keenay.

Wasiir Axmed Kayse oo subax u soo shaqa tegay Xafiiskiisi Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay beeralay Soomaaliyeed oo tuban afaafka hore ee Wasaaradda, wuxuu waydiiyay waxay doonayaan waxaanay u sheegeen in beerohoodii oo ku yaala Koonfurta Somaliya ay xoog kaga haystaan Beeralay Talyaani ah.

Markii uu cabashadii dhegeystay wuxuu qoray warqad uu ku amrayo beeralayda Talyaaniga ahi inay beeraha ku soo wareejiyaan dadka leh ee Soomaliyeed isla markaana ay dalka isaga baxaan.

ka dib markii ay warqadaasi gaadhay Talyaanigii beeraha haystay iyaga oo kaashanaya Dawladii Talyaaniga iyo Xildhibaano Soomaaliyeed oo markii hore soo bixi taankooda Talyaanigu ka shaqeeyay ayaa keenay Baarlamaanka Mooshin loogu doodayo dadkaa Talyaaniga ah ee beeraha xoogga kaga haysta Soomaalida.

Baarlamankii mooshiinkii ayuu qabtay waana loo codeeyay aqlabiyadiina waxay noqotay in beeralayda Talyaaniga ah ay haystaan beeraha Soomaalidii beeralaha lahaydna cidla la diray amarkii Wasiirkana halkaasa lagu buriyay.

Wasiir Axmed Kayse oo ka cadhooday Talaabada ay qaadeen Baarlamaanka Somaliya ayaa xilka iska casilay isaga oo sheegay inaan weli la xoroobin.