Hadalkii Buuni Ee Jawaabta Maxamuud xaashi Waxa Uu Isoo xasuusiyay Silsiladii Gub. (WQ: Mustafe Axmed Maxamed Geeddi)

Maxamuud Xaashi Cid Aan Usoo Jawaabi Karin  Ayaa Usoo Mushxaradday.

Ninkan Buuni waxaan kusoo xuustay meerrisyadii silsilad sugaanneed-kii Guba ,markii Qamaan bulxan iyo inaadeerkii Cali Dhuux oo si addag u wadda hadlaya u gabay-gii iska soo dhex-galley nin la odhan jiray Maxamed Fiin oo abwaan ahi ,oo  markaa aannay shaqo iyo shuqul toona ku lahayn gabaygu.

Waaggii hore dhaqan-ka iyo suggaanta la iskama dhex-gali jirin  ee gabay-gu god ayuu lahaa la dego ,godkiisa ayaana lala sugi jiray, oo lagu suggi jiray

Qammaan wuxu la yaabay.! : Waxa Maxamed Fiin Badwayntan rag isku hafinayo ee biyo hoostood la iska haraatiyayo  soo dhexgaliyey ilaa Calidhuux iyo Qammaan dhexdoodu ma qaado e, oo waa rag si walba ay  wax uga dhexeyaan.

Qamaan bulxan: oo la yaaban.!. Fudaydka Maxamed fiin una arka nin “Dawdar ah” ayaa ugu duurxulay gabay ay meerisyaddani ku jiraan.

Qamaan wuxu yidhi:-

Maxamedoow hadalka waad gaftay kuuma soo galine.

Markii faras-ku kula gaabiyee gegida kaa qaatay.

Gam inaad tidhaahday ahayd oo aan Cali garaxaaye.

Gabadhii ganbadda taabatee ,gacanta loo maydhay ,ee haddana meeshii galisey gabaygu sow mahaa

Sow magani tii gaabsatee aan  gabay lahayn maaha.

Geraarka iyo faanku sow “Guba” la xeer maaha

Cawl-baa nin soo gabsadey ,jeer u gabraar tagaye.

Isagoo aan wax lagu gawriciyo gawdhisaba haysan.

Golxobtiyo lawaa tooriday, gurey ku noolayde.

Jeenigay gafsiisoo ,minday qodatay gaareye.

Adiguna gaddii baad tahoo, waad is gunaanadiye.

Labbadeen gobol xaajaddeer la isku gubaabshay.

Hadaydaan gudiyin oo ciyoow ,gunno naloo keenin.

Wallee inaan tix  la isugo go’ oo aan gaagna hadhin sheegi.

Ninkan maxamuud xaashi usoo jawabay si uu ugu  soo jawaabo anigu garanwaayay, xukuumaddii maaha,  oo hoggaan-kii xisbiga maah, oo bah-waddaagtii deegaan ee kulmiye maaha.

Buuniyoow hadalka waad gaftaye ,kuuma soo galin.

Muu  gobolkiisii Awdal saamigiisa iyo Xaq deggaankiis u hadlo ee madaxwaynuhu cirka ku laallay.

Annigu markaan qiimeeyay waxa u ila muuqdey nin ay “Heeggo” waxa usoo liqintay erayo iyo  weedho la isugu soo xidhay oo naftiisa isagga xammalanaya, waxaan u fahmay nin shaqaysanaya oo hadalkiisa cid ku raaligalinaya.

 

Facebook. Mustafe Ahmed Geedi

Gmail. Mustafea179@gmail.com

 

W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi