Dunidan Illaahay korkeeda inagu abuuray bilow ilaa dhammaad, waxa la wada ogsoon yahay isla markaana aanu marnaba muran ka jirin in ay dadku kasoo farcameen, hooyadeen Xaawa iyo Aabaheen Aadam. iyada oo dadka Muslimkiina ay yihiin kuwo isaga sii dhaw intaasi.
Haddaba iyada oo laga warqabo in boqolaal sannadood ay soo jiitamaysay dhibaatada Cunsuriyada, Yasida iyo Kala Sarraynta ka dhex taagan beelaha Soomaaliyeed, ayaa haddana waxa ay si gaar ah culaysku u saaran yahay Beesha Gabooye.
Muddo hada laga joogo sannado aan sidaasi u badnayn, ayaa waxa sheeko Guur ay dhex martay saddex dhinac ama saddex qof sida aad ka akhriyi doontaan habdhaca sheekada, saddexdaasi qof oo kala ahaa laba nin iyo hal gabadh.
Sheekadani maaha mala’awaal iyo ku tidhi ku teenkii Soomaalida, balse waa sheeko qayb ka mida aan garnaqsigeeda aan goob joog ka ahaa, sheekadana madaama ay tahay sheeko xaqiiqa oo dhacday waxa aynu isticmaali doonaa magacyo mala’awaala, sidaย Wacanย oo gabadha ah, Warmoogeย iyoย Wayeel oo ah labada nin.
Warmoogeย waa nin wadaada, gaar ahaan culimada sharafta leh ee loo yaqaano Tabliiqa, Warmooge waxa uu qabiil ahaan kasoo jeeda beelaha wax haybsooca (Ajiga), Warmooge waa nin inta badan dacwada diinta aad uga shaqeeya, sida inta badan lagu yaqaano Xarakada Tabliiqana waxa uu ku maqnaada gobollada dalka si uu u fidiyo dadkana u gaadhsiiyo xujada Diinta.
Wacanย iyada lafteedu waa Gabadh ka dhalatay qabilooyinka wax hayb-sooca (Ajiga) waa gabadh Illaahay qurux iyo qaayaba uu u dhameeyay, ay adag tahayna in la helo gabadh kula tartanka quruxda Illaahay siiyay. waana gabadh dhawrsoon, akhlaaq iyo af’gaabnina lagu yaqaano.
Wacan iyo Warmooge waxa ay isqabeen in muddo ah oo aan sidaasi u badnayn, wakhtiyadii danbana waxaaba soo kala dhex galay khilaaf aad u wayn oo maare loo waayey, kaasi oo keenay in ay kala tagaan.
Inta badan waxa caado u ah dumarka Soomaalida in ninka marka ay kala tagaan ay dhacdo in ay ka fikiraan in ay si dhakhsa ah u raadiyaan ninkii ay guursan lahaayeen ee labaad, taasi oo ay uga jeedaan, ku xumayn iyo ku caragsi ku wajahan ninkii hore ee ay kala tageen.
Wacan markii ay ka baxday xiligii cadad baxa ayaa waxa ay isbarteen nin magaciisa la yidhaa Wayeel oo kasoo jeeda Beelaha la haybsooco (Gabooye) ahna nin Hargeysa si fiican looga yaqaano karaamo iyo sharafna ku dhex leh.
Wayeel markii isaga iyo Wacan ay ku heshiyeen arrimaha guurka, waxa uu u sheegay cida uu yahay iyo raaska uu kasoo jeedo, waxa kale oo u cadeeyay in uu yahay nin carruur badan leh, balse marka dhinaca kale laga eego Wayeel waa nin ka dhisan dhinaca dhaqaalaha (jeebka).
Wayeel waxa uu ka codsaday Wacan in ay u yeedho Abaheed iyo tolkeed wixii jooga miyi iyo magaalaba, waxa kale oo uu ugu bushaareeyay in uu arooskeeda u tumi doono, waxkasta oo ay u baahan tahayna uu u samayn doono.
Wacan waxa ay fariin u dirtay Aabaheed oo jooga Miyiga Hargaysa, Aabaheedna sida ugu dhakhsaha badan ayaa waxa uu usoo fuulay gaadhigii u horeeyay madaama ay inantisii ka codsatay in hadduu taagan yahayna uu soo dhaqaaqo haddii fadhiyana uu soo kaco.
Wacan Aabaheed waxa uu yimi Hargaysa, kadibna waxa ay si gaara isu arkeen Inantisii, waxaanay u sheegtay ninka guursanaya iyo cida uu yahay, waxa kale oo ay ku dhiirisay in aanu marnaba aanu u diidin ninkaasi, iyada oo ka cabsi qabta in dhinaca tolka tashuush lagaga soo furo odayga, iyada oo loogu soo gabanaayo cunsuridada lagu hayo ninka ay guursanayso qabiilkiisa.
Wacan Aabaheed madaama uu ahaa nin oday ah isla markaana dhinaca Diinta wax ka yaqaana, waxa uu wacad ku maray in uu inantisa u guurin doono ninkaasi ay rabto, wax shuruudana aanu ku xidhi doonin.
Waxa laga hayaa Odaygaasi halku dhig ah:
โNinku ma yahay Muslim, haaa, mar hadduu Muslim yahay Inantayda waa uu gayaa waanan u guurinayaa, ninkii ka cadhoonayaa ha ka cadhoodo.โ
Ayaamo ka bacdi intii aanu dhicin Meherka Wacan iyo Wayeel ayaa waxa arrintii maqlay raaskii iyo qaraabadii ay kasoo jeeday Inantu, kadibna waxa ay weerar cir iyo dhula kusoo qaadeen odaygii, iyaga oo ka codsaday in uu arrintan degdeg uga laabto, haddii kale se ay ka saari doonan dhaqanka iyo qadhaanka uu tolka la leeyahay.
Odaygii talo ayaa ku cadaatay, warwar iyo walbahaar ayaa kusoo fool yeeshay, balse waxa uu goโaan ku gaadhay in aanu marnaba ka noqon balantii iyo wacadkii uu u qaaday inantiisa iyo ninka Guursanaya, aakhirkiina waa uu isu meheriyay isuna guuriyay.
Wacan iyo Wayeel waxaa u dhacay Aroos aad u fiican, Warla waxa ay mabsuud iyo badh ka noqotay sida fiican ee gobonimada leh ee uu Wayeel uga tumay arooskeedii. Waxa intaasi dheera in Wacan lacagtii Meherkeeda uu u qadimay fartana ka saaray sida sharcigu dhiigaayo.
Wacan iyo Wayeel waxa ay noqdeen Laba qof oo xaafada ay dagan yihiin aad loogaga sheekaysto aadna looga hadal hayo, waxa ay la soo baxeen dhaqan aan inta badan Soomaalidu lahayn oo ah in ay markasta oo ay suuqa u baxayaan ay isracaan isna weheshadaan.
Balse nasiib darro hadal tiradii faraha badnaa iyo isu qudhiwaagii Soomaalida Wacan iyo Wayeel waxa ay noqdeen kuwo aan wakhtibadan isa sii calfan, aakhirkiina waxa ay ku danbeeyeen kala tag iyo kala carar.
Muddo ka bacdi ayaa waxaa maqlay guurkiiย Wacanย ninkii odayga ahaa ee ay hore u kala tageen eeย Warmooge, waxa kale oo loo sheegay loogana sheekeeyay ninka guursaday gabadhii uu furay in uu yahay, sida ay hadalka u dhigeen nin Midgaana.
Tabliiq kasta ha iska ahaadee haddana waxa ka xoog roonaday dhaqankii xumaa ee aynu lahayn, waxa uu noqday nin Illaabayba Dacwadii iyo Diintii uu fidinaayay isla markaana shaydaan ku adeegtay .
Waxa uu si lama filaana uga soo yeedhay,hadalka aynu sheekada Halku dhiga uga dhignay ee ah:
โIllaahay ayaa iga badbaadiyey marbay anigana ii dhali gaadhay, Midgaankana u dhali gaadhay, carruurtayduna ay midgaan la walaalo noqon gaadheen.โ
Taasi oo uu uga jeeday, carruurta ay aniga ii dhasho iyo carruurta ay ninkaasi Gabooye u dhashaa saw dhinaca Hooyo ka waalalo noqon mayaan, Subxaanalaa Illaahow xaqqa na garansii Aammiinโฆ.Aamiin.
https://twitter.com/khadar_aar
W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar