Iska dhimo! (WQ: Cabdinaasir Xareed)

Ka soo qaad in dhaawac xumi kaa soo gaadhay shil-baabuur ama nabar qof kugu dhuftay. Waxaanad  ka soo qaadaa in dhaawacaasi noloshaada geeri iyo nolol dhexdooda ku baday. Adigoo si aada u dhiig baxaya awood aad ku kacdana aan lahayn, lafo badana ka jajabay, ka waran haddii dhammaan dadk markaas kugu xeerani ay ku yidhaahdaan iska dhimo.

Waxa laga yaabaa in aad istidhaa arrintani siday u dhici kartaa? Haddaba, arrinkani waa mid si dadban oo aan toos ahayn kugu dhici kara adiga iyo qof kasta oo Somaliland ku nool. Lagama yaabo in uu sidaas aan hore u soo sheegay oo dhab ah u dhacdo, laakiinse waxa jira dhaqan weliba sharci ah haddii la macneeyo sidaas micnihiisu noqonayo.

Marka baabuurtu qalibmaan, amase laba qof dagaal dhex maro dhaawac xumi qof soo gaadho, Somaliland waxa uga yaala sharci odhanaya waa in qofkaasi xaalada uu doono ha ku jiree waa in saldhiga la geeyaa kadbina cisbitaalka dawladda. Bal waxaad sawirataa qofka xaalad culus ku jira una baahan ugu yaraan dhiig joojin keli ah ee la yidhaa saldhiga tag. Arrinkaa hadda u fiirso! Kadibna cisbitaalka guud uga sii gudub, iyadoo laga yaabo in cisbitaal ama farmasi si gaara loo leeyahay hawshiisana si dhakhso ah wax uga qaban karaa uu u dhaw yahay.

Marka koowaad waxa gef ah in qof dhaawacan loo diro goob sharci. Waxa gef labaad ah in la yidhaa qofka waxaad tegi kartaa uun cisbitaalka guud. Waxaan ogsoon ahay in inta badan cisbitaalka guud in dhakhtarba laga helaa ay aad u adagtahay, gaar ahaan gelinka danbe, arrinkani aynu bulsho ahaan dhaqanka ka dhiganay dawlad iyo shicibba, waa mid loo macnayn karo iska dhimo.

Arrintani waa arrin aan inaga inoo wanaagsanayn islamarkaana inaga gudbinaysa sawir aad u xun. Waxa lagayaabaa xiligii sharcigan la dejiyey in khaladna ku jiray, cisbitaalo kalena aanay jirin. Waxa fiican dadka arrinkan awooda u lihi in ay wax-ka-bedel ku sameeyaan iyagoo xalka ka dhigi kara labadan qodob ee soo socda:

  1. In dhammaan cisbitaalada dawaladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba laga aas aaso xafiisyo yar yar halqolna ah lana geeyo laba askari oo si fiican hawlaha looga baahan karo loogu tababaro. Waa haddii lagu doodayo sharci baa loo baahan yahay. Tani waxay sahlaysaa in qofkii lagu daweeyo goobta caafimaad ee ugu horaysa. Waxaana lagu kaabi karaa in sharci lagaga dhigo goobkasta oo caafimaad waajib in qofku markuu khatar ku jiro ay badbaadiyaan iyagoon eegin lacag.
  2. In goobaha aan xafiis ciidan aan laga furi karin sida farmasiiyada la siiyo ogolaansho ay dadka xaaladoodu halista tahay ay ugu samayn karaan gar gaar deg deg ah sida dhiig joohinta iwm. Waxa kale oo farmasiilayaasha lagu tabobari karaa nidaam ay raacaan haddii hadhow sharcigu wax uga baahdo.

Cabdinaasir Xareed,

Email: say116@hotmail.com