Khatarta Ay Keento Caawimada Aan Horumarku La Socon (WT:Cabdiraxmaan Hayaan)

Reer Galbeedu Waxay U Dhaqmayaan Sidii Boqortooyooyin Gaboobay Waxaanay Ku Guuldarraysteen Inay Ka Caawiyaan Dalalka Soo Koraya Inay Lugahooda Ku Istaagaan

Maqaal uu qoray dhaqaale yahan reer Ingiriis ah oo magiciisa la yidhaahdo Benny Dembitzer  isaga oo ka falcelinayay dood ay bilawday warbaahinta GUARDIAN oo lagu falanqaynayay (caawimo dhaqaale oo gaadhaysa 4bilyan oo lacagta ingiriiska ah lana siin jiray dalalka soo koraya taas oo ay joojisay dawladda hadda dalkaasi ka talisaa) dooddaasi oo maalmihii udanbeeyay socotay ayaa BENNY waxa uu saluug ka muujiyay caawimada dhaqaale ee aan horumarku la socon ee la siiyo dalalka soo koraya iyo sida aanay uga caawinayn dadyawgaasi inay lugahooda isku taagaan kana maarmaan gargaar dibadeed.

Waxa uu yidhi.

Wax horumar  ah oo la taaban karo ah ma ayannaan samayn oo dadka saboolka ah ka caawin kara inay cagahooda isku taagaan. Waxa aynu siinnaa caawimo dhaqaale balse kama aynnaan fikirin inay samaystaan wax iyaga u gaar ah oo ay ku noolaadaan. Umaynnaan tababarin inay horumariyaan beerahooda si ay ugala soo baxaan dalagga ay u baahan yihiin, dumarka ma aynnaan barin inay wax beeran karaan, ma ayannaan barin sida shinnida(siidhka) loo badiyo, umana aynnaan samayn Jaamacado iyo Kolleejyo lagu barto cilmiga beeraha.

Waxaynu awooddeenna isugu gaynnay sidii ay hay’adda cuntada adduunka ee WFP ay cunta uga iibsan lahayd dalalka cuntada dheeraadka ah beertay si ay lacgtaa ugu kabaan beeralaydooda. Hay’addan oo heshay billadda nabadda adduuna ee NOBEL PEAC PRIZE reer galbeedka oo dhammina qayb ka yihiin ayaa saamayn ku leh dhibaatadan

Waxa aynu ku qasabnay waddammada ku jira uruka ganacsiga adduuna( World Trade Organization) inay suuqyadooda u furaan siidhka ma-dhalayska ah ee ay soo saareen shirkadaha Kiimikada sameeya ee adduunku. Waxaynu meesha ka saarnay xaqa ay u leeyihiin inay samaystaan hay’ado u gaar ah innaga oo adeegsanaynna xeerar aynu dajinnay. Taa baddalkeeda waxay xoojinnay hay’adaha waaweyn oo dhammaantood -u dhaqamaya sidii Imbaraadooriyado gaboobay- si aynu u dabbaqno xeerarkeena reer galbeedka. Fadlan Joojiya mannaxaannimada iyo Munaafaqadda.

 

Benny Dembitzer

Waa dhaqaale yahan British ah oo ku takhsusay dhaqaalaha horumarinta dalalka soo koraya, gaar ahaan qaaradda Afrika.

 

Waxa Turjumay: Cabdiraxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@yahoo.com