Luqadee ayaa wax lagu baranayaa (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Nin ayaanu maalin dhawayd muranay, waa dadkan lagu sheego aqoonyahanka, wuxuu ku doodayey in illaa dugsiga sare lagu dhigto luqada Soomaaliga, waxaan ku idhi markay laba qof doodayaan waa in uu qof kala xukumaa jiro, hadaba isku xiiqi mayno eh dadwaynah u soo bandhig fikirkaaga dadku  ha  xukumo eh.

Horta inta aanan galin luqada lagu dhiganaayo wax. Waa in dadku su’aal is waydiiyaan yaynu nahay, marka aanu su’aashaa ka jawaabno ayaynu luqada u soo daadagaynaa, waayo dadku waa saddex mid uun, Muslim, Gaal iyo Munaafiq(basaasiinta iyo kuwa la hal maala). Waayo maanta gaalada su’aal ayaa wareerisay(Why I am here?) maxaan halkan ujoogaa, su’aashaa ayaa dawakhisay.

Haddaba illaa aynu is garano cida aynu nahay ma dooran karno luqo, waayo cidaad tahay ayaa xukumaysa luqadaada, ka soo qaad waddanka Ingiriiska oo yidhaa luqada Jayniiska ayaa waxbarashada lagu dhiganayaa, waa lala yaabi uun luqadoodii oo caalami ah maxaa ku kalifay ayaa lays waydiin.

Bal ka soo  qaad waalidkaa oo warqad  kuu soo diray oo luqadaadii ku soo qoray ood akhrin kari waydo miyaanay musiibo ahayn, inagu haddaba yaynu nahay, haddii aynu munaafiqiin iyo gaalo nahay (illaahay inagama yeelo eh) waxaynu wax ku  baranaynaa Af-soomaali iyo wixii la hal maal.

Hadii aynu Muslim nahayna waxaynu wax ku baranaynaa Carabi si aynu u fahamno warqadaha Illaahay inoo soo diray ee inoo sheegaysa waxa aynu halkan u joogno iyo waxa laynaga doonaayo inta aynu joogno halkan.

Haddaba dadkan inta badan ku dhawaaqaya Soomaali iyo wax la hal maala waa laba mid uun, waa mid u kasaaya oo dadka majaro habaabinaya, ama waa mid aan is garanayn cida uu yahay.

Ka aan is garanayn waa in la toosiyo oo loo sheego cida uu yahay, kuwan  dadka majaro habaabinayaana waa gaalada iyo munaafiqiinta waa in  layska jiraa kuwaasna.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com