Marka hore Inaa lilaahi wa Inaa Ilayhi raajicuun, Illaahay Naxariistii Jano Ha ka Waraabiyo dhammaan dadkii ku geeriyooday markabkii u jeeday dhinaca qaarada Yurub ee ku qarqoomay badda, ehelkooda iyo qaraabadoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Waxa Facebook-ga qariyay sawirada dhallinyaradii Alle ha u naxariistee ku geeriyooday badda iyagoo u tacabiraaya dhinaca Yurub, markaan u fiirsaday dadka arrintaasina ka hadlaayey, waxay u qaybsameen saddex qaybood:
- Qayb aad uga tiiraansanayd mashaqada dhacday, una ducaynaysay marxuumiinta.
- Qayb dawladda iyo haayadaheeda kala duwan ku canaananaysay soo af-jarid la’aanta mushkilada tahriibka.
- Qayb dhacdadan dhacday cadayn uga dhiganaayay dhibaatada ay leedahay mushkilada tahriibku, dhallinta kalena ka wacyigalinaayey in ay masiirkaasoo kale ay yeeshaan.
Laakiin waxaan waayay qayb 4aad, taasaana igu kaliftay in aan qalinka u qaato in aan wax ka qoro, laakiin marka hore afeef, Illaahay mahadi dhammaan ehelkayga maashaa Allaah ma garanaayo cid in uun tahriib naga gashay hadda iyo goor hore toona.
Qaybta 4aad waa qayb ku hadlaysa magaca marxuumiinta, oo isku dayaysa in ay ka turjunto dareenkoodu siduu ahaa, waana ta aan isku dayi doono, in aan ku hadlo afka mid ka mid ah marxuumiinta haddii uu soo noolaan lahaa oo uu daawan lahaa qoraalada Facebook-ga.
“Magacaygu waa Qawdhan waxaan ku dhashay kuna barbaaray dalka, waxna ku bartay, laakiin markaan dugsigii dhameeyay waxaan arkay in nolosha dalkeena taallaa ay boqolkiiba boqol ka duwan tahay ta aanu ku dhigan jirnay dugsiyada,
- Dugsiga waxa lanagu baray qiimaha ay leedahay in waddanka la joogo, suuqana waxaan ku arkay in cid kasta oo awood u yeelatay in ay waddanka ka baxdo aanay habeen sii joogin.
- Dugsiga waxa lanagu baray in qiimaha qofku uu yahay in leeg inta uu aqoon leeyahay, suuqana waxaan ka arkay in qofka shilin haystaa uu shilin la qiimo yahay, qofka boqol shilin haystaana uu boqol shilin la qiimo yahay.
- Hadalka hadaan kuu soo koobo dugsiga waxa lanagu baray iyo waxa aan suuqa ku arkay way kala duwan yihiin, markaa maxaa xaqiiqada la noogu sheegi waayay???
Markaan arkay waxa suuqa dalkeena ka jira ayaan go’aansaday in aan tacabiro, si aan naftayda iyo dalkaygaba u anfaco, waxa aanad igula yaabayn waxay tahay, marka aan arkay arrimahan:
- In aan awood u yeelan doono in aan dalkayga ku anfaco maal aan qurbaha uga soo diro.
- In aan awood u yeelan doono in aan anfaco qadiyada aqoonsiga dalkayga, anigoo ku biiraaya qurba joogta dabada ka riixaysa hawsha ictiraaf-raadinta.
- In aan noqon karo maalin maalmaha ka mid ah siyaasi magac weyn ku leh dalka oo dalkeena si fiican ugu adeega, maadaama boqolkiiba toddobaatan dhammaan siyaasiyiinta dalkeenu ay yihiin kuwo baasabooro ajaanib ah haysta.
Arrimahaasi iyo in ka badan ayaan u tacabiray, si aan u xaqiijiyo, markaa miyaan ku saxan ahay mise waan ku qaldan ahay?
Sidoo kale su’aal kale oo muhiim ah aan ku waydiiyo, haddii lacala aan ku guulaysan lahaa isku-dayga tacabirkaygan oo aanay doontu ila qarqoonteen, ma isku si ayaad ii arki lahayd mise markaa maqaam kale ayaad I saari lahayd?
Laakiin su’aashu waxay tahay anigu waa anigii uun, maxaad dal dibeddeed aan tagay aad iigu qiimaynaysaa oo aad iigu qiimayn laa’dahay shakhsiyadayda?
Anigu naftayda iyo xaalkayga ayaan ka waramay, oo adiga ayey kuu taallaa in aad ii aqoonsatid dambiile ama halyeey?.”
Bulshada Somaliland waxaan ka codsanayaa in aynu si caqliyan ah u qiimayno mashaakilka si xal fiican aynu ugu helno, laakiin mushkilada ugu weyn waxay tahay in aanan anigu shakhsiyan garanayn waxay mushkiladu tahay ee u baahan xal:
- Haddii mushkiladu tahay dhallinyarada fuulaaya doonyo jilicsan oo la qarqoomaaya xalka wuu fudud yahay aynu ka fikirno qaabkii aynu safarka ugu fudaydin lahayn, oo safarka uma joojin karno qaar ka mid ah shacabka ayaa wax ku noqday, sida aynaan u joojin karin safarka gawaadhida inagoo og in ay shilal door ah ay ka dhacaan dalkeena.
- Haddii ay mushkiladu tahay kaliya dhallinyaradan ka baxaysa dalka, xalku wuu fudud yahay oo wuxuu noqonayaa in xuduudada dalka la adkeeyo si weyna loo xidho.
- Haddii ay mushkiladu tahay lacagta faraha badan ee inagaga baxaysa tacabirka, aynu samayno qaab aynu lacagtaasi u madhxin lahayn, inagoo isticmaalayna dhammaan awoodeheena kala duwan.
- Haddii laakiin mushkiladu ay tahay waxa dhallinyarada ku kalifaaya in ay dalka ka baxaan, taasi haddaba waa mid iyaduna xalkeedu fudud yahay laakiin waxay u baahan tahay go’aan aad u adag, oo ay aad u yar tahay dawladdaha iyo dadka qaataa, go’aankaasina waa “Runta”.
Qodobka 4aad ayaan jecel ahay in uu hadalkeenu iyo doodeenu ku saabsanaado, kaasoo ay dhallanayso rajo-abuur iyo horumarka dalkeena aynu jecel nahay ee Somalialnd, iyadoo tallaabada ugu horraysa ee jidkani ay tahay in aynu joojino faraha ay dacalada kala duwan isku fiiqaayaan (Dawlada, Waalidiinta, Warbaahinta, Qurba joogta…iwm), oo aynu ogaano in aynu dhammaanteen arrintan masuul ka nahay, laga yaabaa in aan wax ka qoro arrintan aan u arko xalka maqaal kale insha Allaah.
Waxa Qoray: Prof: Maxamuud Jaamac Axmed “Xamdi”