Ma Deyrkii Makkaa la Gubay? (WQ: Waliid Cabdiraxmaan)

Dalkeena Somaliland oo noqday Meel istaraatiiji ah, Dunida inaga fog iyo midka inoo dhowba waxay dhulkeena u arkeen meel muhiim u ah Mandaqada Geeska Afrika, daraad waxaad ogaydeen loolanka Masar iyo Ethiopia oo muran salka ku haya webiga Niilka ka dhaxeeyo in iyagoo ixtiraam u haya dawladnimadeena in wufuud miisaan leh u yimaadeen hargaysa iyagoo kala riixanaya taageero iyo isbarbar taag ay ka helaan dawladda.

 

Dawlad waxay Awood Dastuuri ah u leedahay Jaangoynta sida ay ugu talinayso Dadka Qaranka ku hoos nool, waxay Awood u leedahay in Itijaaha dalku yeellan karo iyadu go’aamiso iyadoo adeegsanaysa golayaasha Sharci Dejinta, Dawladnimadu waxay awood u leedahay iyadoo laamaha amaanka Adeegsanaysa in Eedaysanaha Xidho, danbiilahana jeelka ku hayso intuu dhamaysanayo Ciqaabta Maxkamaddu ku Xukuntay.

 

Hadaba marka arrinku sidaas yahay maxaa xadhiga hal qof oo aan dalka u dhalan oo laamaha amaanka ay si ay iyagu og-yihiin u xidheen looga dhigayaa in deyrkii makka la gubay? Maxay kuwa wax bartay xadhig hal qof uga dhigayaan in dulmi, boob iyo dhac uu ka jiro dalkooda Somaliland ? Miyaanay ogayn in Jeelku yahay meel eedaysanaha lagu hayn karo Danbiilahana lagu ciqaabi karo ?

 

Waxaan arkay Maqaalo Sawirka ay ka bixinayaan Somaliland yahay mid aad u fool xun, waxaase markii dambe xasuustay in ay jiri-karaan calooshood u shaqaystayaal.

 

Raxmaanku Qalbiyadeena ha Mideeyo.