Hoygii cunsuriyadda miyaynu noqonnay?! (WQ: Xamse Cumar Kujoog)

Hoygii cunsuriyadda miyaynu noqonnay?!

 

Waan hubaa dad badan in ay kusoo noolaadeen ama ay maqleen nolosha dalalka Khaliijka, qaybo ka mid ah dawladaha Khaliijka ayaa waxa ay leeyihiin nidaam loo yaqaan “Kafiil” kaas oo macnihiisu yahay in qofka aan dalkaas u dhalan ee ku nool uu yeesho qof masuul ka ah oo sharciga ugu qoran, kaas oo nolosha oo dhan u haya, saacadda uu doonana tarxiili kara ama dalka ka saari kara.

Nidaamka “Kafiilku” waa nidaam liita oo addoonsi ah, dawladaha Khaliijka qaarkood ayaa iska daayay oo xumaantiisii ogaaday, si xor ahna loogu noolaadaa, qaar ayaa se wali kusii dheggan, waxana la isku waafaqsan yahay inuu yahay nidaam dib u dhac ah, addoonsi iyo cunsuriyad ku salaysan oo qof Ilaahay abuuray lugta looga xidhayo qof kale oo lacag ka qaata.

 

Haddaba haddii aad dawladaha Khaliijka kula yaabi jirtay nidaamkaas, yaabkaaga iska hayso oo ogow Somaliland dhexdeeda in taas iyo wax ka liitaa ka dhacaan. Haddii aad maqashay Somaliland ayaa la wada leeyahayna waa tii been noqotay, bogcad yar oo hal reer yeeshay oo cid kale aanay soo geli karin, ciddii kale ee soo gashana lagu goobto ayay noqotay.

Joog! intaanad iska muraaqoon, dhiigguna boqol ku tagin, Somaliland ladhkeedii iyo laxankii 18 May-na aanu kugu kicin kaadso aan kuu warramee.

 

Dalkan siyaasiga liitaa curdinka ku sheegayay 30 ka sano waxa ugu wayn ee uu baahan yahay muu ahayn ictiraaf ee waxa uu ahaa in uu nolol helo, inuu maalgelin helo oo kaabayaasha dhaqaale oo dhan la dhiso, inuu adduunka la tartamo oo aan cashuurta hooyada muuska iibisa dhawr qof ka noolaan.

Hay’adaha gaalada waynu waydiisan naqaannaa waxsiin, se waxa ay bixiyaan waa “Dead aid” sida ay tilmaantay Dambisa Moyo. Cidda dal dhistaa waa cidda ganacsi iyo shaqo abuur la timaadda, haddaba dadka ganacsatada ah ee dalkan yimaadda ee lacagtoodii iyo hantidoodii la yimaadda waxa aynu ula dhaqannaa qaab liita oo nidaamkii kafiilka ka hoseeya. Soomaaliga u dhashay koonfur, kililka shanaad, Jabuuti ama ajnabi kale oo aan Soomaaliba ahayn hadduu lacagtiisii, fikirkiisii, aqoontiisii iyo hantidiisii la soo doontay Somaliland oo nabaddaas Ilaahay innoogu deeqay usoo xishay maxaynu ugu abaal celinnay?

 

Sannado kahor ayaa waxa aan ogaa Shirkad Safa la odhan jiray oo goor aan habeenna ahayn maalinna ahayn la galay oo shaqaalaheedii la xidhay, waxa lagu qabsaday koonfur ayaa laga leeyahay, waa kii wefti koonfur ka yimi dalka yimi ee laga furfuray. Waxa isna inna soo booqday Sh. Maxamed Idris oo Somaliland inbadan wanaaggeeda iyo waxqabadkeeda qiray, waynu ogayn yuhuuntii ku digaaftay. Waxa dalka yimi nin u dhashay kililka shanaad oo maalgelin ballaadhan ka sameeyey, shaqo abuur boqollaal ah ka curiyay, hanti iyo dedaal badanna geliyay, ma taqaannaa ninkaas? haddii aad aqalka ku daawato ama baraha bulshada kala socoto waxqabadka Astaan Tv, mulkiilihii Astaan Abdimanan Yusuf jeelka ayuu liinta ku cabbayaa.

Iskaddaa dad Soomaalida kale innooga yimaadda’e kuwa cid innoogu dhow ee dalka innala leh ee laga sheegto ayaa rafaad ku jooga, soo warayso waxa habeen iyo maalin Hass Company looga laalaado. Shirkado waawayn oo dalka ka shaqeeya ayaa habeen iyo maalin aad maqlaysaa innagu ma lihin iyo meel kale ayaa laga leeyahay, yaa miskiin gaalna ha lahaadee adiga maxaa kuu dan ah ee aad risiqa isaga xidhaysaa? Waxaan idhaahdaa ugu yaraan khaliijku lacag ay ku kibraan ayay haystaan se innagu miskiin mustakibir ah ayaynu noqonnay.

 

Ugu danbayn haddii la innagu yaqaannay gobannimo, gun isu hadhay ayaynu ku soconnaa, haddii xorriyad iyo nabad la innoo soo doonan jirayna hoygii cunsuriyadda ayaynu noqonaynaa. Halkaasna waxa inna gaadhsiiyay siyaasi liita oo bartay in aynu nahay shacab liita oo wax kasta loo la iman karo, siyaasi liita oo xariif ku noqday in maalin kasta uu innoo garaaco laxan cunsuriyad iyo cadaawad innagu beeraya isna ku raaxaysanaya hantideennii inta aynu sakhraansannahay.

 

Hore ayaa loo yidhi “Ha waydiin keli taliyaha macangagga ah maxaad dadka u dulmiyaysaa, waxa aad waydiisa addoonka foorara ee u sacab tumaya maxaa ku foorariyay”.

Xaggee ayaynu u soconnaa?

Iska dulqaata, sidii aan ugu biiray xisbiga fulayada waan aammusnaa, se maanta bal intaas iga qora yeelkee. Runta ma jeclin, se runtu waa ta aynu ku hagaagaynno, sidani si maahee maxaa innoo talo ah ma nidhi? Mise sidaas ayaynu ilkaha isugu daawannaa?

War caddaaday