Mawqifka Xisbiga Waddani Iyo Tanaasul la’aanta Kulmiye ilaa 2003dii! (WQ: Abdillahi M Ali)

Gudoomiyaha (ahna Musharixii Doorashadii 2017kii) C/raxman Cirro, ee Xisbiga Waddani oo sheegay in ayna aqbalayn ansixinta xubnaha Gudida Doorashooyinka ee cusub.

Hadal uu saxaafada u jeediyey manta, ayaa waxa Warbaahinta Xisbiga Waddani ay Facebook soo dhigeen qodob ka mid ah bayaanka Gudoomiye Cirro. Kaas oo sidoo kalena aan muuqaal ahaan u daawaday, una dhegeystay goor dhaweyd.

Inta aan xusuusto waa markii 4aad ee Xisbiga Waddani shaaciyo in uu mowqif ka qaatay xubnaha Gudida Doorashooyinka oo ay ansiixiyeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL.

Waddani waxa uu hore inoogu sheegay in uu:

1- Mar ay qaadaceen in dib loo soo celiyo Gudidii Doorashada ee hore
2- In haddii xubanaha GD laga dhigi waayo 9 xubnood oo min hal xubin ah loogu darin Mucaridka ay qaadacayaan.
3 In ay qaadaceen in xubintii haweenayda ahayd ee Gudidii hore lagu soo daro kuwa cusub.
4- In C/rashiid Riyo-raac lagu daro xubnaha Gudida Doorashooyin ee cusub.

Marka qodobada 3aad iyo 4aad laga yimaado waxa ay noqonaysaa in ay kuwa kale mar hore ka tanaasuleen, oo ay ka tanaasuleen in 9 laga dhigo xubnaha.

Sida ii muuqata waxa tanaasulku ku badan yahay Xisbiga Waddani, mana hubo in ay mar dambe tanaasuli karaan, laakiin qayb iga mid ah waxa ay ileedahay malaha sidii hore oo kale ayey Xisbiga Waddani wax ka kicidoonaan shuruudaha ay doonayaan in la fuliyo, iyagoo doorasho in ay rabaan muujinaya awgeed, sidii hore u dhacday..

Haddiiba ay mar kale tanaasuli waayaan, Xukumada iyo Xisbigeeda Kulmiye oo inta aan xusuusto khilaafadka doorashooyinka ilaa iyo sanadkii 2009kii waligood qodob culus oo ay ku dhageen aan ka tanaasulin, doorkan ma tanaasulidoonaan, mar uun dabac ma muujindoonaan sidii xisbigii iyo xukuamdii UDUB ee Daahir Riyaale.

Wali anigu ma hayo meel uu Kulmiye ku tanaasulay ilaa iyo intii uu mucaardka ahaa – ii sheeg haddii aad hayso taariikhda iyo qodobka ay xisbi kale u tanaasuleen.

Tanaasulku ma aha mid dhinac kaliya ka yimaad, waa markii Kulmiye, kowba ha u ahaatee!!!