Xildhibaan Katirsan Golaha Guurtida Oo Xukuumadda Iyo Mucaaradka Ugu Baaqay Inay Xaliyaan Khilaafka Taagan

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramayย Wargeyska Geeska Afrikaย ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay โ€œMaanta waxaynu nahay dal dhisan, oo hiigsi iyo hami leh, waxaynu rabnaa inaynu Caalamka ka helno Aqoonsi, waxaynu rabnaa inaynu horumar ka gaadhno dhan kasta, laakiin ma rabno inaynu dib ugu noqono halkii aynu ka soogudubnay, burbur dambe oo inagu yimaada,nabadgalyo daro, cadaawadย  jabhado dalka ka dilaaca, dhalinyaro hub qaadata iyo odayaal hanjaba looma baahna,ee Xukuumaddu dhib kasta oo jirta hoos ha u eegto oo wax ha ka qabato, maanta wax walba qabasho ayey leeyihiin, cid kasta oo wax tabanaysana waxaan leeyahay si salmiya tabashadiina ku soo bandhiga, laakiin nabada inoo ilaaliya, oaranimada inoo ilaaliya, Somaliland beel qudhi ma leh ee guud ahaan Beelaha dega wey wada leeyihiin, weyna u siman yihiinโ€.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka hadlay Xisbiyada ayaa yidhi โ€œXisbiyada Mucaarad iyo Muxaafidba iyo Dawladdaba waa in sida ugu wanaagsan lagu dhameeya khilaaf kasta oo jira, oo aan Warbaahinta dhaliilo aan la isku marinโ€

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika