Awdal Waa Gaadiidka Xambaara Nabadda iyo Horumarka (WQ: Abdinasir Dahir Eggeh)

Walaalahayga reer Awdal waa dhab tabasho way jirtaa waan qabaa balse maanta jidkaasi Borama ka bilaabmaya ee ilaa Jabuuti tagaya ma ku ilawnaa wax walba. Jidkaasi nabadgalyo ayuu ku hirgali karaa dadkaygow ee ma wada ilaashanaa, bal xasuuso waqtigii Soomaliya markii jidkii soo gaadhay Kalabaydh ee qalabkii Borama la keenay saw dawladii lama dumin saw halkaasi jid kumaynaan waayin ilaa inagu dhisanay markaan dhisanayn saw faa’iidadiisa maanta ma hayno.

Dagaalada maanta dhexdeena laga abaabulayo cid kale waxyeeli maayaan ee inagay inagu soo noqoni waar markaad jaarkaaga oo dhan la colowdo sideed rabtaa inaad u noolaayo, inagu ma dhanka kale ayaynu u fikirnaa ma keena caqliga gaaban ee jaahilkaa qaad cunka ah ayaan taladiisa raacnaa mise talada saxda ah ayaan qaadanaa haba caano yaraatee.

Ma maanta oo Soomalidii arkeen in dagaal xal ahayn ayaan inagii hogaanka iyo tusaalaha Soomaaali u ahayn qori qaadanaa.
Ma maanta oo magaaladeeni tahay tan ugu horaysa ee dhaqaale,dad iyo magaalo ahaan u kordhaysa ayaad dib u duminaa.

Ma talada meelaha kale ka imanaysa ee la rabo in Gobalkani sumcad ahaan iyo dhaqaale ahaan lagu dumiyo ayaan daawanaa oon ka aamusnaa inaga oo qaarkeen u haystaan in xumaanta ku caano badani.

Ma fikirka qabiilka ee reerkaygu muxuu helay ayaan ku doorsanaa duminta dhulkeena oo hadaad adu dhulkaaga nabadgalyo daro ka abuurto barina kii kugu shaqaystay xil laguu siiyo maxaad faa’iiday maanad ogayn dhibta sumcad xumo iyo dhaqaale xumi eed dadkaaga gaadhsiisay inaan mudo laga soo kaban karin.

Dadkaygow wali ma arag mana maqal dadkeena waxgaradka ah ee la kulma markasta dadka hogaanka haya oo codsanaya in loo dhiso xarumaha adeega dadwaynaha, wasaaradaha, iskuulada iyo xarumo caafimaad halka markasta aan ka hadalno imisa xil ayaa reer hebel heleen miyaanay xilka ka muhiimsanayn in adeegyadaasi aan sheegay laguu dhiso.

Ma ninka dhulkan wali aan iman ama tobanaan sano ugu danbaysay ee la ficiltamaya kan qabiilka kale ah aan xaalada dhabta ah ee dhulkeena la socon ayaan ka yeelnaa dagaal rida iyo dhulka dumiya.

Waar ma waxaan ka tagnaa walaalnimo, islaanimo iyo jaarnimo ma dadka maanta umad ahaan iyo dhaqaale ahaan isku dhexgalay ayaan colaad u bilawnaa.

Qurbajoog walaal anaga nalama gumaysto xor baan nahay Borama, Hargaysa iyo Burco waan dagi karaa ku noolaal karaa ka ganacsan karaa ayaa Awdal gumaysta hadaba sharafta noo dhawra.

Dadkaygow waa inaan diidnaa talada kan shalay markii xilka hayayna waxa fiican sheegayay maanta dabka shidaya, waa inaan diidnaa kan leh dagaalkaa ka fiican nabada, kan si uu kursi u helo balaayada wada marka la is dilana isagu raba inuu dantiisa gaadho, waa inaan diidnaa kuwa raba inay inagu abuuraan cuqdad qabiil nacayb , waa inaan diidnaa kuwa raba mar walba in reer Awdal helin furfur dhaqaale oo diidan dhismaha jidka Jabuuti.

Maanta siyaasada geeska oo dhan ayaa is bedeshay kuwii 30sano qoriga haystay ayaa dhigay oo jid kale halgankii ku raadinaya fiiri Itoobiya, iyada oon maanta la igayn sida ay ku danbayn xaalada geesku aan ka fiirsano ficil kasta oo dhaawici kara sumcada iyo amaanka Gobolka ogow dagaal xal maaha waxii jirana waan way dhamaani xukuumad iyo shacabna waa in la is dhagaysto.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Abdinasir Dahir Egeh