Maxaa iiga baxay dalkeenna Somaliland? (WQ: Abdilahi Hassan)

Bulshadda reer Somaliland nimco weyn ayey ku jirtaa oo runtii muddan in laggu eeggo indho ay ku dheehantahay lexejeclo, waddajir iyo Waddaniyad mug weyn.

Guud ahaan dalku meel fiican ayuu marayaa, oo ay tahay in aad loo iimaansaddo.

Siyaasaddu weligeed wey jiraysaa, oo weynu isku kaalmayn inta aynu noolnahay, qof weliba inuu wax hellaa mahiim maaha, laakiin in laysku mahadceliyo oo lays maamuuso ayaa dadnimadeennu ku jirtaa had iyo jeer. Oo dib loo milicsaddo dariiqii aynu soo maray iyo maalmahii qadhaadhaa.

Xukumadda Madaxweyne Muse Biihi Cabdi wax baddan, oo illaahay looggu mahadiyo ayey qabatay oo runtii aad looggu booriyey Xukumadda Madaxweyne Muse Biixi Cabdi.

Dowladnimadda iyo waddaniyaddu waa mataanno isku ugxan ah, oo nin raggii aad ugu hilloobo.

Maaha sidda rag u fahmay ama maanta uu u arko, waayo ninka aragtidda gaaban ee sankiisa wax ka arkaa wuu riyo guuraa.

Ninkii shallay 2016 aan shiraaqle ku lahaa waxba kuuma hayo, oo Muse Biixi Cabdi ayaan doorannayaa ama hoggaanka dalka u dhiibayaa, maanta wax ayaan u ogolahay, oo xaq ayuu u leeyahay.

Waddaniyadda iyo Dowladnimadda ayaa caynkaasi ah, waanna wareejinta iyo isku dhiibdhiibka dhiilka caanahaa runtii.

Ragga Siyaasadda faashilkaa wareejinnaaya ama cidladda cararay joogga ayaan leeyahay, siyaasaddu caashaq maaha iyo sidda rag u fahmey.

Madaxweynahu qaab hufan ayuu wax u wadda, dhismaha dowladnimo laba sanno iyo toban sanno laggu qabyo tiri maayo runtii.

Laakiin waxay u baahantahay had iyo jeer.

1- Mahadnaq,

2- isku jiid,

3- xaqsoor,

4- midnimo,

5- Cadaallad,

Waxay ila tahay midda ugu weyn waa mahadnaq, waayo Madaxweynaha Qaranka dhib ayey ku tahay iyo culays manna awooddo in qof kastaa wax hello.

Madaxweynahu laba sanno ayuu dalka xukumaayey oo wax weyn ayuu ka taray baahiyahii jirey.

Ninkii dowladnimo doonnaayey Madaxweynaha weli wuu taageersanyahay. Laakiin Madaxweynaha iyo tiimkiisii Ummadda si weyn hawgu mahadceliyaan, oo qof kasta oo saamayn ku lahaa Guusha iyo Taageeradda Madaxweyne Muse Biixi Cabdi waa in laggu yiraahdaa mahadsanid ugu yaraan.

Midda xigta waa dhismaha dowliggaa oo runtii aan tuura baddan iyo tarbiicooyin lahayn.

Laakiin in la yara Baalasheeyo u baahan oo meelaha qaar midabadda lays yara dhex gellyo.

Midabadda in lays yara dhex gelliyaa waa xaal xaalka Madaxweyne Muse Biixi Cabdi u baahanyahay.

Aniggu nacas ninka la yiraahdo waxba ma weydiiyo, ninka qabiilkayga ahi waa nin rageedka Alle u dhaliyey ragganimadda iyo aqoonta manfaca u leh dal iyo dadba.

Dalkeennu nimco ayuu ku jiraa loo baahanyahay in la ilaashaddo oo indho baddan iyo dheggo fiiqfiiqan loo yeesho.

Hadalka ugu saamaynta weyni waa inaadeerkay Saleebaan Mohamoud Aden, Saleebaan Nuur.

Saleebaan cid ka yeellaysa reerka aan ugu weynahay ayaan halkaa kagga dhaqaaqayaa ma jirto. Saleebaan Mohamoud Adan waa inuu Ummadda dhaxal iyo dhito weyn ugga taggaa oo laggu xasuusto mustaqbalka.

Waa inuu ugu yaraan sannad jooggaa oo Qaran aan qaylo ka yeedhayn ka taggaa.

Saleebaan Mohamuud Aden isagga ayaa Gudoomiyahii Guurtidda ah oo loogga baahanyahay xalka amuuraha taaggan maanta soo afjarkoodda isaggoo la kaashannaaya Madaxweynaha Qaranka.

Ummadda Guddo iyo Dibad Saleebaan Nuur meella uma socdo, waayo Qaranka ayaa u baahan maanta runtii.

Iyadoo aan qaylo yeedhayn haddii uu nasannaayo ceebi kuma jirto runtii.

Dalkeennu nimco ayuu la dheeldheeliyayaa runtii waa in aad loo iimaansaddaa, oo la wadda illaashadday had iyo jeer.

Meel fiican ayey maraysaa ee Ha guullaysto, tallo dux iyo iimaan leh ayaa loo baahanyahay. Waayo nin kasta talladiisu maaha mid xal keeni karta.

Wax weyni kama dhinna runtii waa gufa gufayn iyo midabadda oo lays dhex gelliyo, taasinna yaan lagga degdeggin Madaxweynaha wey imanne.

Abdilahi Hassan