Marxuum Axmed-Yaasiin Abu-Zite: Halyeey Sharaf la Hoyday Q.2aad (WQ: Amb. Kaysar Maxamed)

Sidii aynu hore usoo sheegnay Nabadgelyada Dalku waxay ahayd mid sii xumaanaysay oo aan ka soo raynayn, waxaana Jabhadihii SNM ee Dalka soo gashay ay u kala fadhiyeen qabiilo ay kooxiba meel gacanta ku haysay, waxaa bilowday dhicida iyo boobka gaadiidka hay’adihii tirada yaraa ee Hargeysa ku sugnaa, waxaana halis galay in la boobo gaadiidkii Shirkadii Turnkey ee hawsha biyaha geed-deeble ka waday ee Reer Abu-Zite ay Masuulka ka ahaayeen.

Marxuum Axmedyaasiin iyo qoyskoodu si ay u badbaadiyaan gaadiidkaas iyo hantida Shirkada waxa ay sameeyeen ciidan fuula gaadiidka oo ilaaliya oo la mid noqda Jabhadihii kale ee SNM ee beelaha ahaa, Inamadaas oo badankoodu ahaa Jabhadii SNM reer ahaana Tol-Jecle ahaa, marnaba wax xumaan ah ama anshax-xumo ah ama daydaynimo ah kumay kicin, umanay isticmaalin gaadiidkaas. Run ahaana waxay ahaayeen dhalinyaro akhlaaq badan oo ka dhaqan wanaagsan Jabhadihii kale ee xiligaas arlada joogay, kuwaasoo iyagu qas iyo boob joogto ah ku hayay bulshada.

Waxaa berigaa si hoose loo odhan jiray Jabhadaas Tol-jecle waxay xulufo gaar ah la samaysteen Jabhadii Guutada Shanaad ee reer Gabiley. Run ahaan Jabhada Shanaad lafteedu waxay ahaayeen kuwo aan dhib badan geysan jirin marka loo eego Jabhadii kale ee Nawaaxiga Hargeysa ilaa Berbera ku sugnaa, xiligaas aynu ka warramaynaa waa Xiligii Dalka lagu soo noqday uu Xilka hayay Rabbi ha u Naxariistee Madaxweyne Cabiraxmaan Tuur.

Waxaa bilowday duulimaadyadii u horreeyay ee Daallo Airlines, waxaa badiyaa Madaarka Hargeysa iman jiray Amb. Muniir Abu-Zite, Axmed Sheekh, Cabdiraxmaan Maxamed Abu-Zite oo xiligaas aad u yaraa, halka Marxuum Axmed-Yaasiin iyo Yuusuf Abu-Zite ay badiyaa Xafiiska fadhiyi jireen, Maxamed Abu-Zite iyo Colaad Yaasiin Gabaxadi badi Dalka debadiisa ayay hawlaha shirkada ka wadeen.

Madaarka Hargeysa xiligaas waxa uu ahaa mid burbursan oo xataa aan lahayn is gaadhsiin hagaagsan, diyaarada Daallo iyo kuwii hay’adahu waxay iska soo fadhiisan jireen iyagoon la ogayn mararka qaarkood, nin Faarax Caleen la odhan jiray oo ahaa khabiir yaqaanay hagida diyaaradaha laakiin aan haysan qalab wax lagu hago ayaa Fooniye kula hadli jiray Jabuuti oo sheegi jiray xiliga ay diyaaradu hargeysa ku soo beegan tahay, waagaas xataa Dalka muu jirin Taleefan iyo Mobile midna. Marar badana way iska soo degi jireen diyaaraduhu oo anagaa Alaabta iyo shandadaha guriga reer Abu-Zite gayn jirnay. Xiligaas waxaa iyana bilaabmsy duulimaadyo cusub oo ay lahayd shirkad la odhan jiray Puntavia.

Kaysar ahaan waxaan masuul ka ahaa qaybta Turubo-taariyada ama Ciidanka Ilaalinta Cashuuraha loo yaqaanay, waxaa kale oo jiray Qaybta Socdaalka iyo Qaybta Nabadgelyada oo intaba ay Ciidankayagii Koodbuur iyo Saddexaad ay haysteen. Lacagta Madaarka ka soo baxda si siman ayaanu u qaybsan jirnay.

Hadaba maalintii danbe waxaa shir isugu yimi madaxdii iyo Ciidankii Koodbuur waxaana Amar lagu bixiyay in shaqada laga eryo wixii aan Koodbuur ahayn, Aniga marka laga reebo Sagaal qof oo ila shaqaynayay Koodbuur may ahayn, waxaanay ahaayeen dad Xaasley u badan oo Turubataariyadii hore iyo dhalinyaro kale isugu jiray oo asn anigu qoray, manay ahayn dad kasoo jeeda xaafad ahaan qoladayada Madaarka haysatay, Amarkaas waxaa sidoo kale lagu bixiyay in Aniga iyo Cabdi Hargeysa iyo Cabdi-Wadaad la yidhaa inaanu muumulno lacagta Madaarka ka soo baxaysay oo dhan, Waxay madaxdaasi ku doodayeen in qolo kastaa ay deegaankooda maamulato sidaas darteed ay reerahoodii u tagaan, maadaama iyagaba aan deegaamo kale loo ogolayn inay ka shaqeeyaan.

Intaan istaagay ayaan dhaar ku maray inaan shaqadii ka tagay kol hadii dadkaas masaakiinta ah la eryay, waxaan u imi shaqaalihii aan madaxda u ahaa waxaanan ku idhi shaqadii waa la idinka eryay aniguna idinka hadhi maayo oo waan idin raacayaa, sidii ayaan Madaarka kaga soo tagay. Shaqaalihii ilaa Saddex maalmood oo kale ayaabay sii shaqaynayeen markii aan anigu ka tegay, shaqaalahaas waxaa ka mid ahaa Oday Ilka case la odhan jiray oo Biciido ahaa oo Turubotaatoyadii hore ahaa, Cali Dukaan oo Arab ahaa Turubotaariyadii hore ahaa, Mustafe Ciise oo Sacad-Muuse ahaa imikana Sarkaal Booliska ah. Run ahaan aad ayay iigu adkayd inaan shaqadayda ka tago, wadankana duruuf adag iyo shaqo la’aan adag ayaa ka jirtay, dadku waabay ila yaabeen inaa shaqadayda ka tagay.

Axmed Yaasiin Abu-Zite iyo Shirkadihii ayaa maqlay sida aan shaqada uga tagay anigoo ka xumaaday dadkaas la eryay, usbuuc ka dib ayaan Xafiiska Daallo soo galay aniga oo la socday qof tigidh rabay.

Allah ha u Naxariistee Axmed-Yaasiin Abu-Zite ayaa intuu i arkay kursigii ka soo kacay oo si aad u diirran ii salaamay, wuxuu ii sheegay inuu maqlay inaan shaqadii Madaarka ka tegay, wuxuuna igu yidhi waxaa noo imanaysa Diyaarad weyn Jimcaha soo socda, anagaa shaqo ku siinaynayna ee noo kaalay marka diyaaradaasi ay shaqda bilowdo, xiligaas waxay haysteen diyaarad ilaa Labaatan qof qaada, waxaanuu i siiyay lacag aan filayo inay Konton kun oo shilin ahayd, dhowr maalmood ayaa Jimcaha ka hadhsanaa.

Xiligaas waxaan sidoo kale si mutadawacnimo ah ugu shaqaynayay Idaacada Radio Hargeisa, waxaanan bilownay Joornaal yar oo markiiba istaagay oo la odhan jiray 26 June. Weriyayaal ay ka mid ahaayeen Axmed Sheekh Xusen, Maxamed Xuseen iyo weriyayaal kale ayaanu Garoonka Timacade oo Radio Hargeisa Xarun u ahayd aanu ku soo saari jirnay.

Subaxdii danbe ayaan Axmed Digaale Mire oo ahaa Maamulihii Shirkada Diyaarada Puntavia ayaan lacag yar oo Xayaysiis ah oo joornaalka ugu qornay ka doonay. Waabuu igu dhegay oo wuxuu yidhi lacagtii Xayaysiisku waa taas, laakiin shaqo ayaan ku siinayaa oo shirkada Puntavia ayaad la shaqaynaysaa hadii aad Madaarkii ka tagtay. Waan ka aqbalay isla maalintii ku xigtay ayaan Puntavia shaqo ka bilaabay.

Aniga oo aan Daallo ku noqon oo ilaa laba usbuuc Xafiiska Puntavia ka shaqaynaya ayuu Xafiiskii soo galay Axmed Yaasiim Abu-Zite oo muraad u lahaa Axmed Digaaale. Isha ayuu qac igu siiyay oo wuxuu arkay aniga oo Puntavia ka shaqaynaya. Markii uu Axmed Digaale kulankiisa ka soo baxay ayuu igu yidhi Kaysarow soo bax aan kula yara hadlee, markaan soo baxay ayuu igu yidhi miyaanaynu ballansanayn sow ma ogid inay Diyaaradii weynayd timi? Intaan aad u naxay ayaan ku idhi Axmed Digaale ayaa igu yidhi shaqadan gal aniguna waan ka yeellay, markaas ayuu Axmedyaasiin igu yidhi ma ku hagaajinayaa Axmed Digaale ? waxaan ku idhi waan ku rejo-weynahay inuu i hagaajin doono. Runtii Axmed Digaale nin fiican oo wadaad ah ayuu ahaa laakiin Bakhaylnimo lagu xaman jiray. Wuxuu Axmedyaasiin igu yidhi kol hadii aan anigu shaqo galay in shaqadii uu ii ballan qaaday uu siin doono Cabdilqaadir Dhegoweyne oo Puntavia ka tegay maalmahaas.

Axmed-Yaasiin waxa uu ahaa Qof sharaf iyo gobonimo leh oo ummada Illaahay ay isugu mid yihiin. Waxa uu ahaa nin aad u af-gaaban oo aan isla weynayn oo ilaaliya dan-yarta iyo dadka baahan.

Guud ahaan Qoyska Reer Xaaji Cabdillahi Abu-Zite waa Qoys Sharaf iyo Karaamo leh oo yar iyo weynba lagu ababiyay laguna soo tarbiyadeeyay dhaqan wanaag, iyo inay Ummada wax taraan.

Waxaan mar kale Tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Allah Qabrriga ha u nuuree Xaaji Axmed-yaasiin Abu-zite. Waxaanan Allah ka baryayaa inuu Marxuumka Jannooyinkiisa sare uu geeyo. Aamiin.