Wasiirka Shaqada oo Magacaabay Guddida illaalinta iyo Daryeelka Caruurta

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa wareegto wasiir ku magacaabay guddida ilaalinta iyo daryeelka caruurta.

Guddidan oo u dhigayo xeerka caruurta Somaliland, Xeer Lr.102/2022 qodobkiisa 33-aad faqradiisa 2-aad.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo soo gaadhay wargeyska Dawan ayaa u dhigneyd sidan.

Aniga oo tixraacaya magacaabista ay sameeyeen madaxda hay’adaha aad ka shaqeysaan, waxa aan wareegto rasmi ah ku soo saaray maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka bisha in aad noqotaan guddida ilaalinta iyo daryeelka carruurta sida uu dhigayo xeerka 2024-ka, in aad noqotaan guddida ilaalinta iyo daryeelka caruurta sida uu dhigeyo xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta Xeer Lr.102/2022, qodobkiisa 33-aad farqadiisa 2-aad oo tilmaamaysa in dhammaan xubnaha guddida ilaalinta iyo daryeelka carruurta ay soo xulayaan madaxda hay’adaha ay ka socdaan, marka ay soo dhammeystirmaana uu wareegto rasmi ah ku magacaabayo wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska

Haddaba xubnaha ay magacyadoodu kor ku xusan yihiin waxa maanta laga bilaabo ay yihiin guddida ilaalinta iyo daryeelka caruurta.

Waxaa aan faraya guddida in ay shaqadooda ugutaan siwaafaqsan qodobka 34-aad, farqadiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad, 4-aad, farqadiisa, 6-aad iyo 7aad.

Gaba-gabadii waxaa guddida ilaalinta iyo daryeelka caruurta u rajeynaya in ay shaqada loo xilsaaray ay u gudtaan si hufan oo daacadnimo ku dheehan tahay.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com