Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo Xadhiga ka Jaray Dugsiga Waaberi oo lagu soo kordhiyay Barashada Afka Faransiiska

Qore Khadar M .Xaashi

Borama (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Awdal Mudane Xasan Daahir Xaddi, xadhiga ka jaray Dugsiga Waaberi oo lagu soo kordhiyay Barashada afka Faransiiska

Dugsiga gaarka loo leeyahay ee barashada afafka ama luuqadaha kala duwan ee Waaberi, ayaa lagu qabtay munaasibad loogu wanqalayay barashada afka Faransiiska, oo ay soo kordhiyeen Machadka Alliance Francaise de Borame, waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha gobolka Awdal Axmed Daahir Xadi, xildhibaan Axmed Yaasin, Pro Xaamud, mudan iyo marti sharaf kale.

Pro: Xaamud Ibraahim Barkhadle, oo ka mid ah masuuliyiinta Machadka Alliance, barashada luuqada Faransiiska ayaa bulshada gobolka Awdal gaar ahaan kuwa magaalada Borama ka codsaday inay ka faa’ideystaan fursada qaaliga ah ee barashada luuqada Faransiiska, waxaanu ardayda ugu bushaareeyay in marka ay dhammeystaan barashada Luuqada Faransiiska ay ugudbi doonaan ilaa jaamacadeed.

Waxaanu yidhi. “Maamulka dugsiga Waaberi College aad iyo aad ayaanu ugu mahadcelinayna, maadama uu qaabiley hirgelinta barashada luuqada Faransiiska, waxaanu dadka waa weyn iyo kuwa yaryarba ku dhiirigelinayna inay ka faa’ideystaan fursadaasi qaaliga ah, luuqada Faransiisku waa mid caalamiya, Afrika Galbeedkeeda 180% ayaa lagaga hadla, markii halkan ardaydu ka baxaan Jaamacada Camuud inay ugudbaan ayaa heshiiska aanu la galay Alliance, ay tahay, intii dadaashana waxa la siin doona waxbarasho lacag la’aan ah, marka qofkii maanta halkan ka bilaaba waxa uu ka qalinjabin doona Jaamacadaha waa weyn”

Cabdikariim Xuseen Iidle, oo ka mid ah masuuliyiinta waaxda luuqada Faransiiska Alliance, ayaa uga mahadceliyay ka soo qayb galayaashi munaasibadii lagu daahfurayay barnaamijkan.

Waxaanu yidhi. “Waxaan aad ugu mahadnaqayna cidkasta oo nagala soo qayb gashay daahfurka luuqada Faransiiska ee Machadka Waaberi, barnaamijkana hirgelintiisa taariikhda ayaa xusi doonta”

Maamulka dugsiga Waaberi Cabdillaahi Axmed Cumar, ayaa sheegay in dugsiga lagu soo kordhiyay barashada luuqada Faransiiska, iyaga oo iska kaashanaya Alliance Francaise de Borame.

Waxaanu yidhi “Faransiisku marka Ingiriiska iyo Carabiga laga tago waa luuqada labaad ee baahi loo qabo, in luuqadaha la bartana baahida ayaa keenta dhab ahaantii, luuqadan barashada Faransiiska ee hadda aanu soo kordhiney weydiinteeda ayaa nagu badneyd.

Waxa barnaamijkan masuul ka ah Cabdikariim iyo kooxdiisa, isla markaana aanu wadaageyno sidii aanu luuqadan Faransiiska uga hirgelin lahayn gobolka ayuu daahfurka qaybtan luuqada Faransiisku daaran tahay, waxa la doonaya in luuqadan Faransiiska ilaa heer jaamacadeed la gaadhsiiyo gobolka, waxaana hay’adda barnaamijkan wada ay balanqaadaysa in ciddii si fiican u barata luuqadan ay heli doonto adeeg bixin waxbarasho oo bilaash ah.

Ka Waaberi College ahaan waxa naga go’an sida ardaydu u barato luuqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga in loo barto luuqada Faransiiska, waxaanu bulshada reer Borama ka codsaneyna inay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah,”

Xildhibaan Axmed Maxamed Xasan “Luuqada Faransiiska ahmiyadeeda anigu waan garanaya hay’addaha UN-ka iyo kuwa maxaliga ahba anigu waan u shaqeeyay, waxaan rabay in aan noqdo shaqaale caalamiya, balse waxa la igu xidhay in aan aqaano luuqada Faransiiska, anigu waxaan balanqaadaya in labada habloood ee ii dhigta dugsiga sarre aan ku soo daro Machadkan barashada luuqada Faransiiska ee lagu soo kordhiyay Waaberi College,”

Gaba-gabadii guddoomiyaha gobolka Awdal Mudane Xasan Daahir Xadi, ayaa soo dhaweeyay in dugsiga gaarka loo leeyahay ee Waaberi ee barashada luuqaduhu uu marti geliyay Machadka barashada luuqada Faransiiska ee Alliance, Francaise de Borame, waxaanu bulshada reer Borama ku booriyay inay bartaan luuqada Faransiiska, kana faa’ideystaan fursada qaaliga ah ee ugu timid magaaladoodii.

Waxaanu yidhi. “Farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta xadhiga ka jaro qaybta lagu baranayo luuqada Faransiiska ee iskuulka Waaberi lagu soo kordhiyay, bulshada gobolka Awdal waxaan leeyahay halaga faa’ideysto barashada luuqada Faransiiska, taasi oo baahi weyn bulshadeenu u qabto,”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com