Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Kormeeray Xarumaha Wasaaradda ee Balligubadle

Khadar.M.Dhako.

(Baligubadle Dawan):-Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa shalay soo kormeeray Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Hawd.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedada socdaalka ay ku soo mareen xarumaha Caafimaadka gobalka hawd.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu u nimid kormeer shaqo oo la xidhiidha shaqada Wasaarada Caafimaafka, in aanu kormeerno adeegyada Caafimaadka guud ahaan Caafimaadka gobolka hawd.aad ayuu u wanaagsan yahay hadday adeeg bixin noqoto iyo hadday dhisme noqoto shantii sanno ee ugu dambeeyay,”.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye

ayaa waxa uu sheegay in ay u kuurgaleen hawlaha kala duwan ee Caafimaadka gobalka Hawd.Waxaana uu yidhi”U jeedadayadu waxa weeye in aan u kuurgalno hawlaha kala duwan ee Caafimaaad ee ka socda gobalka hawd,runtii baahidu madhamaato Gobalkani waxa ahaa gobalada ay ka shaqaynayeen hay,adaha ay wada shaqaynta leeyihiin Wasaarada Caafimaadka,imikana waxa uu ka mid yahay Gobalada ka faa,iidaysanaya mashruuca ay wado Wasaarada Caafimaadka ee damal Caafimaad,”.

Sidoo kale Maayarka Magaalada Baligubadle Shiine Cabdi Hayaan ayaa waxa tilmaamay in hirgalinta MCH Caafimaadka Magaalada Baligubadle Wasaarada Caafimaadka ay qayb wayn ka qaadatay.Waxaana uu yidhi”Aad iyo aad ayaan idiiku mahadnaqayaa MCH Wasaarada Caafimaadka qayb wayn ayay ka qaadatay,markaa waa in gacmaha isqabsadaan dawlada iyo shacabka hadaanay gacmaha isqabsan waxba inoo hagaagi maayaan,”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com