Dawladda Hoose ee Hargaysa oo Bulshada ku Tababaraysa Maaraynta Khataraha Heer Dagmo

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Maayar ku xigeenka Caasimada Hargaysa ayaa furay Tababar ku Saabsan Ka qayb qaadashada iyo Wacyi-gelinta Bulshada ee Maaraynta khataraha Heer Degmo.

Tababarkan oo uu soo Agaasimay ururka Dawladaha hoose ee Somaliland ALGASL oo kaashanaya Hay’adda Caalamiga ah VNG International ee mashruuca DANWADAAG ayaa fuliyay tabobar ku saabsan ka qayb-qaadashada iyo wacyigelinta bulshada ee maareynta khataraha heer degmo u qabtay agaasime waaxeedyada iyo hawl-wadeenada Dawladda Hoose iyo Guddiyada xaafadaha ee degmooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Borama, iyo Gabiley.

Tabobarkan oo uu si rasmi ah u fureen Agaasimaha Fulinta Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland ee ALGASL Khalid Abdi Hirsi, Mayor xigeenka Hargeisa ahna Ku Simaha Maayirka Khadar Nur, Gudomiyaha Haayada NADFOR Faysal Ali Sheikh, ayaa ka hadlay ujeedada tabobarkan iyo ahmiyada ay leedahay in laysku xidho bulshada iyo Dawladda Hoose si loo helo adeegbixin hufan.

Tabobarkan oo socon doona muddo 2 maalmood ah waxaa uu diiradda saarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa ka qayb-qaadashada iyo wacyigelinta bulshadda ee maareynta khataraha heer degmo.

Tabobarku wuxuu kor uu qadaya aqoonta iyo xirfadaha ee hababka ugu wanaagsan ee lagu hawlgelin karo bulshada si ay uga qaybqaataan qorsheynta iyo fulinta maareynta khataraha. Waxaa kaloo lagu barayaa sida loogu diyaargaroobo loogana jawaabo xaaladaha degdegga ah, iyadoo bulshada lagu wacyigelinayo muhiimadda ay leedahay ka qaybqaadashadoodu si loo yareeyo khataraha soo wajaha degmooyinka.

Sidoo kale waxaa uu tabobarkan lagu qaadadhigaaya hababka isgaarsiinta ee hufan si loola xidhiidho bulshada xilliyada khatarta, iyo sidii loo sameyn lahaa qorshayaal ka hortag ah oo waxtar leh.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com