Mawjado Qaadhaan Malaayiin Doollar ah oo loogu Deeqayo Ololaha Kamala Harris

Xisbiga Dimuquraadiga ah ee Mareykanka ayaa helay 81malyan oo doollar oo ah lacago tabarucaad ah isla markaana loo adeegsanayo ololaha madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ka haray tartanka Axadii.

Waa ololahii ugu ballaaranaa ee taariikhda uu sameeyo madaxweynahu iyadoo in ka badan 888,000 oo qof oo deeq-bixiyeyaal ah ay ku tabaruceen wax ka yar 200 oo doollar maalintii ka dib markii Mr Biden uu shaaciyay go’aankiisa.

“Taageerayaashu waa ay fir-fircoon yihiin waxayna ku faraxsan yihiin inay taageeraan iyada oo ah musharraxa Dimuquraadiga,” ActBlue, oo ah madasha dhaqaale aruurintana sameysay, ayaa sidaas ku sheegtay qoraal ay ku daabacday barta X.

Deeq bixiyayaasha dib ugala noqday dhaqaalihii ay ku bixin jireen walaaca laga qabo da’da Mr Biden ayaa sheegaya inay hadda doonayaan inay dib u bilaabaan taageeradooda xisbiga.

Xisbigu waxa uu ururiyey in ka badan 27.5 malyan oo doollar shantii saacadood ee ugu horreysay ololaha madaxweynaha ee Ms Harris. Tiradaasi waxay ku dhowaatay inay labanlaabto saacado kooban gudahood. 24 saac gudahood, lacagtaasi waxay jabisay rikoorkii dhaqaale ururinta ee madaxtooyada.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com