Bangladesh: Muddahaaraddo Dhiig ku Daatay oo Dalkaas ka Taagan

Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo xukuumadda halkaas ka jirta ayaa guud ahaan ka socda dalka Bangladesh.

Muddaharaadadan ayaa dhaliyay isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo ardayda jaamacadaha.

Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhintay – qaar ka mid ah dadka wax ku noqday ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen.

Mid ka mid ah ardayda ayaa sheegay in dibadbaxayaasha caasimadda Dhaka ay doonayeen oo kaliya in ay qabtaan isu soo bax nabadeed, balse booliiska ay “burburiyeen” iyaga oo weeraray xilli ay isku uruursanayeen goob ku taal magaaladaas.

Mid ka mid ah horjoogayaashii ardayda ooh adda ku sugan cisbitaalka kana soo kabanaya wixii hore u gaadhay ayaa isna ka sheekeeyey sida ay indhaha uga xidheen oo ay u jidhdileen dad sheeganaya in ay boolis yihiin.

Dhanka kale, dhaqtar ka tirsan qeybta gargaarka deg-degga ah ayaa sheegay in ay buux dhaafiyeen goobtaas tobaneeyo dhallinyaro ah oo dhaawacyo ka soo gaadhay rasaas lala dhacay kuwaas oo laga keenay goobaha iska hor imaadyadu ka dhaceen.

Dalwadda ayaana ku eedaynaysa mucaaradku in ay ka danbeeyeen hawshan, xilli aad looga deyrinaya awoodda xaddhaafka ah ee boolisku dadka shacabka ah u isticmaalayo.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com