Kulanka Dib-u-eegista Mashaariicda ay Ka Wada Shaqeeyaan Wasaaradda iyo Hay’adaha La Shaqeeya

Qormada koowaad ee barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku faaqidaynaa kulan uu wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi uu la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta Hay’adaha Global Fund, World vision iyo Unicef, kaasi oo lagaga arrinsanayay sidii loo xoojin lahaa mashaariicda ay ka wada shaqeeyeen labad dhinac.

Mashaariicda ugu waawayn ee ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Global Fund ayaa ah TB, HIV/AIDS iyo Malria, kaasi oo kulankan looga hadlay sidii loogu kuurgali lahaa habsami u socodka mashaariicdan oo ay wasaaradda ka taageerto Hay’adda Global fund.

Haddaba Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa maanta xafiiskiisa kusoo dhaweeyey sidoo kalana kulan kula qaatay, wafti sare oo ka socda Global Fund iyo qaar ka mid ah madaxda, hay,addaha Unicef,World vision.

Kulankan ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda, madaxda Barnaamijyadda, HIV/Adiska, TP-da, Malaria-yadda iyo madaxa kaydinta xogta Caafimaadka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray Barnaamijyada uu taageero Global fund ku, ee, TB, HIV iyo Malaria, iyagoo sidoo kale lagaga wada hadlay, sidii loo xoojin lahaa barmaanijka nidaamka Caafimaadka, iyo sidii loogu kuurgeli lahaa sida ay usocdaan mashaariicda kor ku xusan, loona dardargellin lahaa adeegyadaas, loona xoiijin lahaa wadashaqaynta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Global fund.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan Masuuliyiinta Kala duwan ee kasoo qayb gashay kulankan isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in si wada jir ah la isga kaashado dardargelinta barnaamijyadda Caafimaadka ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Global fund ku.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com