MAANSADA GUNDHIGII SNM…W/Q:(ABWAAN CALI HAYBE CIGE)

Maansadan magaceedu yahay; ‘GUNDHIGII SNM’, waa maanso miisaan culus oo uu Abwaan Cali Haybe Cige kaga warramaayo xasuuqii baahsanaa ee uu Kacaankii Siyaad Barre hoggaaminaayey u gaystay bulshada reer Somaliland, iyo sidii halyeeyadii SNM naftooda ugu soo hurreen dib u xorreyntii dalka iyo sidii ay dhibaatadii iyo tacadigii bulshadooda haystay uga dulqaadi lahaayeen. Sidoo kale waxa uu abwaanku bulshada ugaga warramayaa qiimaha isku-duubnida iyo wadajirkoodu leeyahay, waxaanay erayada maansadu u dhigan yihiin sidan:-

1. Gudh-balayn haddaan gocasha dheer gabay ku faaloodo

2. Guryaheena Somaliland nabadda oo gaadhan

3. Galabtuu kacaan-baaslihii goostay talaboobka

4. Gadoodkii bilaabmiyo collaad guuna baa timi

5. Kolkii layna galay, layna gubay giririmtii yeedhay

6. Gurmadkii ka kacay baynu nahay gabagabayntiiye

7. Galaa-weerarkeenii un-kamay gun iyo baareedka

8. Gar baynu u lahayn duulka iyo geedi-socodkiiye

9. Gundhigii SNM lagu un-kiyo diintii lagu guuray

10. Gibishii la xidhay heeryadii caynka lagu giijay

11. Geeri iyo nolol bay ahayd midaynu gaadhnaaye

12. Guusheeni waa taan hantinay guda-galkii MAY

13. Raggii lagu goblamay wiilashiigalay xabaashooda

14. Godka hawlyaraan ugu ma dhicin gacalayaashiiye

15. Gobannimadii waa taa shacbigu midha ka goosteen

16. Waa lays gilgilay lays gun-dhabay, laysna gawracaye

17. Kala guure laba dawladnimo guulay berigiiye

18. Gaar noqotay SOMAALILAND, guule soo celiye

19. Gunta calanka loo joojiyee gililiclaynaaya

20. Waa gool ISLAAMKA u dhashoon dib u gadoomayn

21. Ninkastoo ka guban iyo ciddii gooya ku hadaaqda

22. Gidaar adag rabaa kaga gubay gaala-xulafood

23. Gabgabida u soo dhuumatiyo geed is-mariskeena

24. Gol daleena maahee tiskiyo oodu waa gibin

25. Galkaa seefta looga la baxay, gaadh dablaa jira

26. Gidigoodba beelaha degaan, maamka gudihiisa

27. Gobnanimada waw siman yihiin doorashada guude

28. Nin gayaaba wuu guursadaa, geenyo shaaximan

29. Gadhoodkii dastuurkiyo sunaha laysla goobaa

30. In cadaalad loo sii gud-baa gaatif loo yahaye

31. Kolba waa ninkii loo galbiyay wuxuu ka goostaa

32. Bidaarada burburay daarahaa ruufka laga goostay

33. Gabagaba fadhiisiga darbiga laydha gabayooxa

34. Guryeheenii oon dib u dhisnoo guudka ka dhayno

35. Guulaana sahanoo nabsiga soo gadaal celin

36. Gasiinkeena eebbaa hayee gaajo haw baqan

37. Tawxiidka noo gooniga ah giijiyoo dhidib

38. Galad weeye diinteena wacan gaaxsa oo dhaqo

39. Saligaad ka soo gaadhay weli nebi ku geeraar

40. Gurigaad ku nooshahay u arag gola barwaaqeed

41. Gudo faralka eebbiyo digrigaa sarre ku gaadhsiine

42. Shaydaanku yuu kugu garbayn gubada naareede

43. Kala gee xaq iyo baadilkoo gees u kala-saar

44. Gumaysiga dad-bani yuu caqliga kaaga rooc-xadin

45. Gurac yaanu taariikhihii kaafir kuu gelin

46. Gasiin aan la cunin baa jiree garo cadquudheed

47. Guushkiyo qadhaabkay sitaan yay kusoo gelin

48. Gocoraa arlada meerayoo lagu gabraartaaye

49. Dadka waa laga dayaa ha noqon miday ku guuraan

50. Garabkaaga ina wiil ka eeg oo ila gudboonoow

51. Gob ilaahay bay naga dhigiyo geesi aan biqine

52. Gun inaad ahaatiyo ciddii geeri kula doonta

53. Adiguna arwaaxdooda goo gawraca u loog

54. Waxa aad gudiyo waxaad-gashiyo gooninima dawlo

55. Ninka aan gartaadiyo ku marin goosashiyo laabad

56. Adiguna garawshaha ha marin gawdhi weligaaba

57. Gubniyaal al-kumo ciidankii gooya cadawgaa

58. Saanada gurguurtiyo madfaca la isla gaadaayo

59. Guudmarada duushiyo lahaw bada wax kuu goosha

60. Gocondhiyo xidiga qaata iyo weliba gaashaamo

61. Garoomiyo tabcada jananimo guudka ku caseeya

62. Gumucyada lahaw iyo biraha rag isku gaadhaayo

63. Godkii shalay abeeskuu galiyo meel gungume jiifo

64. Gacantaada haw celin mar kale maaha gacalkaaye

65. Gar ma-qaatayaal iyo ha noqon gorod sidoodii

66. Gal dad-liqa ul-baa lagu dayaa, meelgundheera ahe

67. Gacmataaga yaan lagu hodin waa bad guda-wayne

68. Adoo goba galooloo mudh-baxay, ciddi ku gaadhaynin

69. Gumariyo ha noqon ciinka iyo gawlada qaar

70. Gari diiday laba ruux ilkaha in ay guduudaaye

71. Waataa gafuur culus dishaye hayna garabgayn

72. Uurkaynu kala guurinaye geliya maankiina

73. Afartaa gudbaye waa tixkale gar iyo waaqeena

74. Goobtaad istaagtiyo xusuus aad la gubayootay

75. Anba gooha waan kula qabaa gamalaaaneede

76. Gadhkii iyo timii weli ma-jarin igu gadaanaaye

77. Garabkeena nimankii ka baxay geeridaa xaq ahe

78. Gadaal looma soo celinayee ducada gaadhsii

79. Gabaldhacaba waa-baa xigoo soo guduud baxa

80. Waxkastoo na gaadhoo halgammo loogu guday waayo

81. Guulaystayaaloow wataa guushii kow tahay

82. Goob nabadda weeyoo xornimo aan ku gamanaa

83. Guyaal tegay waxaan soomareen gunudnay taariikhda

84. Gaadhsii gadaal-dhaladadiyo gurungurcoodkii

85. Kuwii aabbohood gawracaye ehel-gumaadaayay

86. Gaaleefihii-bay sitaan gacanku dhiiglaa

87. Gardaro garab og-weeyiyo gaaja ciilqaba

88. Gumaysigu dunuubtuu galuu gees kale u rogi

89. Belo geedi bay kugu tidhaa ama’se guur-doone

90. Gobannimo ayaantii godkiyo goofka lagu tuuray

91. Goobjoogayaal baanu nahay golaha taagnaa

92. Gaar midaan u leenay ahayd tii la gaasiraye

93. Guryaa ba’ay markii lala tegiyo galangal meel baasa

94. Gandi baa ku kacay diintii iyo garashadeeniiye

95. Gunbaa tidhi anay igu gudhaa gooya xaajada

96. Guulwade amaan-jecel cayaar loo gablay-tumay

97. Hadal gola ka fuuliyo markii geedba laga yeedhay

98. Gam dibnaha markii laga dhigay ee lays garmarinwaayay

99. Ayay gacanku ciilbeel-tagtoo laysu goodiyaye

100. Hubka ciida-guba iyo qoryaha laysu soo guraye

101. Guyaal tobana dheeraad dagaal gaadhay baa dhacay

102. Waxa geli-darxumo loogu qaxay guri AXMAAR joogo

103. Ka gilgilo xumaan bay ahayd gooye nololeed

104. Garmaqaate weeyaan jahligu aan warkaa geline

105. Godba waxa iskale baadilkii laga golroonaaye

106. Galtibaanu layniyo dugaag laysu soo guraye

107. Garashada Ilaahay dar qaba maanu gawricin

108. Goortay kaceen faqashta iyo garab ag-joogoodu

109. Godobtiyo kuwii daynka qabay saamax loo garay

110. Gogoshaanu nabadda u dhignaye maanu aargudan

111. Gawskii calaashaday dadkii aan waxba u gaysan

112. Maantana ha noo soo gabyaan maanku geli-waa

113. Guudkaanu soomaalinahay haw-giriirixan

114. Geestoodu waa dawlad-li’i guraya raad beena

115. Gaalay u qaadaan kabaha kuman guruubooda

116. Waa gabara-sudhantii hilbiyo dhiig ku gaamuray

117. Xaqa way gadaan oo dadkay gawda ku hayaan

118. Waa kaalayoo nala gubta nolol ma gaadhaan

119. Garaadkii hagaayaa dhintoo tuug go’aan male

120. Gujadii talyaanigu bariyo gamasku waa dhiig

121. Allihii na kala gooyay baan mahad u gaynaaye

122. Gudcurkaasi waw abid inay gibidhacleeyaane

123. Gurac iyo nasiibkooda xumi ha isku goobteen

124. Waa duni gadòontoo wakhtigu galay sabaankii

125. Garanwaayaday nagu batiyo soogalaytiga

126. Gaban waalidkii caasiyaa gelaya naaraa

127.Guula kacabsigii aadamuhu wuugabaabsiyay

128. Gululucada murankiyo bidcigu ways gagabiyaa

129. Gacantaada eed ruux layidhi wuu isgawrici

130. Doqon baa ku gu’i dhuunigii gawsa-xiinada

131. Dadkana laba gardaaq baa jiriyo geedxun laamaaha

132. Gadh-casiyo cuqaal haw malayn goxosha waayeele

133. Guubaaboyey kaaga dhigin gaba warkaagiiye

134. Waxba gabaygu yuu ila hadfine waxan kusoo gaabshay

135. Gondahaad ku haysaa janada garo albaabkeeda

136. Geshaa idinka muuqdiyo jidh uu goobay farawgiiye

137. Gogol nabadda talo lagu guntaad sama ku gaadhaane

138. Gumuciyo rasaas laysku riday geeriday-badine

139. Galadna male aqoongaabyadii taa u gaardiyaye

140. Gondahay belaayada hayaan gumartideeniiye

141. Geesaha ka joogsada talay gobi u aydaaye

 

Xigasho :ABWAAN CALI HAYBE CIGE

Bandhige@gmail.com