Baaq Ku Socda Qurba-jooga reer Somaliland ee sannadkan madaarka Hargeysa ka soo dagaya…W/Q:(Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba)

Waxaan si muwaadinimo iyo naxariisleh uga codsanaya qurba-jooga reer Somaliland ee sannadkan dalkeena hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland imanaya, kana soo dagaya madaarka caasimadda ee Hargeysa inay isticmaalan tagaasida iyo gaadiidka dadkeenii danyarta ahaa leeyahiin ee madaarka ka qaadaya.

Ogow 20 Dollar, 30 Dollar ama 50 Dollar ama xita $100 dollar oo aad ku soo raacda, waxay biilinaysa qoys dhan oo 10 qof ama 20 ka kooban oo dadkeenii ah, qoyskaas oo caruur leh, oo waayeel leh, waxay kor u qaadaysa oo kordhinaysa dhaqaalaha dalkeena, adigana waxba badan ka go’i maayan.

Haddaynaan isku hiilin, oo dadkeena u hiilin, oo aynaan dhaqaale ahaan is gacan qaban, yaa u hiilinaya.

Walaalaha waxaan si kal iyo laab ah uga codsanaya anigoo og in qof kasta, qofkiisu ka hor iman karo, oo aynu gaadiid wada leenahay, haddana inaynu u naxariisano oo gacan dhaqaale siino, dhalinyarada aan cid iyo ceel kale lahayn, xaqiiq cid kale oo aan inaga ahayn ma laha.

Xadiis ayaa ahaa “Isku naxariista dhexdiina kuwiina dhulka ku uumanow, anaguna samada ayaanu idinka naxariisan”

 

 

Xigasho:Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba

Bandhige@gmail.com