Ururka HILLAC saddex Siyaasi Ayaa Soo Saari Kara. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Waxa lala yaabo maaha sal-fudaydka uu go’aan aan Ururkiisa kula socon uu keligii qaatay Prof. Samatar. Waxa loo yidhi ” Dameertu Geela ha didisee qururufta ayey kaga dartay.” Bal go’aankaba ha qaatee, maxaa keenay inuu Qurbaha kaga dhawaaqo. Kol haddii Ururkii xilkii ka qaaday Guddoomiye Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, wuxuu Ururku u baahan doonaa guddoomiye waayo-arag ah oo doorashada ka qaybgala.
= Saddexda siyaasi ee madaxweyne hore Daahir Riyaale Kaahin, madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Soomaalilaan Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo madaxweyne ku xigeenka hadda ee dibadda ka jooga xisbiyada ayaa ugu habboon inay reer Awdal Ururka u soo saaraan. Waayo waa fursad ay reer Awdal luminayaan haddii ururka HILLAC laga shaqayn waayo sidii uu u soo bixi lahaa.
Hadhow ciddii musharrax ka noqonaysaa waa hawl kale oo dambe, laakiin soo bixitaan ayaa la joogaa hadda. Haddii kale saddex Xisbi oo Isaaq ah ayaa meesha haysta ayey reer Awdal sidoodii meelahaasi ka odhan doonaan.