Is-bahaysiga Waddani iyo Kaah: Xirsina qoddob yeelimaayo Xaashina qoddob yeelimaayo W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Madaxweynaha Soomaaliya ayaa heshiisku jiif iyo joog ba u diiday. Markii 15-naad ee uu heshiisk awgii dibadda u baxo ayuu Eratariya ku tagay, sidoo kale waa markii 8 ee uu Casmara tago, isaga oo Farmaajo ku caayi jiray in aan Casmara wax naf leh laga helayn. Wuxuu isku dayi doonaa inuu isu soo jeedo Eratariya iyo Jabuuti si uu cadow Soomaalilaan u mideeyo.
= Geellihii Jabuuti shan cisho oo isku xigta waxa uu casuumay mucaarad dibad wareeg shaqadoodu tahay: Awdal State iyo Khaatumo. Waa khalkhal uu ka qaaday heshiiska. Wuxuu sawirtay in sidii Saylac ay Jabuuti u baabi’isay wixii ka dambeeyey 1917-kii markii khadka Tareenka loo sameeyey ay Jabuutina markeeda baaba’ayso.
= Raysal Wasaarihii Itoobiya oo tan iyo markii MOU ga la saxeexay ay safaarradihiisa dibadda iyo Soomaaliya ay dalalka caalamka ku dagaalamayeen, ayaa saaka isna ka degay Suudaan. Dabcan Suudaan waxa ay xuduud la leedahay Eratariya. Waa farriin loo diraayo Casmara in xagga shishina laga xigo. Isku soo wada duub oo Soomaalilaan oo siyaasadda Geeska Afrika daawade wanaagsan ka ahayd ayaa gilgishay siyaasaddii Geeska.
Like

Comment
Send