Biyaha Oo La Badsado Waxaa Laga Helaa Faaidooyinkan

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona faa’idada ay leedahay biyaha oo la badsada.’

ILLAAHEY wuxuu biyaha ka dhigay nolosha noolaha oo idil, waxaa intaa sii dheer in jidhka bini’aadanka boqolkiiba 60% uu biyo ka samaysan yahay, muhiimna u yahay shaqo kasta oo jidhka ka dhaco.

Haddii biyaha jirka ku yaraadaan waxaa ka dhasho xanuuno badan oo la soo tira koobi karin, hadduu fuuqbax dhacane waa halis qofka u dhiman karo.

Inkastoo aan faa’idada laga helo cabitaanka biyaha aan la soo koobi karin waxaan isku dayayaa in aan ka hadlo inta ugu muhiimsan.

1- Biyaha wuxuu dheellitiraa dheecaannada jidhka ku jira

Dheecaanada ugu muhiimsan jidhka ee laga sameeyo biyaha waxay ka qayb qaataan dheefshiidka, dheelitirka cunnada, wareega dhiigga, sameenta calyada, xambaaridda walxaha nafaqada si jidhka loo gaadhsiiyo iyo habaynta heerkulka jidhka, intaasiba waa lagama maarmaan in qofka uu helo si uu u noolaado.

Jidhka wuxuu ku dadaalaa sidii loo heli lahaa biyo ku filan sidaas awgeed ALLE wuxuu maskaxda bini’aadanka ku abuuray meel loogu talagalay in ay dareento oonka sidaas awgeedna qofka ku qasabto inuu biyo si degdeg ah ku raadsado si jidhka howshiisa aanay hakad u galin, waxay kaloo qaybtaas maskaxda ay kontorooshaa meelo kale oo jidhka ka tirsan sida kelyaha, iyadoo haddii oon yimaado kelyaha loo sheego in kaadida ay hakiso si loo badbaadiyo inta yar ee biyaha jirka ku hartay..

2- Biyaha waxay ka qeyb qaataan kantoroolka tamarta jidhka

Taas oo macnaheeda ah biyaha waxay buuxiyaan caloosha iyagoo aan jidhka ku soo kordhin wax miisaan saari kara, waana sababta ay dhakhaatiirta ugula taliyaan dadka raba in ay iscaateeyaan in ay badsadaan cunnooyinka ku badan biyaha.

3- Biyaha waxay awood siiyaan murqaha jidhka:

Unugyada murqaha waa u muhiim in ay helaan biyo ku filan si ay shaqada joogtada ah u wadaan oo ah in ay jidhka dhaqaajiyaan qeybihiisa kala duwan sidaas awgeed dadka cabitaanka biyaha ku yaryahay waxay dareemaan caajis, tamardarri iyo murqo xanuun, waana sababta dadka jimicsada loogula taliyo in ay biyo ku filan cabaan oo iyagoo ooman aysan jimicsi samayn maadaama murqaha ay dhaawacmi karaan.

4- Biyaha waxay quudiyaan oo nuuriyaan maqaarka jidhka

Maqaarka wuxuu ka mid yahay meelaha ugu badan jidhka oo biyaha ka faa’idaysto, waana astaanta lagu garto caafimaad ahaan marka qofka uu fuuqbaxo in maqaarka uu mugdi, qallayl, khafiif ah oo jiidjiidmo ayuu noqdaa, waxaana ka luma dhaldhalaalka.

5- Biyaha waxay caawiyaan shaqada kilyaha

Biyaha waxay jidhka ka saaraan wasakhda iyagoo kelyaha geeya, waxayna ka shaqeysiiyaan qaybaha kala duwan ee kelyaha, haddii qofka kelyaha ay shaqada joojiyaan waxay keenaysaa in qofka ay sunta jidhkiisa ku aruurto oo ku qasbanaado in la dhaqo oo mashiinno lagu xidho.

Haddii biyo cabitaanka ay kugu yaryihiin waxaa halis ugu jirtaa in kilyaha ay dhagax ku suubsamaan.

6- Biyaha waxay hagaajiyaan shaqada mindhicirrada:

Cabitaanka biyaha waxay ka hortagtaa calool fadhiga ama saxaro adeegga, taas oo jidhka u leh faa’idooyin badan oo al soo koobi karin, waxay kaloo badbaadiyaa unugyada mindhicirrada inuusan dhaawac gaadhin.

Intaa haddii aan ku soo gabagabeeyo faa’idada ugu badan ee biyaha laga helo, waxaa muhiim in la ogaado in cabitaanka biyaha nadiifka ah aanay badalkeeda gali karin shaaha, cabitaanada kale iyo dareerayaasha kalaba.

Waxaan kaloo ku boorin lahaa akhristaha qoraalkaan in biyaha la cabo subaxii hore ay ku jiraan caafimaad badan, Soomaalida waxaa lagu tiriyaa umadaha aanan ku fiicneyn biyo cabitaanka, maxaayeelay badanaa markaan oonno kaliya ayaan biyaha cabnaa ama in cunno lagu cuno kaliya, aad ayayna u yar tahay in aad aragtid qof isagoo aanan oomanayn biyo cabayo.

Ku dadaal cabitaanka biyaha, waa daawo aanan waxyeello lahayn, haddii jirka uu ku batane si aan dhib lahayn oo caafimaad ku jiro ayaa loo saaraa oo qashinka jirka ayaa lagu raacsiiyaa.

 

W/Q: Dr. Abdullahi Mahdi

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com