Daah-furka mashruuca Damal Caafimaad ee Gobolka Maroodi-jeex

Xubinta koowaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeska Dawan todobaadkan waxa aynu kus oo qaadanaynaa Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo daahfuray mashruuca Damal caafimaad oo ka shaqeeya cisbitaalada iyo xarumaha hooyada iyo dhalaanka gobolka Maroodi Jeex.

Haddaba Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta daah-furay mashruuca Damal Caafimaad oo ka shaqayn doona qaar ka mid ah cusbitaalada iyo xarumaha hooyadda iyo dhalaanka Gobolka Maroodi-Jeex.

Munaasibad si heersare ah looso agaasimay looguna talo galay in lagu daah-furo mashruuca Damal Caafimaad oo uu maalgalinayo Baanka Aduunka, hirgelintiisana ay iska kaashanayaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adda Alight. Ayaa waxaa goob-joog ahaa, Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Qorshaynta Qaranka, Badhasabadda Iyo Maayiradda, Goboladda, Maroodi-jeex, Gabilay iyo Hawd, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-Jeex,Agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda, masuuliyiinta u saraysa Mashruuca Damal Caafimaad ee Wasaaradda iyo hay,adda Alight. Hay,addaha la shaqeeya Wasaaradda, la-taliyayaal, shaqaale Caafimaad mudan iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiinta kasoo qaybgashay daahfurka mashruucan oo hadalo kala duwan ka jeediyay munaasibada ayaa xusay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay maanta kasoo qaybgalaan daahfurka mashruucan, iyagoo ka sheekeeyey mashruucan iyo waxyaabaha uu ka badali doono adeegyadda caafimaadka, gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyadda iyo dhalaanka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah u daahfuray mashruuca Damal Caafimaad ayaa u mahadceliyay cid kasta oo qayb kasoo qaadatay in uu mashruucani maanta halkan soo gaadho furitaankiisiina loojoogo, agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in cid kasta oo kusoo baxday mashruucan Damal Caafimaad loo qaatay si cadaalad iyo sinaan ah, Wasaaradduna wakhti badan galisay sidii loo kala xuli lahaa dadkii soo codsaday, Agaaismaha guud ayaa sheegay in uu mashruucani wax weyn ka badali doono qaybna ka qaadan doono dadaaladii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee ahaa kor u qaadista adeegyadda caafimaadka guud ahaan gaar ahaan adeegyada caafimaadka ee hooyadda iyo dhalaanka.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com