Xisbiga WADDANI haddii uu Qarannimada Diido waxba ma Wadaagno”Wasiir Kaahin

Hargeysa (Dawan) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiga WADDANI uu dalku ka dhaxeeyo, siyaasadana ay ku tartamayaan, qarannimaduna ay ka dhaxayso.

Sidoo kale waxa uu xusay haddii xisbiga WADDANI uu diido Qarannimada in aanay waxba wadaageyn, waxaanu intaas ku daray in xisbiyada mucaaridku ay u siman yihiin balse ay ugu kala duwan yihiin difaacista iyo isgarabtaaga Qarannimada.

Waxaanu yidhi. “Xisbiga WADDANI dalka ayaa nnaga wada dhaxeeya siyaasadana weynu ku tartamaynaa, Qaranimada ayaa innaga dhaxeysa, Qarannimada haddii uu diido waxba ma wadaagno, ileyn waynagan Faysal Cali Waraababa u markhaati fureyna, nimanku inama kala xigaane, labada xisbi mucaarid weeyaane, qarannimada ayaa is keen kala xigsiineysa, dowladaha diidan badhbay isku rayi yihiin, marka xisbiga WADDANI haddii uu Qarannimada diido waxba ma wadaagno”.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com