Deymadu indhaha qofku waa nooc ka mid ah luuqadda jidhka aadumuhu ku hadlo, oo aan ka muhiimad yarayn kelmadaha caadiga ah ee uu ku hadlo. Marar badan ayaa ay indhaheennu u hadlaan hab ka fiican ereyada aynu debnaha ka leenahay. Waa hab qofka si fiican uga caawin kara in uu xasuusto wejiyada dadka ay xidhiidhadu dhex maraan, marar badanna xidhiidhadeennu waxa ay ku bilowdaanba qacda koowaad ee deymada indhaha labada qof isku dhacaan.
Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay shabakadda wararka ee Aljazeera, cilmibaadhayaal u dhashay Jabbaan ayaa ogaaday in xidhiidhka indhuhu samaynayaan uu maskaxda ka qaato tamar dheeraad ah, oo marmarka qaarkood gaadhsiisan in ay shaqooyin ka kale ku dhex wadi kari weydo.
In qofka kula hadlayaa uu indhaha ku siin kari waayaa waa calaamad muujinaysa in uu wax qarsanayo, ama uu qabo dareen ah, warwar, khajillaad ama isla weyni iyo is diidsiin. Wax yaabaha ka dhashana waxaa ka mid ah in qofku muhiimaddiisa muujin kari waayo, ama ujeedadiisa runta ah gudbin kari waayo. Waxa kale oo ka mid ah in ay dhaawacdo shucuurta qofka, kalana fogeyso qofka uu doonayey in uu xidhiidh dhow la sameeyo.
HAYBADDA XIDHIIDHKA
Deymada indhaha qofka aynu la xidhiidhaynaa waa xeelad la baran karo, dadka ugu badan ee cilmibaadhayaasha cilminafsiga casrigani tusaalaha u soo qaataan kuna taliyaan in lagaga deydana waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, oo awood u lahaa in salaantiisa gacanqaadka keliya ah uu qofka ku dareensiiyo muhiimadda iyo danaynta weyn ee uu u hayo.
Daraasado gaar loogu sameeyey qaabka uu madaxweyne Clinton u dhaqmi jiray marka uu qof la hadlayo, gacanqaadayo ama doonayo in ay is bartaan, ayaa tallaabooyinka uu qaadi jiray ee la ogaaday waxaa ka mid ah;
In uu adeegsado hibada uu u lahaa xidhiidhka indhaha ee uu la samaynayo qofka uu la hadlayo. Clinton inkasta oo uu abuur ahaan ahaa dadka indhaha yaryar yihiin, marka uu qof la xidhiidhayo waxa uu ku dadaalaa in uu xoog indhaha u kala furo, isla markaana giijiyo muruqyada wejiga, sunneyaasha iyo muruqyada ku xeeran indhaha.
Clinton waxa kale oo uu xariif ku yahay qaababka madax lulista. Arrimaahas oo dhamina waxa ay caawinayaan dareenno isku dhafan oo xidhiidhka labada qof ka dhigaya mid midho dhal ah. Waxa kale oo Clinton lagu xasuustaa qaabka xeeladda badan ee uu awoodda ugu lahaa soo afjaridda sheekada, iyada oo aanu qofku dareemin in uu ka degdegey ama soo gaabiyey kulankooda. Waa hannaan gogolxaadh leh oo uu si tallaabo-tallaabo ah dib ugu guranayo, isaga oo weliba qofka ku eegaya deymo uu qofku si dhibirsan ugu fahmi karo in uu leeyahay nabadeey, ama nooli kulantee.
Habkaas la ammaanay ee xidhiidhku maโaha u dhalasho iyo hibo aanay cidi baran karin, balse waa hab lagu tababaran karo, qofkuna awood u leeyahay in uu isagun aftiisa baro.