Mustaqbalka Soomaalida? (WQ: Ibraahin-Hawd Yuusuf)

Mustaqbalka Soomaalida?

Erayga “mustaqbal” wax aynnu ka qaadannay Carabida, waana waqtiga saddexdiisa qaybood ta soo fool leh ama soo wajahan. Waxaa liddi ku ah taariikhda oo ah waqti tagay iyo taaganta markaa la gu sugan yahay. Haddii tagtada iyo taaganta la gu qiimayn karo dhacdooyinkooda la soo ogaaday ama markaa la arkayo, mustaqbalku sidaa ma aha oo waa xaalad aan waxba la ga garanayn, sidaa darteed saddexda qaybood waa ta u gu filasho badan is la jeerkaa u gu caabsi badan. Waana abuur dadku sidiisaba waxa aanu aqoon in uu ka sii baqo, halka uu waxa uu yaqaan weheshado oo degashado xitaa haddii ay xun yihiin.

Oddoroska mustaqbalka dadku wuu ka duwan yahay oddoroska mustaqbalka noolaha kale kaas oo xaaladda degaankiisu go’aamiso aayihiisa, halka dadku xitaa xaaladda degaankiisa isagu go’aamin karo. Mustaqbalka dadkana waxaa loo ga hadli karaa saddex waji oo ka la ah mid qofeed, mid bulsheed iyo mid qarameed, ta aynnu halkan ka ga hadlaynnaana waa ta u dambaysa, waayo labada kale mustaqbalkooda iyagu ma go’aamin karaan haddii ay qarannimo waayaan dunida casriga ah.

Iyada oo mustaqbalku yahay wax aan marnaba dadku xukumi karin haddana ma dayn karo in uu ka sii fekero, ka sii shaqeeyo oo sii diyaariyo intii suuragal ah. Garashada iyo kartida ayaa qasbaya in aan sida xoolaha nasiibka uun la ga dhursugin ee loo tabaabulshaysto sida loo noolaan doono ee la ahaan doono. Si taasi u suuragasho waxaa la kaashadaa labada qaybood ee kale ee waqtiga, tagtada iyo taaganta. Waxaa la qiimeeyaa taariikh ahaan sidii wax soo ahaayeen iyo maanta sida wax yihiin, labadaa xogta ka soo baxda oo la isu geeyo ayayna maskaxdu ka samaysaa sawirasho timaaddada ah iyada oo xisaabta ku darsanaysa kartida iyo dadaalka la la imanayo midhaha ka dhalan kara. Xisaabtan iyo Oddoros baa la yidhaahdaa.

Haddaba dadku taariikhda iyo waaqica ka sokow, mustaqbalkooda qaran ahaaneed laba siyaalood bay u sawiran karaan dabadeed kartidooda u gu higsan karaan. Midi waa sawirasho ama mala’awaal ay ka qaataan ummadaha iyaga dhaama, oo tusaale ahaan dadyowga soo korayaa wax ay wada sawirtaan in ay mustaqbalka heli doonaan nolol iyo dawladnimo u eg ta ay maanta ka arkaan dadyowga iyaga la fiican. Ta kalena waa sawirasho ama mala’awaal ay ka curiyaan halabuurkooda falsafadeed, oo tusaale ahaan saddex qarni ka hor reer Yurub nolosha ummadeed iyo dawladeed ee ay ku riyoodeen dabadeed xaqiijiyeen ma ahayn mid loo ga horreeyay oo ay cid ka ga daydeen, wax ay se ka dhalatay maskaxdooda oo kacdoontay oo sawirashadeedu fogaatay.

Haddaba si loo ga jawaabo wayddiinta mutuxan ee mustaqbalka soomaalida ummad ahaan waxa uu noqon karo waa in la eegaa waxyaalo badan. Waa maxay wacyiga taariikheed ee soomaalidu? Waa maxay waaqica ay maanta ku sugan tahay? Waa sidee kartida iyo dadaalka jiraa? Waa maxay filashada ama sawirashada mustaqbalku iyada oo maskaxdu adeegayso? Muxuu se ku salaysan yahay oddorosku? Dhawr arrimood aynnu eegno.

Wacyiga taariikheed ee dadka soomaalidu aad iyo aad buu u wasakhaysan yahay, mana laha tub wadareed oo nafsiyad ahaan loo wada noqdo iyo ceel loo wada arooro. In aad u yar mooyee dhacdooyinkii iyo waayihii la soo maray waxaa la galiyay muran iyo qaybin aan loo wada noqon karin ee tubo ka la duwan loo gu ka la noqonayo, qabyaalad ahaan. Aad bay u yar yihiin muqaddaasaadka qoomiyadeed ee la wada dhawrto iyo foolxumooyinka taariikheed ee la wada lacnadaa. Taa waxaa keentay qarannimada iyo xitaa qoomiyadnimada soomaalida oo aad iyo aad u liita, iyo taa beddelkeeda qabyaaladda iyo qaybsanaanta oo aad u quwaysan. Wax ay keentay in waxyaalo taariikh ahaan la eeday dad u hiloobaan oo mustaqbalka ku sawirtaan, wax khayr lahaana dad kale nacaan oo ka fogeeyaan sawirashada mustaqbalka. Tusaale ahaan odayga Daarood ee magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cabdi Yuusuf waraysi tiiqtiiqsi ah oo uu dhowaan bixiyay wax uu ku muujiyay aragtida uu ka qabo maamulkii Maxamed Siyaad waxyeelladii uu u geystay dadka Isaaqa. Tusaale ahaan odayga Daarood ee magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cabdi Yuusuf waraysi tiiqtiiqsi ah oo uu dhowaan bixiyay wax uu ku muujiyay aragtida uu ka qabo maamulkii Maxamed Siyaad waxyeelladii uu u geystay dadka Isaaqa. Tusaale ahaan 67 nin ee aan waxba galabsan ee iyaga oo habeen caasimaddooda guryaha is ka hurda la dareersaday dabadeed sida wadarta ah Xeebta Jasiira loo gu xasuuqay wax uu ku sheegay: 1) Dad la ga soo diray xeryihii qaxootiga Itoobbiya, 2) Dad u yimid in ay Muqdishu dumiyaan oo wiilal iyo gabdhaba lahaa, 3) Dad iyagu nin sarkaal ah dhagax ku dilay, 4) Dad Kacaankii iyaga u shaqaynayay ku soo duulay, 5) Dad iyaga oo askartii qabqabatay ka baxsanaya rasaasi ku dhacday, 6) Dad ay tiradoodu ahayd 21.

Odaygaa sida ka muuqata naftiisa, caqligiisa iyo hadalkiisa, oo uu ka la mid yahay dad badan oo isaga la qolo ah, Maxamed Siyaad waa u halyey, dad gumaadka iyo dal duminta loo haystaana waa u gardarro. Dadku sida ay u ka la arkaan taariikhda ay wadaagaan si la mid ah ayay mustaqbalkoodana u ka la arkayaan. Sidaa darteed sawirashada mustaqbalkoodu aad bay u ka la duwanaanaysaa.

Guud ahaanna saddex sawirasho ayay soomaalidu mustaqbalkeeda qarameed ka haysataa maanta:

1. Wax aan doonayaa dawlad reerkayagu lee yahay oo aannu gaar u gu danaysanno, reeraha kale ka ga aarsanno oo ku karbaashno, naftayda qabyaaladda la dhibbanna ku dabiibo.

2. Wax aan doonayaa dawlad islaam oo Shareecada dabbaqda, naftayduna ma harraad beelayso ilaa aan arko dad la qisaasayo oo gacmaha iyo lugaha la ga jarjarayo, iyo niman iyo naago inta godad la gu rido farasmagaalaha dhagax nafta la ga ga qaadayo.

3. Horumarku, dhaqaale iyo nololba, waa magaaladayda oo aan ku arko daaro dhaadheer oo u eg kuwa Dubay, New York iyo Singabuur (dadkeennu kolka ay horumar ka hadlayaan had iyo goor waa kuwa soo sawira dhisme).

Mustaqbalka waxaa dhisa sawirasho, xisaabtan iyo oddoros maskax iyo waaqic ka yimaadda oo khuseeya qaabka iyo heerka bulsheed ee u gu qurux badan maciishad ahaan, daryeel ahaan, nabad ahaan, xaqsoor ahaan iyo karaamo ahaan, arrimahaas oo aan suuroobayn ilaa la helo dawladnimo ujeedkaa loo dhisay. Xaqiiqaduna wax ay tahay, arrimahan dambe ku ma jiraan

sawirashada soomaalida ee mustaqbalka iyo xisaabtankeeda, oddoroskeeda iyo dadaalkeeda.