Tayeynta Shaqaalaha Dawladu Waa Tamarta Dhaqaajisa Qaran Taaba-gal ah (WQ: C/raxmaan Sayid Faarax “Jeesto”)

Tayeynta Shaqaalaha Dawladu Waa Tamarta Dhaqaajisa Qaran Taaba-gal ah. “Qualified Workers Are The Productive Of Nation’s Performance”. Qalinka: C.S.F(Jeesto).

Qormadan maanta waxaan ku qaaraa-dhigi doonaa doorka ay ku leeyihiin Shaqaalaha dawladu xaqiijinta nidaam dawlad-wanaag ama marin-habaabka nidaamka saxda ah, Sida kor ku xusan qaran taaba-gala iyo dawladnimo tamar lihi waxay ku imanayaan tayeynta SHaqaalaha Dawlada u adeega oo yagu ah hir-galiyayaasha waxa loo baahan yahay, Hadaba aan isweydiino SHaqaalaha Dawaladu waa kuwee, Waa kuwa halkee ka shaqaaya ama waa kuwa noocee ah.

“WAA AYO SHAQAALAHA DAWLADU ( WHO ARE THE GOVERNMENT WORKERS).”

Shaqaalaha Dawladu kuma koobna kaliyaata shaqaala hoosaha Wasaaradaha , Hay,adaha iyo Wakaaladaha dawlada ka hawl-gala , Balse waxay teedsan yihiin masuuliyiinta haya xilelka aan Digreeto Madaxweyne aheyn wixii ka hooseeya digreetadaasi Madaxweynaha waxa la yidhaahdaa SHaqaale dawladeed kuwaasi oo kala hoos taga Hay,adaha dawlada, Wakaaladha dawlada ama Wasaaradaha Dawlada Xil ha hayaan ama yaaney xil hayne kuwani ayaa ah shaqaalaha dawlada waa kuwey ku aroorto tayeyntu si loo suura-galiyo himilada uu qarankani leeyahay, Hadaba Shaqaalahani qaarkood ayaa masuuliyiin ah , Sida Agaamise-waaxeed-yada Wasaaradaha ama Hay,adaha dawlada, Xog-hayayaasha Dawladaha Hoose, Gudoomiyayaasha Degmooyinka aan Aheyn Degmo-doorashada kuwa lagu magacaabo iyo ku-xigeenadooda iyo dhamaan wixii ka farcama ee farsamo-yaqaano ah.

“Dhamaan shaqaalaha dawladu ma’aha siyaasiyiin marka laga tago qoladan digreetada madaxwaynaha ku timaada ee layidhaa (policy makers) kuwaasi oo ah golaha wasiiradda (council of ministeries) maareeyeyaasha ha’adaha dawlada (governance agency managers) badhasaabada (governors) iyo kuwa ay umadu soo cugato oo lagu magacaabo goleyaasha deeganka iyo wakiilada (local councils and representatives)”

Markaan isla garaney SHaqaalaha caadiga ah ee qarankani iney yihiin kuwaasi aan kor ku soo qaatey looma baahna in waxaan shaqadooda dhaafsaneyn ay qabtaan ama galaan, Hadii kale waxa meesha ka baxaysa kala danbeyntii dawladnimo ama milgaheedii mudnaa, Arintani waa ta kaliftey inaan qormadan ku booqdo qodabkaasi si bal loo fahmo muhiimada ay qaranka u leeyihiin, Waxa dastuuriyan ah in shaqaaluhu aaney ku milmin siyaasada ama waji-ku-macaashka balse ay gutaan waajibaadka qarankani u igmadey, Dhinaca siyaasadana waxa qaranka u qaabilsan shaqaalahaa siyaasiyiinta ah kuwaasi oo sidaan xusey lagu kala xushay heerkooda oo ah mid dastuuriya isla markaana ku imid afti qarankoo dhan loo dhan yahay xataa muhandis walaa mufakir dhamaan reer Somaliland.

Waxa xusid mudan noocyadaa kala duwan ee shaqaalaha hadii aan mid walba siino doorkiisa waxa imanaysa shaqo qurux badan isla markaana fulitaankeedu noqdo damal la hadhsado, Kuna suntan waxqabad iyo saameyn Tabban oo ah (Feed Backga laga rabbo), Yadoo laga duulayo in Shaqaalaha loo kala xadeeyo shaqada ama loo tilmaamo waxa ay qabanayaan runtii ma garan la’a shaqadooda balse intan danbe muddo ilaa todobba sanadood ah dalkan shaqadu umey qeexnayn shaqaalaha ka shaqeeya, Waxa ka dhinaa booskii ama doorkii (Jop Descriptionka) taasi oo ay masuuliyadeeda leedahay Hay,ada shaqaalaha dawlada jamhuuriyada Somaliland kuna darsoo hada Xeerka Shaqaaluhuna wax buu jidaynayaa bal kaasi uun ha la raaco Xeer” Ln/21”, Sababtoo ah iska daa gudasho waajibaade waxay hayeen ayey gabaan marerka qaarkood yagoo ka adeega hawlo kale, Waxaana ka mida shaqaale siyaasi ah oo dhex dabaashey (policygii) aan camalkiisa aheyn taasina waa khasaareyaasha qaranada curdinka ah dhadhiya waa marka ay isla mulaaqanto,e.

XUBNAHA SHAQADA QARANKA QAABILSANI WAA KUWEE, DHINACA KALE KUWANI WAA QURUXDA DAL AMA QARAN LEEYAHAY?

Xubnaha shaqaalaha qaranka ee yagu shaqada quruxda u ahi waa farsamo-yaqaanada kuwa la yidhaahdo kuwaasi oo yaga waajibkoodu yahay shaqayn iyo u adeegid qaranka hawlaha u dhiibtey waxana ka mid ah Agaamise-waaxeedyada wasaaradaha dalka , Gudoomiyeyasha Degmooyinka aan aheyn degmo doorashooyinka ee (Villageka ah) ama heerka (Local Councilka) aan gaadhin , Xog-hayeyaasha Dawlada Hoose , Agaasime-hoosaadada Hay,adaha dalka waa kuwan hadaba gacmaha qaranku ee looga baahan yahay khibrad, fulin, shaqo, gudasho, iyo waliba heegan iney u galaan shaqooyinkooda xili kasta iyo xaalad kasta waayo waa farsamadii dalka dhamaantii, Loogama baahna xeerkoodana uguma jirto siyaasadi kaliyaata waa iney tayo yeeshaan hawshooda ay ku gudankaraan.

malab-sameeyayaasha shaqada dawladu waa kuwee, waa maxay se awoodda agaasimayaashu ay ugu filan yohiin shaqada qaranka (director generals are the technology groups that implemented functions of the nation).

Kooxdani waa kuwa ugu muhiimsan SHaqada qaranka waxay yagu dajiyaan dhamaan hawl-galada shaqaalaha ay ku hawlan yihiin waxa gacmahooga ka soo fula habsami u socodka qorshayaasha qaranka kuwaasi oo ay inta badan cabirkooda hayaan, Waa rukniga ugu mudan hawl-wadeenada qaranka waxana lagu magacbaa hagayaasha, dajiyayaasha ama sooh-dimaha unka gaabebka qaranka hawl-galkiisa, Farsamo-yaqaanadani yagu waa Digreeto Madaxweyne laakiin ma,ha siyaasiyiin waa curadada shaqaalaha qaranka waana laf-dhabarta hawlaha qaranka u qorshaysan.

Hadaba waxaan talo ahaan soo jeedinayaa hadii la rabano in qarankani maanta noqdo sida kuwa aynu hiigsanayno waa in la helaa shaqaale taba-baran oo garanaya waxay qaranka u hayaan oon ku mashquulayn waxaan shaqadooda ahayn, isla markaana leh tayo, tamar, iyo taxarin ay u hayaan boosaska ay joogaan si aan u xaqiijino himiladeena, Waa in lagu dadaalaa in shaqaalaha qaabeb casriya loo soo kordhiyo oo Systemyada caalamka la jaan-qaadaya si ay yaguna hawshooda ugu raaxeystaan.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalysts.

Gabiley/Somaliland.