Dhambaal nasteexo iyo garnaqsi ah oo ku socota madaxwaynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi (WQ: Mustafe Ahmed Geedi)

Qoraalkani waa mid nasteexo iyo garnaqsi ah kuna socda hoggaan-ka maanta majarraha u haya qaranka Somaliland ee akhris wanaagsan.
Mudane madaxwayne waxaad tahay hogaamiyihii qarran-ka, nagama mudnid cay,canjarfayn iyo hadal qadaf ah
Waxaa kor-kaaagga huwan sharftii iyo astaantii qarankeenna. Waxaa dushaada ahaatay karraamo iyo xasaannad,
Caydaaddu waxay keeni kartaa cawaaqibo xumo iyo danbi adduun iyo mid aakhiro.Balse wixii kaagga khaldama sax iyo maan in lagugu dhaliilo waa garnaqsi iyo xisaab xilkii aanu ku dooranay in aanu baaddidiisa ku day-dayano shacab ahaan.
Mudane madaxwayne waxaan nahay shacabkii ku doortay iyo dadkaagii aad u ahayd hogaamiyaha ay cod-koodii siyeen, waxaanu kuu dooranay inaad nagu hogaamiso Sinaan iyo Cadaalad, waxaad kitaab-ka “Qur’aanka” ah aad nooggu saartay gacantaada middig Allaah hortiis ayaad axdi ku gashay, inaad dalkaaga ku hogaaminayso sinaan iyo cadaalad.
Abwaan hadraawi waxa laga hayaa:- “Kala saar run iyo been,kala garo sir iyo caad, in salaadu waligeed kala tahay sunniyo faral u ogoow sax iyo maan”
13-November-2017-kii waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh qaran-ka, waxay ahayd maalin la go’aaminayay cida lagu aamini doono masiir-ka iyo mustaqabal-ka dhulkeena, waxay hayd maalin ay dadku kooxo-kooxo ugu jireen safaf dhaadheer waxa dadkaas ku jiray kuwo waayeel ah oo tukubo sita iyo kuwo lixaadka ka maqanyahay,kuwo danyar iyo masaakiin, dadkaasi adiga ayay kaaga hiiliyeen raggi kula tartamaayay Cabdiraxmaan oyo Faysal iyaga oo markaas u arkay inaad tahay qofka ay ku aamini karraan musuuliyada qraan-ka, waxay milicda u taagnayeen ee ay qurraac iyo qaddo u seggeen sow ma ahayn inay addiga ku dortaan. Waxa suurgal ah inaad adiga maalintaas gaadhi cad ku dhex jirtay oo si hufan laguug shaqaynaayay lkn kuwa ku doortay waxa ku jiray kuwo aan seddexda wakhti aan dab loo shidin. waxa ku doortay aggoon iyo rajo danyar iyo dulman ah. Amminta aynu hadda joogno xukuummada aad soo dhistay ma ah mid lagu qanci karro, ma waxaan ku qanacnaa in gudoomiyaha Maxakamda sare, wasiirka Maaliyada,Warfaafinta,Gadiiidka, Boosaha, Mareeyaha hayadda madaarada, Taliyaha Cidanka Qarranka intaas iyo in kale oo badani ay yihiin beesha aad addigu ka dhalatay, madaxwayne kuna fadhiyaan awooddaada aad noogu dhaarratay.
Waxa la yidhi:-“Ciyowgaa habeen dhaqaaqay, wuxu ku cawduu darreemay”
Awooda dalka oo beesha madaxwaynaha gacanta u gashaa ,adigu ugumaad horayn lkn waad ugu badnayd, oo dee madaxwayne kurraasta intaa leeg isagoo xafiiska jooga ay beeshiisu wada hanato oggaalkayga maan maqlin somaliland addiga ka hor.Axmed Siilaanyo oo aad xilka kala wareegtayna kuraasta beeshiisa muu siin.
Siyaad barre waxaa kar-kaarka waydaariyay waxa uu ahaa markii uu awoodii qaranka tolniimo u bixiyaya ee tolkii marrexaan noqday awood qabiil oo ku lug leh siyaasadii dalkii somaaliya iyo maamulkii dawlada. Somaali waxay aqbali kari wayday in wiilkiisa Maslax Siyaad Barre. Inadeerkii Cabdiraxamaan Jaamac Barre, Axmed Saleebaan Dafle uu u sodog u yahay ,Marwadiisa Khadiijo Macalin iyo boqolaal kale oo tolkii ahaa ay awoodiisii ku dulmiyeen shacabka oo ay ku ciileen kuwii taagta darnaa, waatii la oggaa ee ay noqotay dabkii gaasta lagu shubay.
Arrinkuna waxa uu noqday “walle ama gumooboo sidaa la igu gallad haysay,ama rag waa is gaadayaaye gacan ku ciil beelay” Abwaan Qaasim”
Adiguna xilligaa waxaad ku jirtay kuwii ka dhiidhiyay ee ka dagaalamay, bal kawran hadii sawirkii bari-samaadkii ay maanta xukumadaadii u eekaato sow wixii aad usoo halgantay foosto gun-la may ahayn.
Siyaad Barre xoog ayuuba ku haystay oo macano malahayn inuu sharcigii uu isagu qortay u gacanta ku qaato.
Addigu Muuse Biixi sharciggan maad qorran. Awood-na kuma haysatid dalkan annag ayaa ku dooranay, sow suurtagal ma ah hadii aad sharciga baal-maarto inuu kugu kaco kacdoon ummadeed. Ha dhaylsan xaqiiqda jirta.
Dhalinyaro ahaan Mudane Madaxwayne waxaan ku indho furnay oo ku garaad-sanay waddan-keena oo la dhaho somaliland. Balse ma moogganin in qarranka rag duurka u galay oo u dib-jiray, diif,gaajo dayac iyo rafaadna usoo marray. Raggaas nolosha aduunyo ka saahidday ee u ban-baxay Xaq u dirirka ee faqash dagaalka la galay ayaad ku jirtay Madaxwayne, saxiibadaa kula halgamay maanta way inagga hoseeyaan oo qabrigga ayay ku jiraan Alaah ha u naxriisto dhamaantood. Waxay ahayeen hebelo lagu xusuusto halgan dal jacayl. Inta dhimatay waxa kasii badan inta lixaadka ku wayday, indho,lug,gacan iyo laxaad kale-ba wayday.
Inta dhawacantay marka laga yimaaddo intii halgan-ka SNM soo gashay waxay qaar badan oo kamid ahi, dayac iyo rafaad ugu nool-yihiin dalka iyagoo Maskax ahaan “waashay” in baddan oo kalaa mid ahayd oo sarkiil iyo aqoonyahan ahayd markii ay dalka xoryeen siyaasadda way ka hadheen.waxay ka ahayd mar hadii aan dalkii xoraynay shacab-kaygiina xor noqden iyagu ha isu taliyaan.
Adiga iyo hebelo kale siyaasadda waad ku sii jirteen maantana idamka Allah Madaxwayne ayaad noo tahay, shacabkii ku doortay iyo kii aad usoo halgantay waxay ka cabanayaan waa qoyskaaga, qaylda baxaysa iyo sawaxanka warbaahinta ka socda annigu ma wada rumaysini lkn waxaan is waydiiyay maxay qoyska madaxwaynahu isu barri yeeli wayeen hadii Eeddaha iyo dhaliisha lagu wadaa ay been tahay. Maxaad u hadli laadihiin? maxay qoysku is baraxi laayihiin.?
Macalinka dhulka lagu haysto ee caddaymihisii soo bandhigay ee warbaahinta ka hadlaya ee leh ,awoodii madaxtooyada ayaa la ii adeegsaday ,maxay xukumadaadu ama qoyskaagu isaga difaaci wayeen dhaliisha dul-hogganaysa, sow looma rumaysan karro inuu madaxwaynuhu arrinka raali ka yahay?
Hadraawi waxa laga hayaa “Biyo sare u jeddaa,halka ay sal-dhigayan sahan raacay waydii”
• Hadii waxa warbaahinta iyo barraha bulshada ka socdaa ay beenyihiin maxaad noogu cadayn wayday oo aad u aamusteen addiga iyo xukuummadaadu?
• Maxaad uga hadli waydeen dhulka ay dadka danyarta ahi leeyihiin qoyska madaxwaynaha ayaa nagu haysta, maxay qoykaagu isu difaaci wayeen ama xukuummadu dhaliisha isaga difaaci wayday maxaa jirra?
Alaah ha u naxriisto ee Abwaan Cali Banfas waxa laga ahayaa:- “dhudhub oodan kiii kula damcee, bohosha dheereeya,isna kuu dhagoolaynayaa sow ku dhicimaayo”
Cadaalada iyo sinaantu waa waxa ay ummadi kuwada nolaato, cadaalad hadii la waayo sharci iyo kala danbayntu way lumaysaa, waxa aad madax ku tihiin, anaguna shacab ku nahay waa sharciga iyo kala danbaynta “Low and order” hadii kaas la waayo labo nin ayaynu nahay arrinkuna wuxuu noqonayaa
“Rag cadaalad wayaa sidii cawasha kala yaac”
Maalin walba waxay xukuumadu xabsiga u taxaab-taa Xildhibaano,Saxafiyiin,Siyaasiyiin iyo dad kale, dadkaasi waxay shegaan in xadhigooda loo maray hab baalmarsan sharciga iyagoo ku andacoonaya in aanay cidi usoo jarin “Waarran qabasho”
Mudane madaxwayne waxaan ku waydiin lahaa ma sax-baa in qofka muwadin-ka ah lasoo xidho iyada oo aan sharci loo haysan? Mise arrinuku waa “Lug geed ku marasho”
Labo dhacdo Somaliland waa markii ugu horaysay ee aan maqlo waanan labyaabay!.
• Waa markii ugu horaysay ee aan maqlo garsoore maxakmadeed oo ka tagay shaqadii garsoorka isagoo leh cadaaladi ma jirto.
• Waa markii ugu horaysay ee aan arko Qarreen xuququl insaan oo ka tagey shaqadii Qarreenimo isagoo leh cadaaladi ma jirto.
Maalin waa ifka maalina waa aakhiro e, madaxwayne dib u eeg inta xabsiyada ka dhex ooyaysa. oo maanta ayaad ifka joogta oo wax qaban kartaaye fadhiga ka kac oo cadaalada noo horseed.
Dadka ay xukuumadaaddu xidhay waxa kamid ahaa C/Maalik Muuse Coldoon oo ahaa Samo-falle caan ah, wuxuu dayr u ahaa boqolaal danyar ah iyo masaakiin, wuxuu kaalliyay oo codkiisa ugu hiiliyay boqolaal ay dawladu masuul ka ahayd oo dayac iyo gaajo la rafaaday, inuu dadkiisa wax u qabtay, hawshii dawalada waajibka ku ahaydna si samafal ah u fuliyay, maaha arrin yar ee waxa ay hayd inuu qarrankiisu abaal ugu hayo oo uu billado ku helo.
Anigu kuma dooddayo in aan dhaho C/Maalik danbi maleh”. lkn waxa uu ummada iyo qarran-ka u qabtay boqolaalka wasiir iyo agaasime ee somaliland soo maray in aanu midna u qaban ayaan oggahay. Waxaan kale oo aan oggahay inaanu qorri qaadan ee uu qalin sitay,waxa kaliya ee loo haystaa ay tahah waxuu qalin u adeegsaday, in la dhaho waxa haysta dugsiga “abaarso” oo Samo-fallaheenii ay sahaytay marti iyo dawlado shisheeye taasina waa ceeb kale iyo Cad qudheed “waana Lagga isii, oo badhida hoo”
Mudane madaxwayne hadii qoraalkaygu kusoo gaadhay waxaan kaa codsan lahaa inaad u naxariisto dadkii danyarta ahaa ee uu C/Maalik caawin jiray ee uu u ahaa dayrka ay dhaxnta ka dugsadaan. Hadiiba danbi loo haysto sow ma oggid in cabasho badani ka jirto xukunkiisa oo xataa dadkii eheladiisa iyo asxaabtiisa ahaa loo diiday inay soo boqdaan “Sida ay iyaguba warbaahinta ka shegeen”Maxaa sidaas loogu ciqaabayaa qof dadkiisa Samo-fale u ahaa”Adigga ayaa maanta awooda leh oo dalka madax ka ah inaad wax cafiddaa “waa arrin islaaminamdu ina farayso” waa martabad iyo meeqaam bini’aadamnimo oo sare ee fadlan cafiska oggoow.
Kuma lihi Coldoon waa barri lkn waxaan ku leeyahay kuwo baddan oo waddanka xilal kasoo qabtay iyo kuwo hada xil ka haya ayuu qarankan u dhaamay.
Waxaan kuu sheegayaa shacabku waa daallay oo niyadjab weyn ayaa ku dhacay murranka u dhaxeeya xukuumadaada iyo mucaaridka 30-sano kadib maanta somaliland waxay joogta meel ay niyadjab wayn ka dareentay. In maalin-ba adigga iyo xisbiyada mucaarridka ahi aad ku murntaan komishanka waxay noo noqotay arrin aanu ka daalnay, adiga ayaanu ku dooranay inaad masiirka ummada ka taliso , ma ah inaad isku iloowdo la ficiltanka mucaaridka oo aad u lumiso dantii caamka ahayd, xubinta Komishanka “KDQ” ee lagu yidhi celi ee xisbiyadu mucaaradku diideen maxaad dannaha qarranka qof ugu xidhaysaa sow ma awoodid inaad soo badasho?
Waxaan ku waydiin lahaa xubinta komishanka ee mucaaradku diiday iyo qarranka midkee jeceshahay maxaad-se qof dannaha qaranka ugu xidhaysaa ee aad usoo badali wayday uun!?
Wuxuun baan u fahami karnaa inaanay kuu kala duwanayn Qof iyo Qarran, waa hadii aad kusii adkaysto go’aan-kaggaas.
Arrinka Jabhada Kornayl Caare iyo Collaada Ceel-afwayn. 
Waxaa jirtay inaad arrinta jabahada kornayl Caare aad beeshiisa kala shirtay oo ku qaabishay madaxtoyada. Caare wuxuu ahaa sarkaal ciidanka qaranka ah. Markii hore ee ay Oday-du idinku dhex-jireen waad oggolayd balse shuruudihii uu la yimi waad diiday “arrinkaa waad ku saxsanayd inaad diido” waxayna noqon lahayd qaran jab, in shaqsi ciidankaaga kamid ahaa uu heeshiis kula galo” sharciga iyo sumcada ciidanka qarankana waad ilaalisay” waxanse la yaabnay inaad odayaashii beesha ee aad kala shirtay arrinka caare aad ka oggolaatay inaad saamaxdo wixii asakar iyo shacab ah ee jabahada ku jiray balse aad ku adkaysatay in aanad Caare saamix karrin arrin sharci darteed.
Waxan jeclaan lahaa in la iga jawaabo Su’aalaha ku jiraa qorraalkaygan!
Miyaanay khalad ahayn in askari qarran aad beeshiisa kala shirto? miyuu ku oggolyahay sharcigu kaad saamaxday in aad saamaxaadda ku siiso reernimo.?. Waxanse ku waydiin lahaa hadiiba arrinta ay maslaxad ahayd maxaad maslaxada qaranka u kala xullatay ilaa sharcigu makala xusheen e “ragga ama maad wada saamaxdid ama wada diidid ilaa iminkaba kuwaad oggolaatay wax maso kardhine”
• Colllaada ka jirta Ceel-afwayn waxay bar madoow ku tahay somaliland,waaxayna ceeb ku tahay qaranka balse waa qadar rabi waxii dhacayaa.
Xaajji fiqi AHUN oo shiikh bashiir Awoowgiis ahaa oo kamid ah nabadoono ku kala dhexjiray labo bellood oo dagaal ku dhexmaray hawdka burco, markii ay nabadii ka quusteen ayaa waxa laga hayaa war malaha nafo baxaya ayaynu is leenahay baajiyee “Rabi aynu u toobbad keenno”intuu labo rag-caddood oo sune ah tukatay. Waa markii uu Salaan Carabey rabi ku ilhaameeyay ee uu tiriyay geeraarkii nabada horseeday “Ee Tollow colka jooja” waxan leeyahay nabbada Ceel-afwayn ha loo guntaddo oo fadhiga ha laga kaco.
Dadkaa wada dhashay ee lagu naanaysay “Habar lammaan”waa wiil iyo abtigii meeshaas waa la isku dhamaaday oo birmagaydo ayaa lagu dillay, curuur iyo cirroole way isku dabar-go’een , xaallada halkaa ka jirta sawirkeeda annigu qorraal ayaan ka sameeyay la dhaho “Colaadda Beer-doox”
Waan oggahay addiga “madaxwaynaha” iyo xukuumadaaduba daacad ayaad ka tihiin meesha in nabadi ka dhalato, dawaladduna in dalka nabadi ka jirto waxay ka jeceshahay ma jirto, “waxaan hubaa inuu been sheegayo ninka dhaha dagaalka xukuumadda ayaa dabada ka wada” waanu oggahay in madaxda dalka nabbada cid ka jecli aannay jirrin.
Waxaanse is waydiiyaa muxuu madaxwaynahu dadkiisa ugu damqan wayay oo halka dagaalku ka socdo usoo dhex istaagi waayay oo beelahaas isu soo hor fadhiisin wayay intuu marba wafti soo dirayo. Arrinkaasi wuxuu kugu yahay hal-xidhaale siyaasaddeed.
Waxaan aad u tageersanahay qorshaha hada la wado ee ah in labada bellood iyagga la is hor fadhiisiyo oo iyaga la is daayo iyaguna garnaqsadaan ha is waydiiyaan waxay isku dilayaan iyo sidii ay ukala nabbad gali lahayeen.
Xukuumadaada Shacabka Somaaliland ma ku Qancinacsanyihiin?
• Madaxwayne xukumadaadu waa fadhiid , dadka kugu xeerani ma ah dadkii maanta dalkan marxaladaas addag ka saari lahaa, mana aha dadkii ku haboonaa siyaasadda maanta wadanka ka jirta, waxaanse la yaabyay in aanu xukumadaada ku jirin xubno kaa difaaci kara dhaliisha ugu timaada mucaaradka. Waxaa lagugu xantaa inaad isku xeertay dad aan arragti lahayn oo dood lahayn oo damac lahayn , dad aan weedh kugu soo celinayn kuwaasi waxba kuma soo kordhinyaan ninka raggi wakii kula dooda ku khilaafa ee tallada kulla hojiya. Waxaan kusoo jeedin lahaa wakhtiga ku hadhay ha dayicin ee waxuun ka badal xukuumadaadda oo “jabbad-kan dulinku galay ee wadda qaniinka ah ka dhex kac.
Xukuumada aad madaxda u tahay inay dhaliilaha iska difaacdo iska daaye, iyaddi ayaa is duqaysay, waxa shacabka Somaaliland la yaabay!,hadalka kasoo yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani ahaa “kuwii tagay awelba lacag ayay guranjireen inta joogtaana ha raacdo . Waa calaamtul Su’aal (?) Saarran Xukumadaadda, hadalkaasi mayahay hadal taliye.
Beellaha darafayaddu waa dad gob ah, waxay ahayd inaan iyga sharfno kuraarsta isaaq isku taxay aynu iyaga u hurno si aan somaliland qurux baddan u helno, lkn taasi ma dhicin waxaan ku odhan lahaa saami beelaha darfayda dib u eeg.
Beellaha laga tirrada badanyahay iyaguna xaqooda inay helaan ayay ahayd. 
Madaxwayne Cigaal AHUN. Waxa la yidhi nin kamid ah gollahisii wasiirrada ayuu wuxu ku yidhi :- addiga aabbahaa wuxuu ahaa nacas ee sidii aabbaha ha noqonin. Wasiirkuna wuxu dhahaa!:- waayahay!.
Maalintii danbe ayuu xilkii ka qaaday waxa la waydiyay maxaad hebel xilka uga qaadday wuxu yidhi :- ninka aabbihiis “nacasnimmada” u oggolaaday anigana waxba iima soo wado.
Addiga gollaahaga wasiirada ra’yil caamku waxay ku shegaan kuwo aad ku xulatay ammar qaadasho oo aan tallo lahayn.
Siyaasiga dhabta ahi waa kan aqbala arragtida isaga kasoo horjeeda. Axmed Silaanyo wuxuu caan ku ahaa inu qofka ka arragtida duwan soo dhawaysto, kadibna isagu maacalin u noqdo oo arragtidiisa kaa dhaadhiciyo.
Madaxwayne kuma dhaliilin ee arrinkaygu waa toosin iyo dal jacayl, hadalkayguna nacayb ma aha ee waa jacayl iyo waddaniyad, waxaan kugula talin lahaa inaad yeelto dulqaad iyo debecsanaan waana sunnaha hoggaaminta ee ma aha “Doqoniimo”
Madaxwaynaha shacabku marka uu dhawaaqo ee madaxdiisu ay dhagaysan waaydo ee uu noqdo maanta kuuma baahni, waxa baylaha noqda shacabka oo cid kasta oo cadow ahi kusoo dhumataa kana faa’idaystaa fursadaha aad lumiso.
Maanta waxa weerar cad oo siyasadeed laga dhex wadaa dhalinyarada somaliland .
Waxaa jira oo baryahan danbe soo shaac baxay in xafiiska raysal wasaaraha somaaliya “khayre” u furay xafiis muqdisho ku yaala oo looga gacan haadiyo dhalinyarada somaliland kuwa ay xukuumadaaddu xabsiyada u taxaabto, kuwaas oo ah Abwaano,Saxafiyiin.Qoraayo. iyo dhalinyarada kale ee siyaasada ku jira waxaan maanta tiro beelay dhalinyarada guddaha iyo dibbada joogta ee barraha bulshada ku qorraaya arragti ka dhan ah jiritaanka somaliland. Codawga somaliland iyada laga dhex sameeyay “Coloosheena ayaa laga kaluumaystay” lkn xukumadaadu maba aaminsana in dhaliyaradeed khatar ku noqon karto qaddiyada somaliland.
Maxamed xaashi dhamaca Gaariye. AHUN waxa laga hayaa:-Nimaan ka-ba darreen qabin, inuu dayn ka maqanyahay, ayaan doono lagu karrin”
Inay dawladu lumiso dhalinyarada oo ay xamar iyo konfur u yacaan sow dhaliil Xukuumadda somaliland kuma ah.Inay somaliland dadkeedu qaar la badashay oo maanta somaaliwayn iyo calankii dhacay ay ku dhawaqaan, oo dhalinyaro somaliland u dhalatay ay maanta xamar inaga soo cayaan sow ma ah “ciilkaaggu ku caawri)”.
Farmaajo iyo khayre dunida ayay wareegayaan,inaguna wasaaradii arrimaha dibada lama hayo meel ay jaan iyo cidhib dhigtay caalamkiina waa la inaga soo xidhay. Meeris suganeed ayaa ahaa”Rag hadaad colaad leedihiin ciidanse u waydo,hadba waxaad ku ciil-bixi kartaa kuu cawo addun ah”
Hadalkaygu waa mid maslaxdeed ee maaha mid mucaarid, waan fariin ka turjumaysa darreenka shacabka somaaliland. Ma xaqirayo in madaxwayne biixi ay wax u qabsameen, wax u qabsoomay way jiraan sida barnaamijka Shaqo qaran oo wax wayn ka badalay shaqo laa’aantii dalka ka jirtay lkn shakiga kala dhexgalay shacabka iyo Xukuumadda waxay lumisay kalsoonid shacabka somaaliland.
Addigu madaxwaynahaygii ayaad tahay kuma af-lagaadaynayno ee waan ku ducaynaynaa in ilaahy xaqa ku waafajiyo wadada saxdaana kugu suggo.
Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu dalkeenna ka yeelo barwaaqo iyo badhaadhe,waddankana inoo barakeeyo insha alaah
Alaah xaqa ha inagu sugo oo danbi dhaaf iyo naxariis Eebbe ha ina siiyo, noloshana badhaadhe iyo barwaaqo rabi ha inooga yeello Aamiin.
“Guul somaliland”
“Alaah mahad-leh”
Waxaa Qorraalkan Qoray.Mustafe Axmed Maxamed Geeddi-Xaas
Qoraa wax ka qorra arrimaha bulshada.
WhatsApp.0659555532
Facebook.Mustafe Ahmed Geedi